
Xamo calooleedka waa shubanka yimaado umusha ka dib waxaana afka english-ka lagu dhahaa "Postpartum Diarrhea" ma ahan cudur ee waa isbadal dabiici ah oo ku dhaca jirka hooyada markay ay dhasho ka dib.
Sida la wada ogyahay hooyadu marka ay uurka leedahay caloosheeda waxay u badan tahay fadhi, waxay leedahay saxaro adag oo waawayn oo keeni karta in foosha ay carqaladayso haddii aanan laga buufin.
Sababta ay caloosha u fadhiisato oo saxarada ugu aruurto malawadka ayaa xiriir la leh isbadalka hormoonada ku dhaca ee uurka la socdo, hormoonkaas waxaa la dhahaa "progesterone" wuxuuna sameeyaa in dareeraha iyo biyaha malawadka ku jiro oo saxarada jilcin lahaa ama u sahli lahaa inay soo baxdo in ay dareerahaas dib ugu laabataan jirka, taasina waxay keentaa in saxarada ay istaagto oo ay dhaqaaqi wayso oo ku xiranto.
Markii hooyadu dhasho, hormoonkaas wuxuu si aayar ah dib ugu laabtaa heerkiisii hore ee uurka ka hor, taasina waxay keentaa in malawadkii uu dabiici noqdo oo hooyadu shuban isku badasho xaaladeeda.
Sababta kale ee keento shubankaan waxay la xiriirtaa haddii hooyada la siiyo daawooyina antibiotic ah marka ay foolanayso ama ay qaadatay muddo gaaban ka hor ama ka dib, waxay keentaain bakteeriyadii faa'idada lahayd ee ku jirtay malawadka iyo mindhicirrada waawayn in dhimato taasina waxay keentaa shuban loo yaqaano "shubanka antibiotikada"
Shubankaan ma ahan mid aad ugu badan haweenka khaas ahaan haddii hooyada laga soo saaro saxarada inta ay foolanayso ama ka hor, laakiin waa mid ku dhaca haweenak qaar, badanaa uma baahno daawo waxayna ku istaagtaa ugu badnaan laba usbuuc.
Haddii shubanka uu siyaado yahay ama fuuq bax laga cabsanayo ama uu wato dhiig ama axalo waxay noqon kartaa arrimo kale ee ma ahan xamo calooleed ee fadlan la xiriir dhakhtar.
Talo:
- Hooyadu halaga soo saaro saxarada marka ay foolanayso waxay u sahlaysaa foosha, nadaafadane way u roon tahay, shubankaane way kaga hortagi kartaa.
- Ka fogow daawo aanan loo baahnayn, haddii aysan hooyadu infekshan qabin oo ay ku dhasho si dabiici ah oo nadaafadeeda la ilaaliyay waa in aanan daawo la siinin illaa in la dillaacay oo dhaawacas loo cabsanayo mooyee.
- Hooyada ha cabto biyo iyo dareere badan haddii ay xamo calooleed leedahay.
Akhriso qoraal ku saabsan daryeelka dhalmada ka dib: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,624.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtaan iigu soo dira qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com