Author Topic: Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?  (Read 64459 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Haykal

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?
« on: January 21, 2016, 09:27:38 PM »
Asc all muslims waxan ubaahnaa in  wax la iiga sheego waxyaabaha keena weji saliida iyo wax yaabaha lagu daaweeyo




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?
« Reply #1 on: February 16, 2016, 10:07:14 PM »


Waa maxay waji saliidka?
Wajiga saliida leh dad badan ayaa ka sheegto, khaasatan markii qofka wajiga ku yeesho findoob ama haaro.

Eebe wuxuu oogada biniaadanka ku abuuray qanjirro howshoodu ay tahay inay soo daayaan saliid si ay u subkaan maqaarka kore, loogana hortago kor qallaylka.
Qanjirradaas oo loo yaqaano "Sebaceous glands", saliida ay soo saaraane waxaa loo yaqaanaa "Sebum", hadii qanjirradaasi si saa'id ah u shaqeeyaan qofka wuxuu yeesha maqaar saliiddu ku badan tahay khaas ahaan wajiga.

Maxaa keeno Waji Saliidka?
  • Dhaxal: dadka ugu badan waxay arrintaan ugu dhacdaa dhaxal ahaan, kuwaasoo ku dhasho qanjir saliid firfircoon.
  • Welwelka: wuxuu kiciyaa qanjirrada saliida.
  • Isbadallada hormoonka: waxay keentaa in saliid soo saarista qanjirrada ay badato ama wajiga ay ka soo yaacaan finan, waxaana xaaladaan la dareemaa xilliga caadada, kadibne way baaba'daa.
  • Safarka: qofka galo safarrada badan, una kala goosho wadamo kala duwan cimilladooda waxay keentaa in maqaarkiisu uu saliida ku bato.
  • Daawooyinka la isku qurxiyo, qaar badan oo ka mid ah waxay keenaan waji saliid.
  • Daawada looga hortago uurka, waxay keenaan waji saliidka
  • Nafaqo darrida, waxay keentaa waji saliidka.
  • Hawada sumaysan ama magaalooyinka ay warshadaha ku badan yihiin dadka ku nool waxay u bataan waji ku saliidlayaal.

Maxay dhibaato ah ayuu keenaa waji saliidka?
Dhibaatada ugu badan waa in wajiga uu yeesho nabro ama haaro kuwaas oo si dhakhso ah u faafi karo, akhriso qoraal aan kaga hadalnay findoobka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html

Sidee looga hortagaa waji saliidka? ama lagu yareeyaa?
  • Jooji waji dhaqista badan: tan waa qaladka ugu horreeyo oo lagu dhaco, dadku waxay aaminsan yihin hadduu qofka uu wajiga dhaqo in badan in saliiddu ay yaraanayso, waa caksi, saliidda waa sii badataan, marka waxaa wajigaaga dhaqdaa labo jeer kaliya, markaa soo kacdid iyo markaa seexanayso, taasoo dareensiinayso qanjirka saliidda in baahi wayn aysan jirin.
  • Ku dhaq wajigaaga biyo diirran: qaladka labaad waa in wajigaaga aad ku dhaqdaa biyo kulul ama qabow, taasoo labadoodaba wajiga qallajiya, hadduu qalleel yimaadane saliidu waa imaanaysaa.
  • Haddii aad wajigaaga saliid ka dareento, ku tirtir maro khafiif ah oo jilcan oo wajigaaga aanan dhaawacaynin aad u qallajinaynin
  • Cabitaanka badso: cabitaanka badan waxuu jirka ka ilaaliyaa qallaylka, wuxuuna hoos u dhigaa shaqada qanjirrada saliidda soo saaro, ogow haddii biyo cabitaankaagu uu yar yahay, saliida way jiraysaa. Akhriso faa'idooyinka caafimaad ee laga dhaxlo biyo cabista badan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html
  • Yarey sonkorta, cusbada, dufanka iyo cunnada shiilan: kullamaa cuntada aad cunayso ay caafimaad leedahay, kullamaa shaqada jirkaagu uu dabiici yahay.
  • Ka fogow in aad isticmaasho waxyaabo ay ku jiraan saliid ama dufan oo wajiga la marsado.
  • Ka fogow sigaar cabista: sigaarku wuxuu cariiriyaa xididada dhiiga siiyo maqaarka, tan waxay keentaa kor qallayl iyo saliid badan.
  • Waxaa jiro waxyaabo badan oo dabiici ah oo ay dadka qaar sheegaan in ay wax iskaga garteen sida wajiga oo lagu tirtiro ama la mariyo khalka ama dheecaanka tufaaxa, malabka, karootada iyo waxyaabo kale oo badan.
  • Ku dadaal in aad hesho hurdo kugu filan, tan waa muhiim.

Haddii aad tahay waji ku saliidle, wixii talo ah oo aad wax iskaga garatay waa la wadaagi kartaa akhristayaasheena.

Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa?, AKhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6318.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalah: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 29270
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53592
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31134
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24287
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Burushka lagu cadaydo ilkaha dhibaato miyuu u gaysan karaa?

Started by Maxammed Siciid AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8070
Last post May 11, 2015, 02:50:20 PM
by SomaliDoc