Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Dheecaan daloolka dabada?

(1/1)

Muxiyo:
Asc dhammaan hawl wadeenada Somalidoc.com illaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo sidaad bulshada ugu adeegaysaan muraadkiina ku helo dhib la,aan aamiin.

Walaal dhibaato ayaa mudo 3 sano ah i haysata , dhibaatadu waxay tahay daloolka dabada waxaan ku arkay dheecaan ka socda oo siifad yar leh oo qoyaan yar ah ah , waxaan arkay inuu yahay nabar yar waayo markaan farta geliyo nabarka yar waan taaban karaa oo daloolka dabada qaybtiisa  sare ayuu ku yaalaa , wax xanuun ah iguma hayo laakiin daqiiqad walba dheecaankaas yar wuu imanaaya ma badna laakiin waa xooga

Walaal ma garanaayo wuxuu dhibaato keeni karo iyo wuxuu yahay balse qoyaankaas iyo dheecaaskaas ka imanaya waxaan ka qaaday shaki weyn.

Sidee baan u xalin karaa dhibaatadaaa daawo ma loo qaataa noloshayda'se wax dhibaato ah ma ku keeni kara, maadaama aan dhawaan rabo inaan guursado maxaa ila gudboon oo aan sameeyaa

Walaal illaahay khayr ha idin siiyee ii soo jawaaba fadlan.

SomaliDoc:
Dheecaankaas waxa uu yahay iyo waxa keenaba ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.msg15066.html#msg15066

Navigation

[0] Message Index

Go to full version