Author Topic: Dhibaatada Daawooyinka La Isku Caateeyo..!  (Read 31482 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hibaq11

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Dhibaatada Daawooyinka La Isku Caateeyo..!
« on: January 16, 2016, 05:03:22 PM »
Waxan raba inan ogado dhibaato caafimad makenan daawoyinka leysku caleenta creamada hadii ay dhibato kenan side ku dhimi karaa mahadsanid doctor




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Daawooyinka leysku caateeyo dhibaato caafimaad ma keenaan?
« Reply #1 on: January 22, 2016, 09:08:14 PM »


Waa maxay daawooyinka la isku caateeyo?
Waa daawooyin loogu tala galay in ay badalaan habkii dabiiciga aha ee eebe ugu tala galay in loo maareeyo miisaanka bini'aadanka, waxay badalaan rabitaanka cuntada am yareeyaan nuugista nafaqada.
Waxa kaliya ee la isku waafaqsan yahay oo miisaanka lagu xakameeyo waa cunnada oo la habeeyo iyo jimicsiga, akhriso qoraal ku saabsan siyaabaha dabiiciga ah ee loo kontaroolo cayilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3014.0.html

Daawooyinka la isku caateeyo wax ma taraan?
Maalin kasta waxaa la sheegaa in la soo saaray daawo miisaanka rido ama baruurta jirka ku yareyso, qaar badan oo ka mid ah daawooyinkaas waxaa la sheegaa in ay wax dabiici ka samaysan yihiin, laakiin badidood waa daawooyin loo sameestay ganacsi oo wax la tijaabiyaya ma cilmibaaris ku dhisan ma ahan.
Daawada kaliya ee la ansixiyay oo la yiri waxbay u tartaa dadka cayilan waa daawo la yiraahdo "Orlistat" ama "Xenical" iyo daawo kale oo la yiraahdo "Sibutramine" ama "Meridia" laakiin nasiib xumo suuqa waa laga saaray sanadkii 2010 markii la arkay dadka isticmaalo daawadaan inuu wadnaha dhibaato u geystay, qaarkoodne ay u dhintaan wadna istaag "heart attack".

Daawada la yiraahdo "Orlistat" waxaa ansixisay shirkada daawooyinka ee maraykanka waxayna sheegtay in la qaadan karo muddo dheer, waxaana la sheegaa qaabka ay u shaqeyso in ay yarayso in mindhicirada ay nuugaan dufanta iyo xayrta la socoto cunnada iyadoo hoos u dhigayso dheecaan jirka uu soo daayo oo loo yaqaano "lipase".
Waxaa kaloo jirta daawo la dhaho "Rimonabant" oo laga isticmaalo yurub inkastoo maraykanka iyo canada aan laga ogoleyn maadaama la sheegay inuu dhibaatooyin keeni karo, waxaana la filayaa in mar dhow yurub laga joojin doono daawadaas.

Waxaa kaloo jiro daawooyinka yareeyo rabitaanka cuntada oo suuqa laga helo laakiin iyagane waa lagu walfaa oo dhibaatooyin kale oo xaga maskaxda ayay keenaan.

[Ma jiraan wax dabiici ah oo miisaanka iga ridi karo?[/b]
Illaa iyo hadda ma jiraan wax la hubo oo dabiici ah oo miisaanka ridi karo oo daawo ahaan loo qaato, badanaa daawooyinka aan kor ku soo xusay waxaa la qoraa kaliya markii qofka cayilkiisa uu xad ka bax yahay oo qofka naftiisa halis galin karo, qofkaasoo aan lahayn xanuunka wadnaha, kilyaha iyo beerka, ee ma ahan daawo aad iska gadan karto oo aad isticmaali kartid, wixii waxyeello ay keeni karto inta laga ogyahayne waa in laguu sharxaa si aad ogaansho buuxda u lahaatid inta aadan qaadan.
Waxaa jiro dad isticmaalo daawooyin loogu talagalay cudurro kale in lagu daaweeyo si ay miisaan u lumiyaan waxaa ka mid ah daawooyinka macaanka qaar ka mid ah, hormoonada qaar, laakiin wax sax ma ahan arintaan.

Waxyeellada daawooyinka cayilka:
Daawooyinka cayilka waxay leeyihiin waxyeello kala duwan, qaarkoodne waa halis, badanaa dhibaatooyinka ay keenaan waa wax la xiriiro wadnaha, daawada hada ugu caansan ee kor ku xusay oo ay dhakhaatiirta qoraan ee loo yaqaano "Orlistat" waxyeeladeeda waxaa ka mid ah calool majiir, dibbiro iyo daaco badan.
maadaama aanan wax badan laga aqoonin sida jirka uu cayilka iyo caatada u kontaroolo badanaa laguma dhiiran karo daawooyinka lagu xakameeyo, sidaas daraadeed daawo kasta oo arintaan loo sameeyo darteed waa daawo aanan la hubin waxtarkeeda iyo waxyeeladeeda, inta laga ogaanayane waxay u baahan tahay muddo dheer oo baaris iyo tijaabin ah.
Waxaa jira oo hada socdo dhowr baaritaan oo lagu baarayo daawooyin ka agdhow daawada "orlistat" laakin waxyeeladeeda yartahay, illaa iyo haddane laguma guuleysan.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26449
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21453
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44017
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47801
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29372
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc