Author Topic: Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala  (Read 56650 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala
« on: May 19, 2016, 05:50:26 PM »


Bismillahi,

Waxaan ka hadlayaa maanta, cillad ku badan bulshada qeybo ka mid ah sida ciyaartoyda, askarta, dadka safarrada u baxa sida kuwa la shaqeeyo hay'adaha oo booqdo tuulooyinka iyo miyiga.

Xanuunkaan wuxuu galaa faraha dhexdooda, marka hore wuxuu ku bilawdaa cuncun uu qofka u bogayo inuu xoqo, kadib waxay keentaa jeexjeexdin ama dildillaac, kadibne waxaa ku samaysmo waxyaabo cadcad sida sawirka ka muuqdo, kadibne ur ayay yeelataa, haddii aan la daawaynin, infekshanka wuxuu u gudbi karaa qeybta hoose oo jirka ama waxaa ku dul tarmi karo jeermiska bakteeriyada, kadibne cagta ama lugta oo idil ayaa infekshanka wada qaadi karto.

Caabuqaan faraha galo waxaa keeno jeermiska fangaska, waa jeermis jecel inuu ku dhaco kuna tarmo meelaha huurka ah oo dhididka leh.

Caabuqa wuu ku faafi karaa faraha kale ee cagta, wuxuu kaloo u gudbi karaa ciddiyaha, haddii aad xoqdid kadibne aad taabatid meelo kale oo jirka ka mid ah.

Haddii aad kabaha ama iskaalshooyinka aad la qaadatid qof kale waad ka qaadi kartaa.

Cilladaan waxay badanaa timaadaa:
  • Haddii aan cagaha safiican loo dhaqin, kadibne la qallajin
  • Haddii aad markasta gashnaato kabo xiran ama boots-ka, tanoo hawada u diidayso in faraha gaarto.
  • Haddii aad kabo la'aan ku socotid meel laga qaadi karo fangaska.
  • Haddii aad dharka ama kabaha la isticmaashid qof qaba xanuunkaan.
  • Haddii aad qabtid xanuun caawin karo jeermiskaan inuu kugu tarmo sida xanuunka macaanka.

Sidee loo daaweeyaa?
Daawooyin loo isticmaalo cilladaan ayaa jiro, kuwaas oo ah kuwa lagu buufiyo faraha dhexdooda oo jeermiska dilo iyo kuwa la marsado sidii kareemyada, iyo kuwa sidii kaniinada oo kale loo qaato, badanaa daawada waa lagu bogsadaa, laakiin waxaa muhiim ah in laga fogaado asbaabta keento, hooyada uurka leh ama nuujinayso ma qaadan karto kuwa kaniiniyaasha ah.

Waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtid haddii aad cilladaas isku aragtid, waa wax si sahlan loo daawayn karo markay cusub tahay, mahadsanidiin.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caabuqa Sanqada "Sinusitis"

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 101619
Last post January 09, 2016, 03:42:34 PM
by SomaliDoc
ICRC oo ka walaacsan in daryeelo la'aan u dhintaan dhaawacyada faraha badan ee M

Started by ShenamicBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 4859
Last post May 31, 2011, 12:18:03 AM
by Shenamic
Waa maxay Nabarka Cagta ku dhaca ee "Madura"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 32584
Last post December 23, 2015, 02:29:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: maqaarka faraha gacanta iney miin yeelanayaan?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7247
Last post April 30, 2011, 08:23:40 PM
by SomaliDoc
Cukur ama Jalaqley la kabay + faraha hore aan shaqeyneyn

Started by LibaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5811
Last post August 23, 2013, 12:58:50 PM
by SomaliDoc