Author Topic: Cagaarshowga B (Hepatitis B)  (Read 110625 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cagaarshowga B (Hepatitis B)
« on: January 24, 2008, 01:33:50 AM »


Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena?
Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).
Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.
Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto
dheer.
Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.

Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B?
Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya
cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Ma Halis baa?
Haa wuu noqon kara, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska
dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba
waxaa loo yaqaanaa “sidayaasha” Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku
soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.
Akhriso qoraal ku saabsan Howlgabka Beerka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html

Sidee Ayaad u Qaadi Kareysaa Cagaarshowga B?
Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:
1- In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
2- In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
3- Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
4- Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
5- In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka
6- Alaabta guriga oo la wadaago sida cadeyga ama gar-xiirta
Inkasta oo uu u faafo sida jeermiska aydhiska oo kale, ka cagaarshoga B ayaa 100 jeer ka is qabadsiin fudud. Tani macheheedu waa dadka ku wada nool guri hadii mid ka mid ahi uu qabo cagaarshowga B Laga yaabaa in inta kalena ay qaadaan.

Maxay yihiin Calaamadihiisu?
Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee.
Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:
1- xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg
2- iyadoo la dareemo xanuun iyo daal
3- matag iyo shuban
4- miisaankaaga oo is dhimo
5- is xoqid badan
6- jooniska (indhaho caseeye)
7- midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.

Baaritaanka Cagaarshowga B
Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:
1- inuu ku hayo hada cagaarshowga B
2- Inuu hore kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)

Maxaa la isku baaraa?
1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.
2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho
3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Ma suurto gal baa in daawo la helo?
Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’
jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa
dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

Talaal ma jiraa?
Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u
saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa.
Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B.
Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur
dhaliyaha mudo dheer.

Halka aad gargaar ka heli karto?
Hadii aad u maleysid inuu ku hayo cagaarshowga B la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad.


Hadii aad qabtid wax su'aalo ah iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Ahmed333

  • Newbie
  • *
  • Posts: 14
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Cagaarshowga B (Hepatitis B)
« Reply #1 on: November 15, 2011, 12:21:23 AM »
ASC

waan idin salaamay akhyaarta ilahay haydinka abaal mariyo dadaalkiinaa aaad iyo aad ayaad u mahadsantihiin

suaal ayaan rabaa inaan idin waydiiyo fadlan qofka qaba cagaarshow B 1) cunooyinkee ayaa u fiican beerkiisa

ama 2)cuneeyinkee ayaa u fiican in uu iska ilaaliyo si beerkiisa buka u daryeelo

3) cuneeyinkee ayaad kula talin lahaydeen inuu cuno ama iska ilaaliyo aad iyo aad ayaad u mahdsantihiin walaalyaal.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Cagaarshowga B (Hepatitis B)
« Reply #2 on: November 21, 2011, 08:23:54 PM »
Cunno khaas u ah dadka qabo cagaarshowga B ma jirto laakiin maadaama cunno walba iyo daawo walba aad qaadatid ay maraan beerka si looga shaqeeyo, waa in cunnooyinka culeeska ku ah beerka iyo daawooyinka oo idilba in la iska ilaaliyo si beerka uusan u hawlgabin.

Talooyinka aan ku siin lahaa waa:
1- Cun cunto isku dheelli tiran
2- Ka fogow cunnada dufanka ku badan tahay
3- Badso cabitaanka iyo cunnada biyaha u badan sida qaraha/xabxabka
4- Iska ilaali cusbada aad u badan.
5- Daawo oo dhanba ha u dhawaanin xittaa haddii ay noqoto Paracetamol.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Fahrer2015

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Re: Cagaarshowga B (Hepatitis B)
« Reply #3 on: August 09, 2017, 06:02:05 PM »
Asc

xaqiiqda HBV ama Cagaarshow B

1.  somalia aad buu ugu badan iyo guud ahaam geeska africa
2 . malaha wax dawo ah oo effective ah  ujeedada HBV loo daweeyo waa in layareeyo HBV  DNA ana Viral Load ka si looga hortago replication ka virus ka cellasha Beerka.
3 . dadka qaba badan kood waa dad yaraantoodii uu ku dhacay ama ku dhashay qofka dhalinyarta ah ama difaaciisu fiican yahay wax khatar ah kuma keeno dhiigiisa wuu ka baxaa.
4.  ruuxa qaba cagaarshow baadhitaanada uu u baahan yahay waxaa kamid ah FibroScan oo sheega heerka beerkiisu dhaawaca u gaystay viruskan viral load oo ah baaxada viruska kujira dhigiisa oo muhiim u ah marka ruuxa daawada lasiinayo.

