Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Ilkaha ayaa idhiiga dhiig aan joogsanayn?
(1/1)
Jaamac123:
Asc slnkadib suaal aqaan qabaa aan rabo inaan waxka ogaado idinkoo mahadsn waxaan kasheegana yaa xanuun aan muddo qabay ilkaha ayaa idhiiga dhiig aan joogsanayn cadayga hadaan taabsiiyo ama anoog cadayba isticmalay habayn kii markan seexdo waxaan dareemayaa dhiiga ciridka iyo ilka ka imaanaya wxaan dareemayaa oo kale afka oo uraya maxaan kula tacaali karaa daawo mxaan usitic maali karaa ayaantaa aad baan udareemayaa dhiigas
Jaamac123:
Su aal kal oo aan rabo inaad igajaahil bixisaan muxuuyahay cudurka somalidu dhahaan yirid mxaa lagu gartaa maxaase lagudaweyaa
SomaliDoc:
Yiridku waa caabuq ku dhaca ciridka kaasoo keena inuu dhiigo, ciridka oo booskiisa ka durqo, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1409.0.html
Midda ku saabsan cirid dhiiga way noqon kartaa yirid, wuxuu kaloo noqon karaa inuu kugu yaryahay vitamin C-ga ama in ilkahaagu ay jiran yihiin ama unugyada xakameeyo qulqulka iyo xinjiroobista dhiiga in ay cillad ka jirto, sidaas awgeed waa in baaritaan lagugu sameeyo.
Midda ku aadan af-urka way ka imaan kartaa yirid-ka, quumanka, dhagaxaanta quumanka iyo waxyaabo kalaba, iyagane ka akhriso qoraaladaan hoose oo aan horay uga hadalnay.
1- Quuman: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html
2- Af-qurun: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html
3- Dhagaxaan quuman: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html
Navigation
[0] Message Index
Go to full version