Author Topic: Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?  (Read 4179 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?
« on: January 19, 2016, 04:37:25 PM »
Waad mahadsantihiin somalidoc.com
Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan(cas) oo u eg tin cilaan la marshay oo kale da'deeyda waxeey Ka yartahay 30
27 jir ayaa ahay ee mxaa lagu asteen karaa?
Thanks




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?
« Reply #1 on: January 23, 2016, 02:26:10 PM »
Waa cillad ku timaada timaha khaas ahaan kuwa garka iyo shaarabaha, waa nooc ka mid ah midab beel, waxayna isu badali kartaa cirro, waxyaabaha keeno waxaa ugu badan welwelka, fakarka iyo shaqada badan.
Waa laga yaabaa marmarka qaar inuu sidii dabiiciga ku laabato tinta, laakin midabka aad tilmaantay oo cillaanka u eg, ama boorboorka ama kaffeey waa tinta oo midabkeedii madowga ahaa ka sii tirirmayo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: