Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa xajiinta?
(1/1)
Raaqiya Sh:
Su'aal: maxa lagu daweeyaa xajiinta ama numbero aan dheecaan lahayn oo sida canbaarka usoo eg iga caawiya doctors xanunkas jawaabtana meel aan ugu hagaago la ii sheego wan cusbahay mesha ma aqan si loo isticmalo hadan meel khaldan wax ku qoray ha la iga raali ahaado
SomaliDoc:
Qufaca joogtada ah wuxuu noqon karaa wax la xiriiro cillad sambabada ama wadnaha.
Waxa ugu badan waa xiiqda ama xasaasiyada sambabada ama neefta, waxaa ku xiga boronkiitada raagto, waxaa ku xiga tiibishada, waxaa ku xiga shaqa yarida wadnaha markuu qofka da' yahay, waxay hooyo u baahan tahay in la ogaado marka hore waxa xanuunka u keenayo, kadib ayaa laga hadli karaa daaweynta iyo waxtarkeeda, fadlan la xiriir dhakhtar aqoon u leh inuu kala sooco xanuunadaas.
Akhriso Xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html
Akhriso Tiibishada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html
Akhriso Burunkiitada raagto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1408.0.html
Akhriso howlgabka wadnaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,520.0.html
Navigation
[0] Message Index
Go to full version