Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaan subax soo toosay xaniinyaheygi oo dheeraaday?

(1/1)

Hadimodiid:
asc walaal aadbaad umahadsan tihiin aniga waxaan idin weydinayaa labo sual oo aad iigu muhiim ah oo kala ah
1) lix bilood kahor waxaan subax soo toosay xaniinyaheygi oo dherer aanan horay ugu aqoon dheeraaday ina yar danqanaya waxaan ku sheego ayaan waayay ugu danbeyn waxaan utagay doctor waxaan isasaaray computer  waxuuna  ii sheegay inuu ihayo varicocele marka walaal maxaan ku daweyn karaa? ama aan kaga hortagi karaa inuu igu siyaado.


2)waxaan inbadan arkaa mararka qaar in xabadka ixanuuno siiba markuu qabow jiro, waxaan kaloon isku arkay mudo laga joogo 3 sano ilaa iyo hada in mar kaste aan dhiifsado oo aanan arag sankeygoo qalalan? walaal intaa iga shaafiya thanks alot

SomaliDoc:
Ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan "Varicocele: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.0.html
Midda ku saabsan xabad xanuunka iyo diifsashada, illaa imiso sano ayaa isku aragtay, xasaasiayd ama allerji ma leedahay?
Ma qufacdaa? Ma dhul qaboobe ah ayaa ku nooshahay oo aadan horay ugu noolaan jirin?
Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas.

Hadimodiid:
walaal aadbaad umahadsan tahay  malihi wax xasaasiyad ah waxaana ku noolahay hargeysa waxaana kaimid 4 sano kahor xamar mana qofaco waxaana isku arkay arinkaan  mudo 3 sano kahor ah 

SomaliDoc:
Hadimodiid, fadlan la xiriir dhakhtar si feeraha iyo cunaha lagaaga baaro, kadibna la ogaado xanuunka waxa uu yahay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version