Author Topic: Faa'idooyinka Caafimaad Ee Dhiig shubidda!  (Read 21629 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Faa'idooyinka Caafimaad Ee Dhiig shubidda!
« on: January 27, 2016, 04:26:51 PM »
Asc www Dhakhaatiirta Web. waa ku mahadsantihiin caawintiina

Waxaan rabaa inaad ii sharaxdaan
1)Faa,iidada ama dhibaatada ey leedahay in qofka Dhiig miiro marar badan
2)mudo inte la,eg ayaa u dhaxeyn karto in qofka markale dhiig miiryo

Mahadsanidiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiig miirida ama Dhiig shubida?
« Reply #1 on: February 06, 2016, 02:50:11 PM »


Dhiig bixinta ama dhiig miirista marna faa'ido ayay leedahay marne khasaaro ayay keeni kartaa.
Sida caadiga ah waa in dhiig shubistu ay u dhaxayso 16 usbuuc, waana in aadan 3 jeer ka badan dhiig shubin halkii sanaba.
Waa in marka hore la ogaado miisaankaaga, cadadka dhiigaaga iyo haddii ay jiraan cudurro soo daahiri kara markaa dhiig shubtid sida in dhiig samaysankaaga uu cillad ka jiro ama in aad baahi u qabtid dhiiga sida hooyo uur leh ama qof qabo xanuunka howlgabka wadnaha, beerka ama kilyaha.

Laakiin haddii caafimaadkaaga uu taam yahay, dhiig bixinta muddo markii al joogaba waa caafimaad maadaama unugyo cusub oo dhiiga ah la samaynayo, waxaana jiro xaalado ay qasab tahay inuu qofka dhiig bixiyo, tusaale ahaan xaalad loo yaqaano "Polycythemia" oo ah dhiiga oo qofka ku bato, kaasoo HB-a uu ka badanayo 18, wuxuuna qofka dareemaa markii xaaladaasi hayso madax xanuun, dhidid badan, wareer iyo neefsiga oo dhibo ama xabadka oo laga qabto.

Dhiig bixinta waxaa laga helaa faa'idooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay:
  • Isu-dheelli tirka birta ku jirto jirkaaga, maxaa yeelay caafimaad ahaan, haddii birtu ku badato jirka waxay keentaa dhibaatooyin dhowr ah, taasoo caafimaad ahaan loo yaqaano "Hemochromatosis", waxyaabaha ay keeni karto waxaa ka mid ah in ay dhaawac gaarsiiso Ganaca oo ah xubinta soo saarto hormoonka Insulin, taasoo haddii ay sidaa dhacdo qofka waxaa ku dhici karto Sonkorow / Macaan.
  • Dhiigga oo fresh noqdo, qulqulka dhiigga oo sahlanaado, waxaa yaraanayso halista xinjiroobista dhiiga taasoo ka hortag u noqon karto cudurro dhowr ah sida wadna qabad-ka, Faaliga, Xinjiroobista arooriyaasha iyo kuwa kalaba.
  • Jirkaaga oo helo oksajiin ka badan intii hore, xubnahaaga oo firfircooni laga dareemo maadaama unugyo cusub jirka lagu soo kordhinayo, kuwii hore maadaama laga saaray, unug kasta oo dhiiga cas, waxuu noolaadaa 120 maalmood, haddii marka dhiig lagaa shubo, unguyo badan oo duqoobay ayaa lagu badalaa kuwa cusub, kuwaasoo ka awood badan kuwii hore.

Haddii aad doonayso in aad dhiig deeqdid isbitaalada tag iyagaa ku baari doono si bilaash ah, dhiigana kaa shubi doono haddii aad caafimaad qabtid.

In muddo markii la joogaba dhiig la iska saaro caafimaadku wuu ku jiraa, rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato wuu is toobi jiray taasoo faa'idooyinka laga helo ay la mid tahay markuu qofka dhiig shubo oo kale.

Akhriso qoraal aan kaga hadlay hadda ka hor Toobinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6038.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Dawiil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 16
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Dhiig miirida ama Dhiig shubida?
« Reply #2 on: February 06, 2016, 03:11:52 PM »
Aad ayaad u mahadsantahay Dr.


 

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Khat-ka. (Khat-ka waa la dhaliilaa, lamana joojiyo!)

Started by CilmiSabcaBoard Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 13808
Last post December 01, 2011, 12:32:03 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22414
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26185
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20157
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 42055
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc