Author Topic: Caabuqa Caloosha Ee Aaan Lagu Baraarugsanayn.  (Read 12608 times)

0 Members and 4 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3937
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caabuqa Caloosha Ee Aaan Lagu Baraarugsanayn.
« on: September 12, 2017, 07:57:44 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa cillad hordhaceedu aan idiin kugu soo bandhignay sadax maalin ka hor boggeena Facebook, taasoo u qornayd sidatan:

"Waxaan dareemaa calool xanuun, lalabo sidii qof saliid cabay oo kale khaasatan markay cunno ii soo carafto ama arko, waxaan kaloo leeyahay wadne garaac, af-qallayl, caajis qoorta iyo labada garbood inta u dhaxaysa, daal markaan howl yar qabto, waxaan kaloo dareemaa dibbiryo iyo in saxaro i hayso oo kale laakiin waxaa iga yimaado hawo iyo shuban yar oo ur iyo wasakh leh, mararka qaarne dhabarka ayaa la iga qabtaa, fadhiga badanne wuu i dhibaa, bowdyadane waan ka dareemaa kabuubyo. waxaan u maleeyn jiray inuu gaas i hayo ama infekshan kaadida ah, daawooyinkoodane illaa iyo hadda waxba isagama garan. dhakhtarow muxuu noqon karaa xanuunkaan, talo ayaan u baahanahay?!"

Cabashada nuucaan ah aad ayay ugu badan tahay bulshada, wayna adag tahay in lagu baraarugo maadaama lagu qaldi karo xanuuno kale oo badan, qofka xanuunsanne ay ku adkaan karto si uu uga warbixiyo maadaama meelo kala duwan oo jirka ah uu xanuun ka dareemayo.

Waa maxay xanuunkaan, maxaase keeno?
Waa caabuq raagay oo caloosha ku dhaco, waxaana badanaa keeno jeermiska loo yaqaano "Amoeba" ama "Entamoeba", waa jeermis aad u yar oo il-ma-aragto ah laakiin si khaldan ayay soomaalidu u aaminsan tahay inuu gooryaan yahay, waxayna dadka qaar ku magacaabaan "Ambeebe".

Xanuunkaan marka ugu horayso wuxuu qofka ka qaadaa cunno ama cabitaan wasakh ah, taabasho jir kale ama meel jeermiskaan gaaray, qofka saacado kadib wuxuu dareemaa shuban, matag iyo calool xanuun, kadib waxaa laga yaabaa in qofka uu ka raysto astaamahaas ama inuusanba wax wayn dareemin, laakiin xanuunkaan wuu ku raagaa dadka qaar wuxuuna qaataa bilooyin illaa sanooyin, waxyaabaha keeno inuu qofka ku raago waxaa ka mid ah:
  • Qofka oo difaaca jirkiisa hooseeyo
  • Qofka oo nafaqo darri hayso
  • Qofka oo xanuunkaan u qaato daawo aan loogu talagalin ama aan tayo lahayn

Waa maxay astaamaha lagu garto xanuunkaan?
Markuu caabuqaan raago, in la garto way adkaataa maadaama u ekaan karo xanuuno kale oo qaarkood aan shaqo ku lahayn caloosha iyo mindhicirrada, sidaa darteed waxaa muhiim ah in qofka si dagan oo xeel dheer loo waraysto, waxaana badanaa lagu ogaan karaa waraysigaas iyadoo dib loo raacayo cabashada qofkaas si loo xasuusiyo markii ugu horaysay oo cilladaan billaabanaysay iyo in qofka daawo uu qaatay waqtigaas. marka astaamaaha kala duwan oo qofku dareemo waxaa ka mid ah:
  • Murqo xanuun: khaasatan qoorta, labada garab dhexdooda, lugaha, gacmaha iyo dhabarka.
  • Caajis badan, daal iyo tabardarri markuu qofka howl qabto maadaama murqaha dhan ay wada daalan yihiin.
  • Calool xanuun khafiif ah oo marba meel qofku ka dareemayo sida bogga iyo labada dhinac ee caloosha.
  • Lalabo / Yalaalugo: waxaa laga yaabaa inuusan qofka matagin laakiin wuxuu dareemayaa in bogga wax culus ka saaran yihiin ama inuu saliid cabay oo kale, waxaana lalabada la dareemaa markuu qofka damco inuu wax cuno ama cunnada u soo carafto ama muuqaalkeeda arko. sidaa darteed qofka wuxuu dareemayaa mar walba dharag joogto ah.
  • Miisaan lumis: maadaama qofku dharag dareemayo, lalabane qabanayso markuu cunno hammiyo, badanaa miisaanka wuu lumaa waxaana qofka ka muuqdo diif iyo af-qallayl.
  • Shuban ama saxaro wasakh leh: qofka wuxuu dareemayaa inuu musqul u baahan yahay oo ay saxaro hayso, laakiin markuu suuliga tago hawo kaliya ayaa ka imaato ama saxaro yar ama shuban ur iyo wasakh leh, mararka qaarne dhiig iyo axalo ayaa la socda. markuu xaajada guto kadib ayaa hadane dhici karto inuu sidii oo kale uu dareeemo.
  • Kabuubyo: dadka qaar waxay bowdyaha iyo murqaha hoose ee lugaha ka dareemaan kabuubyo xilliyada qaar khaasatan markay howl qabtaan, taasoo qofka u malayn karo in cillad kale ay hayso.
  • Dibbiro iyo hawo badan oo caloosha laga dareemayo, taasoo qofka uu dhibsanayo fadhiga badan.