5 ruuxa qaba HBV waa laba mid uun waa  virus replication kiisu waa Active ama Inactive.
6. HBV wuxuu cadaadis saraa immunity ga qofka, si uu ugu sii dhex nolaado qof ka.
7. dawo la qaato oo ka saaraya qofka wakhti xaadirkan majirto balse dawooyin ayaa laga shaqaynayaa waxaana laga qabaa rajo fiican, madaama dawoyinkaas tijabadoodii guul ku dhamaatay balse wali tijaabaa kusocota.
8 cagaarshow C oo sida cagaarshow B u dhib badnaa dawasiisa waxaa la soo saaray 2014 waxaana rajo fiican laga qabaa inuu cagaarshow B ku xigi doono dawadiisa.

9.  sanadihii ugu danbeeyay khaasatan 2016 waxaa la ogaaday sababta cagaarshow B ugu adkaatay dawooyinka NUCs ka inay meesha ka saraan, iyo meesha ay ka imanayaan HbsAg oo ah particles yar oo non infectios ah balse ah kan difaaca cunaga kudhagan waxaana la ogaaday HbsAg marka bloodka laga nadiifiyay  in Hbs Ag cusub uu soo saareen infected liver cells kasoo lagu magacaabay DNA  integrated oo la wareegay shaqadii  oo saa daayay HbsAg si horleh  u aamusiiyay immunityga.

10.daawada cagaarshow b laga leeyahay ayaa ah in qofka difaaciis    dib losoo noleeyo si  uu iskaga celiyo HBsAg.

11. hbs Ag waxa lagu cabiraa iu/ml hadii uu yaraado waxay ka dhigan tahay ruuxaas difaaciisa ayaa dib usoo noolaanaya waxayna u dhawdahay inuu difaaciisa guulaysto.
12. mar mar ruuxu difaaciisa wuu guulaystaa isagoon wax dawo ah lasiinin wuuna ka adkaadaa HbsAg inkaste  lagu tilmaamo inay yihiin dad aad u yar oo nasiib badan, WHO waxay ku sheegtay dadkan 1-2%  per year.

13.  rajada laga qabo aad bay u fiican tahay in dawo loo helo madaama xog buuxda laga helay oo sanad kaste soo bandhigto ILC kaas oo warbixintii ugu muhiimsanad ah soo bandhigtay ArrowHead taas oo horsoodi doonta in dawo la helo wakhti dhow dadkoo dhan gaadha.
14. jaadka wuu u daran yahay  Cagaarshow B haduu ruuxu cuno jaad isaga oo cagaarshow B hayo wuu dadajiyaa dhaawaca beerka. waxaa kale oo fiican in la yareeyo salooda suba iyo xaydha waxyaaba ku badan.
15.caanaha geela aad bay ugu fiicam yihiim cagaarshow B. xog laga sameeyay laga sameeyay wadanka China ayaa dad qaba cagaarshow B loo qaybiyay labo qaybood bal si loo ogaado caanaha geela waxay soo biiriyeen , qolo ayaa lasiiyay hal littir oo caano geel ah maalin kaste kuwa kalana  cuntadooda caadiga ahayd ayaa la faray inay sida caadiga ahayd isaga cunaan. waxaana warbixintu sheegaysaa in caanaha geela dadkii lasiiyay  dad badan noqdeen negative ama dhigooda laga waayay cagaarshoe B, qay kamid ahna LFT uu aad u fiicnaaday.

warbixibta waan idinla wadaagi karaa cidii rabta .

waxaa kale oo cagaarshow B u fiican dawooyin uu rasuulku csw inoo sheegay inay dawo yihiin,macluumaad intaa sii dhaafsiisan waad raadin kartaa

Offline Kheyre

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Cagaarshowga B (Hepatitis B)
« Reply #4 on: November 10, 2019, 01:15:07 PM »
Asc waxan rba in aan idin weydiyo sual ah waxan ugalmoday qof qaba hepatitiska marki aan ogaday inaw qabo wan istalay  waxana qatay labo cirbad ti sedexad ayaa idhiman .marka hda waxan darema lafo garaac iyo kala goysyada oo ixanuna cabsi ayana daremayan ma qadi karaa marka


 

Su'aal: Maxa lagu gartaa qofka qaba cudurka Cagaarshowga?

Started by FatxifoosBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 14878
Last post September 27, 2011, 08:35:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa ugu muhiimsan oo u qaadan karaa cudurka Hepatitis B?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8884
Last post August 08, 2011, 08:09:33 PM
by SomaliDoc
Wellcome plz cidii wax ka taqan cudurka haypetits i mean cagaarshowga

Started by BadbaadoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 15789
Last post August 13, 2010, 06:41:30 PM
by Abdulrazzak
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26308
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 14941
Last post March 30, 2015, 01:27:58 PM
by SomaliDoc