Author Topic: Su'aal: Indhaha hoostooda waxaan ku leeyahay Milia?  (Read 3733 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu- Caisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Indhaha hoostooda waxaan ku leeyahay Milia?
« on: January 24, 2016, 10:06:09 PM »
Waa ku salaamay dhaqtar marka hore marka labaadne waxaa kaaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad waqtigaaga wax nooga siiso. Alle waxaa kaaga baryayaa in cilmigaaga barakeeyo.Dhaqtar hadaan su'aasheyda u soo gudbo waxa ey tahay waxa indhaha hoostooda ku lehyahay Milia, taas mar mar i cuncunaa kadibne aan xoqa. dhaqtar Milia maxaa keena/ama dhaliya sabab ey ku so baxaan? wax dhibaato caafimaad darro keeni kara qofka maka dhaxli karaa?? Majiraa cream ama dawo aan ku baa'bi inkara??  Hada kahor baa utagay dadkaan leserka ku bixiya markaa wax uu iga bi iyayne malahan. Su'aasheyda labaad waxa eytahay dr waxaa dareema ama isku arkay markaan aadka u qosla in dhaga inta ey ku fadhiyaan iyo madaxa qeybtiisa hoose in ey i xanuunaan muddo 2 min aan ku qayaasay. Sidoo kale xanuunkaas waxaa dareemaa ookiyaalka markaa qabo oo aan ku fooraarsado. Dhaqtar maxaa sababaya in aan xanuunkaas dareemo.
Waad mahdsantah dr!




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Indhaha hoostooda waxaan ku leeyahay Milia?
« Reply #1 on: February 06, 2016, 02:18:59 PM »
Milia waa nabro yaryar oo ka soo baxo sanka dhinacyadiisa iyo indhaha hoostooda, waxay badanaa u soo baxaan koox koox, waxayna timaadaa markii protein loo yaqaano "keratin" oo maqaarka howshiisu tahay uu ku xabismo ama u soo gudbi waayo maqaarka korkiisa.

Milia waxay ku dhacdaa da' kasta, laakiin waxay ku badan tahay caruurta yaryar.

Milia waxay leedahay dhowr nuuc, qaar waxay ku imaadaan markii aad xoqdid maqaarka ama daawo kaa gaarto ama wax kiimiko ah ama gubasho hambab oo kale oo aana maqaarka diiraynin ama qoraxda oo ku gubto.

Caruurta marka ay yaryihiin daawo ugama baahna Milia-da waxayna ku baaba'daa dhowr usbuuc gudahood, laakiin dadka waawayn waxay qaadataa dhowr bilood, qofkane waa la siin karaa daawo.

Daawada waxay noqon kartaain Milia-da laga soo dhuugo waxa ku jiro iyadoo al adeegsanayo cirbad aad u yar, in daawooyin dhakhtar kuu qoro la mariyo nabrahaa khaasatan kuwa vitamin A-ka uu ku jiro.
Xaaladaha qaar laser ayaa la deegsadaa ama waa la gubaa iyadoo la adeegsanayo koronto ama waa la barafeeyaa oo waa la qallajiyaa waxa ku jiro.

Milia ma ahan wax keeno problem intaa ka baxsan, waxne ma isku badasho, kansar shaqo kuma lahan, xanuun kalane iskuma badasho ama jirka uma keento.

Talo:
Waxaan kugula talin lahaa in aad karooti shiidatid adigoo aanan ku darin wax biyo ah, kadib dheecaanka ka soo baxo wajiga marso maalintii laba jeer, waxaan rajaynayaa in ay kaa baab'i doonto.

Haddii aan su'aashaada kale u gudbo, xanuunka aad dareemayso markaa qososhid oo leh qal xanuunka iyo madax xanuunka waxay u badan tahay in cillad ka jirto meesha lafta daanka iyo madaxa iska galaan oo loo yaqaano "TMJ", waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar ku takhasusay "Maxillo-Facial Surgery" si uu baaritaan kuugu diro isaga qof kaga habboon ma jiro inuu helo cilladaas.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26010
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48096
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29648
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24988
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35518
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc