Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hooyadeey ayaa aad u qunfacdo marwalbo?

(1/1)

Ashom:
Asc dhaman waa idin salaamay
Aad ayaa u mahadsan tihiin dhamaan
Hooyadeey ayaa aad u qunfacdo marwalbo . dhaqtar waa la geeyay dawada inteey u soco tay weey fiican tahay markeey dhamaatana waa sideedi
Mar mar qaar naqas Ka ayaa ku xirmo waxaa lagu duraa cirbad naqas weeyna fiic naataa lkn qunfacu ma joogsado wax talo iyo waano ah ee aad nagu caawi kartaan nagu caawiya
Thank you somdoc

SomaliDoc:
Qufaca joogtada ah wuxuu noqon karaa wax la xiriiro cillad sambabada ama wadnaha.
Waxa ugu badan waa xiiqda ama xasaasiyada sambabada ama neefta, waxaa ku xiga boronkiitada raagto, waxaa ku xiga tiibishada, waxaa ku xiga shaqa yarida wadnaha markuu qofka da' yahay, waxay hooyo u baahan tahay in la ogaado marka hore waxa xanuunka u keenayo, kadib ayaa laga hadli karaa daaweynta iyo waxtarkeeda, fadlan la xiriir dhakhtar aqoon u leh inuu kala sooco xanuunadaas.
Akhriso Xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html
Akhriso Tiibishada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html
Akhriso Burunkiitada raagto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html
Akhriso howlgabka wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version