Author Topic: Su'aal: Cun cunka kil kisha?  (Read 3181 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Madiino muxudiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cun cunka kil kisha?
« on: January 09, 2016, 06:40:17 PM »
Waan idin salaamay Dr

Waxaan rabay inaan idin weydiiyo
Maxaa keeno kil kil cun cunka/toqfasha
Markeey hooyada nuujineyso naaska uu godlado
Isla markiiba cun cunka kil kisha oo eey gaareyso gooreey cunuga naaska ka dhaafto oo eey ayada ku mash quusho cun cunka kil  kisha
Ma wax iska caadi ahaa mase?

Waad mahadsan tihiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cun cunka kil kisha?
« Reply #1 on: January 15, 2016, 06:11:09 PM »
Cuncunka kilkisha waa arrin ay ka sheegtaan hooyooyinka ilmaha nuujiyo qaarkood, markii ilmaha la nuujinayo naasaha way godladaan, qaanjirrada u qaabilsan caano soo daynta illaa wxay ku tixan yihiin naaska dhinaciisa illaa kilkisha, waxaa kaloo isla kilkisha ku yaallo qanjirrada soo daayo dhididka.
Hooyooyinka qaar ayaa kilkilaha ka dhidido markii ay ilmaha nuujinayaan, cuncunka wuxuu ka yimaadaa dulduleelada qanjirrada dhididka oo xirmo oo uu dhididka soo bixi waayo, tan ayaa waxaa loo dareemaa cuncun aad u badan oo hooyadu isku mashquulayso, kullamaa nuujinta ay sii wado, cuncunka wuu sii bataa.
Waxyaabaha badanaa xir duleelada dhididka waxaa ugu badan caabuq dhididka la socdo oo la yiraahdo "yeast infection", waxaad samayn kartaa in aad isku qasto biyo caadi ah iyo "vinegar" ama "khal" sida dadka qaar u yaqaanaan, kadib suuf aad ku soo qaado oo kilkilaha ku tirtid si duleelahaas u furmaan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay cun cunka qoodhaha iyo cad cadaan ka muuqda?

Started by BodingBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8368
Last post September 19, 2015, 09:18:12 PM
by Ayanleh
Su'aal: Dhuun cun cunka iyo riiraxyo?

Started by Axmed naafBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5226
Last post May 01, 2019, 08:12:44 PM
by SomaliDoc