Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Marku hurdo hurdada ku dhax taaho?

(1/2) > >>

Xaliimo:
Asc dhaqtiirta wad mahdasantihin su,aasheyda waxa waye cunug yar o an dhaley o 20 bari jiro o marku hurdo hurdada  ku dhax taaho o jimicsi badan doctor ma wax.dhibaya jira mise wa iska caadi wad.mahadsantihin

SomaliDoc:
Taaho ma waxaa ka wadaa "hamaansado" mise "riimo" xanuun qof hayo oo kale.

Haddii aad ka wadid hamaansiga iyo jimicsiga waa arrin caadi ah xittaa iyagoo uurka hooyadood ku jiro ayaa laga arkaa Ultrasound-ka iyagoo hamaansanayo oo gacmaha iyo lugaha kala jiidayo, wayna sii sameeyaan illaa 3-da bil ee ugu horrayso, waana arrin dabiici ah.
Haddii aad ka wadid codod uu samaynayo markuu jiifo waa caadi tasina dhib ma lahan, hadduu xanuun hayo isagoo hurdo ma taahi lahayn oo ooyin ayuu la soo toosi lahaa.

Xaliimo:
Asc dr aad ban kugu mahad celinya waxan qaba su,aal kale cuungeyga marku sexdo o sodon daqiiqo camal u hurdo wuu kaso booda sidu isago wax.qasab kuliqayo hadan ag jiifo naaska siiyo wu ku noqda lkn hadan agjiifin wu toosaya o ana markasta ma la jiifi karo maxa tala iga siin karta dr adoo mahadsan

SomaliDoc:
Waa wax caadi ah oo la arko sadaxda bil ee caruurta ugu horrayso maadaama uu ku soo koray meel aan shanqar lahayn oo raximka ah, wuxuu u baahan yahay inuu la qabsado jawigaan cusub oo buuqa badan, markuu soo naxo oo uu dareemo inuu ku agjiifo, niaydaa u dagto oo wuu ku sii laabtaa, waa awood ilaahay siiyay muluqyada in ay hooyadood dareemaan in ay ag jiifto iyagoo hurda.

Xaliimo:
Asc dr wad.mahadsatahy wan heley.jawabti mar labad shukran 
Waxan raba su,aal kale inan ku waydiyo cunuga marku hurdo wax dhib ku ah inuu liqo candhuufta xata jiifka kakiciso maxa keni kara.midas?
Midkale dadka qaarkod waxay igu dhahen waxa.kenaya hilib dalqaha ku yala maxa.ka jira arintaas hadise laga jaro muxu dhibo keni kar?

Navigation

[0] Message Index

[#] Next page

Go to full version