Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Sanka ayaa igu xidhma cuntooyinka qaar?

(1/1)

Asma:
asc
waxaan ahay 20 jir waxaan leeyahay xanuun marka aan cuno cuntooyinka qaar ayaa sanku igu xidhmayaa kadibna dhuunta ayaa culays ka dareemayaa sidoo kale waxaan leeyahay af ur(af qadhmuun) oo isaguna markaan cuntooyinkaa cuno aad bay u sii siyaadaysaa urta afkaygu.
xanuunkan iyo urta afku way wada socdaan
cuntooyinka sanku igu xidhmayo waxaa ugu horaysay xawaashyada iminka se cuntooyin fara badan baan markaan cuno kala kulamayaa dhibaatadan oo ay ka mid yihiin kaaroto,kaabash,caanaha oo dhan nooc kasta ha ahaado,Toon,basbaaska,
waxaan xanuun kan qabaa mudo sadex sano ah dhakhaatiir badana oo dalka joogana waan u tagay balse wax natiijo ah kamaan soo helin mana aan bugsan ee xanuunkii weli wuu i hayaa marka ila tali ilaahay hakaa abaal mariyo

SomaliDoc:
Waxay u egtahay in aad xasaasiyad kugu kicinayso cunnooyinka aad tilmaantay sdiaas daraateedne uu sanku kuu caburmayaa, cunahane cadaadis aad uga dareemaysaa.
Talo ahaan waxaan ku siin lahaa in aad dhakhtar E.N.T u tagto si laguugu fiiriyo qalab cunaha, sanka iyo dhegta ah, kadib wixii talo ah waa lagu siin doonaa insha'llah

Navigation

[0] Message Index

Go to full version