Author Topic: Su'aal: Intaan qaan gaadhey maqalkaayga ayaa daciifay?  (Read 3181 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ciise Cali

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Intaan qaan gaadhey maqalkaayga ayaa daciifay?
« on: January 31, 2016, 10:30:36 PM »
ASC.

DR kumaan dhalan ee waa intaan qaan gaadhey maqalkaayga ayaa daciifay maaha daciifid xooga waa daciifid raqiisa wax dhiba ama xanuuna oo aan dareemay ma jirto haba yaraateee dadka si caadiya ayaan ula shakeeystaa hadalka laayma dhaadhaareeyo. hadalada daciifka wada maqalkooda ayaa dhibi iga haaystaa siiba khadadaka taleefoonada/mobile-da markaan BBC-da dhegeeysanyo ee khad teleefan cid lagu wareeysanyo inaan si sahlan u maqlo waay igu adagatahay.

markaan dhibtan dareemay waxa kasoo wareegatay 8sanno.

HAAA waan utagay illaa todobo takhaatiiir Siiba kuwa dhagaha qaabilsan ee ENT ma arag mana hayo mid kaliya oo dhibtaayda wax qabtay.

Mid keliya oo Xray isaaray ma arkin, labada dalool ee sanka  TOOJ  yar aay ku iifiyeen iyo dhiig shaaybaadha oo aay iga qaadeen mooyaane

Jidhkaaygu wax xanuun ah maqabo mana dareemo waan baadhay dhigeeyga wuu caafimaaad qabaaaaaa alxamdulilaah.

waligeey dhagahaayga wax xanuun ah kama dareemin. waligey dhagahaaygu maay shuuqin.

Maxaa keenay dhibtan? side loo dabiibi karaaa? ma sahlantahay dabiibitaankeedu mase waa culeys?

 waxaan rajeeynyaa inaad si hufan iigu soo jawaabto.

Wabilaahi Ttowfiiq




Offline Guhaad Cabdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Intaan qaan gaadhey maqalkaayga ayaa daciifay?
« Reply #1 on: February 01, 2016, 03:11:21 PM »
Waan kula qawaa anigana sxb oo hadii laba qof agteyda ku shekeysaneso shekadasna aan aniga ku jirin mawa fahmayo waxey ka hadlayan badana lkn dhibkan aniga wuxu i imaaday marki babis madaxa qof xoogan igaga dhuftay dhawaqna ka yeray madaxeyga iyo dhagahaba lkn computer aya lesaray wax dhawac ah madaxa maqawo lkn dhagahas aya sidaa shegtay iga ah bis waxan rajeyna in xal drka noo helo inshaa allah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Intaan qaan gaadhey maqalkaayga ayaa daciifay?
« Reply #2 on: February 08, 2016, 03:36:39 PM »
Dhaga jignaanta waa calaamad la arko haddii dhaawac uu gaaro unugyada mqalka u qaabilsan ee dhagaha, waxa keeni karo waxaa ka mid ah hadduu kugu raagay caabuqa dhagta ku dhaco ee loo yaqaano "Otitis Media" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html

Waxaa kaloo keeni karo haddii lagu siiyay daawooyinka qaar oo maqalka daciifiyo sida "steptomycin iyo kenamycin" iyo kuwa kalaba, waana daawo aad looga isticmaalo soomaalida dhexdeeda.

Waxaa kaloo keeni kara, haddii dhawaaq aad u culus ay dhagahaagu la kulmeen kuwaas oo dillaac galin karo xuubka yar ee kala teedo dhegaha iyo maskaxda.

Waxaa laga yaabaa xilliyada hargabka inay kaaga sii daraan oo maqalka sii daciifo, sdiaa awgeed waa muhiim in aad la xiriirtid takhtar E.N.T ah si loo eego dhegaha gudahooda haddii ay jiraaan dheecaan dhex fadhiyo, haddii xuubka maqalka u udilaacsan yahay, haddii wax ka soo baxay uu jiro iyo haddii cilald kalaba ka jirto.

Haddii cillada ay tahay mid daawo kaaga timid, baaritaan kasta oo la sameeyo waxba laguma arkayo, haddii ay tahay cillad xaga neerfaha ee maqalka saameysay iyadane waxba lagu arkayo laakiin waa la qiyaasi karaa haddii cilalda ay tahay wax dhegta la xiriiray ama wax ka baxsan.

Haddii maqalka oo sidaa sii ahaado ama ka daro, waxaa laguu qori karaa samaacado codka kuu dheeraayo oo aanan la dareemi karin in ay ku xiran yihiin laakiin waa muhiim dhakhtarka aad u tagtay ee E.N.T ah inuu yahay dhakhtar heesto qalab ku habboon garashada xanuunkaaga ama cabbirka maqalkaaga intaba.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: