Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Candhuufta qaraar subaxii?
(1/1)
Mohamed saxane:
Waad mahadsan tihiin dhaqtarka iyo bahda somali doc
Waxan isku arkay subaxii marka ugu horreyso een tooso iyadoo afka iiga buuxdo
Candhuuf qaraar oo ur yar leh isla markaana yar cad sida badhaxa marmarna caylan yar casuus leh,
Markaa dhaqtar iiga soo jawaaba anigu waxan u qaatay inay Gaasterig tahay lkn iskama baarin daawo gastritis weli ma qaadan.
Waad mahadsan tihiin
SomaliDoc:
Ma ledahay quuman? ama Infekshan cunaha ah?
Ma leedahay laabjeex iyo bog xanuun?
Ma jiraa wax xanuun oo ilkaha ama ciridka ah?
Mohamed saxane:
Mahad Sanid Doctor
Ma lihi xanuun xaga cunaha ah
Ma lihi xanuun xaga ilkaha iyo ciridka ah
Ma dareemin bog xanuun
Laakiin waxan leeyahay laabjeexa.
SomaliDoc:
Laabjeexa wuxuu calaamad u yahay gaaska, af-qaraar subaxii hore wuu keeni karaa.
Waxaa kaloo keeni kara haddii calyada afka ay kugu yartahay ama qanjirrada calyada soo daayo aysan sidii la rabay u shaqanayn.
Waxay kaloo ku dhici kartaa haddii aad afka ka neefsatid marka aad jiigto.
Sadaxda xaaladoodba dhib aad u wayn ma keenaan, waxaad u baahan tahay kaliya in ad qaadatid daawo laabjeexa iyo aashitada caloosha kaa yaraynayso.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version