Author Topic: Qabsinka (Appendicitis)  (Read 62291 times)

0 Members and 8 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qabsinka (Appendicitis)
« on: January 19, 2016, 12:55:21 PM »


Waa maxay cudurka qabsinka?
Xanuunka Qabsinka waa barar xanuun badan oo ku dhaco xubinta qabsinka ee "appendix" waa wax far oo kale la eg oo dhinac kaga dhegan xiidmaha waaweyn ee caloosha.

Xanuunka qabsinka waxaa marka hore la dareemaa xanuun xudunta ah, kaasoo yimaado kadibna tago, saacado ka dib xanuunku wuxuu u dhaqaaqaa dhinaca midig ee caloosha qeybta ugu hooseyso, waana meesha qabsinka uu ku jiro, xanuunka markaas kadib wuxuu noqdaa mid joogto ah oo aad u xanuun badan.
Meesha oo la riixo, qufaca ama socodka wuu uga sii daraa xanuunka, waxaa dareemi doontaa qandho, dibbiro, dhuuso la'aan, cunno xumo, tabar darri, matag, shuban marmarka qaar ama caloosha oo fadhiisato.

Haddii aad dareento xanuunkaan waa in sida ugu dakhsiyaa badan u tagtaa isbitaalka, waa in aad iska xaadirisaa qeybta gargaarka degdegga.
Haddii aad ku nooshahay meel aad ambulance wacan karto waa in aad la xiriirtaa.

Xanuunka wuu sii faafi karaa, wuxuuna u sii gudbayaa caloosha oo dhan, haddii uu qabsinka dilaaco waxaa dhici karo in aad u dhimato.

Maxaa keeno Qabsinka?
Inkastoo sida dhabta ah uu ku bilawdo qabsinka aanan la garanayn laakiin waxaa la qiyaasaa in ay bilaabato markii saxarada qeyb ka mid ah ama qanjirrada mindhicirka ay xiraan afka qabsinka, taasoo keenta in ay caabuq qaado, kadibne ay bararto. maadaama aanan la ogayn sida dhabta ah uu ku yimaado qabsinka, ma jirto tilaabooyin la ogyahay oo looga hortago.

Yuu ku dhacaa Qabsinka?
Qabsinku waa xanuun aad u badan, waxaa lagu qiyaasaa 13-dii qofba hal qof inuu dunida ku dhici karo, da' kastane wuu ku dhici karaa, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay da'da 10 illaa 20 sano.

Sidee lagu ogaadaa in aan qabsin qabo
Dhakhtarka wuu ku wiisiteyn doonaa, wuxuu fiirin doonaa calaamado lagu yaqaano in qabsinku uu caabuq qaaday, kadibne wuxuu kuu diri doonaa baaritaan dhiig iyo computer ultrasound ama CT scan lagu fiirinayo xaalada qabsinka, kadib ayaa la gaari doonaa go'aan qalliin.

Sidee loo daaweeyaa qabsinka?
Haddii aad qabsin iskaga shakiso iska ilaali in aad isdaaweyso, waxna ha cunin, waxna ha cabin, daawo gaas ha qaadanin, daawo caloosha lagu socodsiiyo ha cabin, hana isku kubakubayn.
Maxaa yeelay intaasba waxay keeni karaan inuu qabsinka dillaaco.
Waa in qalliin degdeg ah lagu sameeyo qofka oo laga saaro qabsinka sida ugu dhakhsiyaha badan, qalliinka lagu saaro qabsinka waxaa loo yaqaanaa "Appendicectomy" fadlan akhriso qoraal ku saabsan qalliinkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1176.0.html
Qalliinka ka dib qofka wuu ku reystaa labo illaa sadax usbuuc ka dib inkastoo shaqooyinka culculus laga fogaado illaa 6 usbuuc.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid, fadlan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qalliin dhinaca qabsinka ayaa sameeyay?

Started by Abukar77Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5892
Last post March 25, 2017, 07:56:59 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa la iga qalay cudurka Qabsinka?

Started by Abdifatah100Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4883
Last post December 11, 2018, 12:04:04 AM
by SomaliDoc