Caabuqa "Amoeba" wuxuu saameyn ku yeelan karaa meelo mindhicirrada ka baxsan sida beerka oo malax gashto, taasoo xaalad halis ah noqon karto loona yaqaano "Amoebic Liver Abscess".

Sidee lagu ogaan karaa cudurkaan?
Baarista cudurkaan aad ayay u sahlan tahay, umana baahno qarash badan oo baaris lagu bixiyo sida kumbuyuutar IWM, waxaa la baarayaa saxarada kaliya iyadoo laga eegayo ugxanta jeermiskaan, wayna sahlan tahay in la arko hadduu qofka baarayo uu khibrad u leeyahay.

Maxaa keenay in cudurkaan la dhinac maro ama la garan waayo?
  • Astaamaha xanuunka oo is badalay maadaama uu xanuunka jirka ku raagay muddo dheer, sidaa darteed waxaa laga yaabaa in daryeelaha caafimaadka uu filaayo shuban, matag iyo calool majiir, laakiin qofkaba intaas uusan lahayn.
  • Bulshada oo aaminsan fikrad khaldan taasoo ah in ameebaha lagu garto shuban-dhiig ama diisantariyo kaliya, taasina waa hal qaab kaliya oo xanuunka loo dareemo, waxaana markaas loo yaqaannaa "Amoebic Dysentry"
  • Astaamaha xanuunka oo u eg xanuuno kale sida cudurka gaaska, roomaatisamka, caabuqa kaadi mareenka, cillad neerfo iyo kuwa kalaba, taasoo qofka hadduu xitaa qaato daawooyinkooda uusan waxba iskaga dareemin.
  • Baarista cudurka oo la dhinac maro maadaama bulshadu badankeed ay aaminsan tahay in saxarada oo la baaro aysan macno wayn ku fadhin ama ay wahsanayaan in saami saxaro laga qaado markay xarumaha caafimaadka tagaan ama dhakhtarkaba uu degdegsan yahay oo uusan sugi karin inta bukaanka saxaro uu ka helayo sidaa darteed uusanba u dirin.
  • Daaweynta oo qiyaas qofka lagu siiyo ama si sax ah aan loo qaadan, sababtoo ah qallajiyo walba waxba kama taro jeermiskaan, daawada kaliya ee wax looga garto waa "metronidazole" ama "Tinidazole" ama "satronidazole" ama "Nitroimidazole" ama "Secnidazole" ama "Ornidazole".

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Badanaa cilladaan markii la baaro waa la arkaa, sidaa darteed waa muhiim in qofka is baaro si loo hubiyo cudurka, waxaana dhakhtarku ku siin doonaa daawooyinka loogu talagalay oo aan kor ku soo xusay, waxaana badanaa la raaciyaa qallajiyayaal kale oo la isla yaqaano khaasatan mid ka mid ah kooxda loo yaqaano "quinolones" maadaama jeermiska bakteeriyada uu ka faa'idaysto caabuqaan oo badanaa qofka laga helo, xaaladaasoo loo yaqaano "Bacterial superinfection"

Qaab dabiici ah ma loola tacali karaa xanuunkaan?
Waxyaabaha dabiiciga ah ee jeermiskaan wax ka tari karo waxaa ka mid ah toonta, sanjabiilka iyo subaga idaha oo aan hadda ka hor qoraallo ku faahfaahinnay kuwaasoo aad ka sii geli kartid link-yadaan hoose:
Toonta iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0
Subaga Idaha iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5927.0
Sanjabiilka iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0

Haddii aad u baahan tahay warbixin intaa dhaafsiisan ama su'aalo kaaga soo baxeen casharkaan ama aad ka cabanayso cillad kale oo aad ku wareertay waxaad fariintaada iigu dhaafi kartaa boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 43040
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21767
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 12991
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 19977
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 8683
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca