Author Topic: Su'aal: Mataanaha mid baa nool midna waa dhintay?  (Read 3368 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Suleiman Hassan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Mataanaha mid baa nool midna waa dhintay?
« on: February 02, 2016, 01:52:02 PM »
asc, marka hore wad mahadsantihin, su'aashayda waa:
xaaskeyga ayaa waxay ledahay uur lix bilood ah, malin ka hor ayaan waxan keeyay hospital qeybta computerka waxa laso dhahay waxad wadaa mataano, lkn matanaha mid baa nool midna waa dhintay, marka waxan rabi la talin iyo in la ii sheego in dhacdadan hori u dhacday,
MAHADSANIDIN




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Mataanaha mid baa nool midna waa dhintay?
« Reply #1 on: February 08, 2016, 04:23:15 PM »
Waxaa xaaladaan loo yaqaanaa "co-twin demise" waa markii hooyo mataano sido oo mid ka mid ah ku dhex dhinto raximka.

haddii mataanaha mid ka mid ah uu dhinto 30-da bilood ee uurka ugu horeyso badanaa wax dhib ah ma dhacaan, wax daawane lama siiyo, wax qalliin ahne laguma sameeyo, raximka ayuu iskaga dhex baab'aa kan dhintay, jirka ayaana dhuugo.

Boqolkiiba 5% waxaa dhacdo in labada mataano uu dhinto 20 usbuuc markuu uurka yahay kadib, haddii labada mataano ay yihiin kuwa "identical" ama laga bacrimiyay hal ugxan waxay badanaa wadaagaan hal "ibi" haddii ay hal ibi wadaagaan, halistu way kordhaysaa oo waxaa la qiyaasaa boqolkiiba 15% inuu kan kalane dhinto marka waa in hooyada si joogto ah loola socdo oo dhowrkii usbuucba la saaro computer ultrasound ah.

Waxaa dhici karto in mataanaha ay lahaayeen cillad hidde socod, sidaasne u dhintay, haddii ay saa tahay kan kalane cillada hadduu qabo inuu saa ku dhinto waa suura gal iyadoo aysan xiriir la lahayn mataanka kale ee dhintay.

Hadduu ilaahay badbaadiyo mataanaha kale, waxaa dhici karto inuu ku dhasho dhiig yari ama korriin la'aan weliba dhinaca maskaxda khaasatan haddii hal ibi ay wax ka wada qaadanayeen.

Laakiin haddii ay yihiin kuwa u kala soocan tahay ibidooda, wax dhib ah ma imaato.

Marka waa arrin uusan dhakhtarka gacanta kugu hayo ku wareeri karo oo uusan ku siin karin go'aan cad ama talo, sidaas awgeed waxaa dhici karto uun in si joogto ah laguula socdo wixii soo kordho, maadaam aad tiri uurkaaga waa 6 bilood.

Ilaahay ha kuu fududeeyo, haddii aad jeceshahay in aad nala wadaagtid talada dhakhtarkaaga iyo xaaladaada waxa ay ku sugan tahay, waan jeclaan lahayn, wixii talo dheeri ahne waan kuu soo qoraynaa insha'llah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Astaamaha haweenta mataanaha wado?

Started by IbraahimaarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11574
Last post January 04, 2019, 11:51:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Mataanaha iyo minka hooyada?

Started by KaartoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7952
Last post November 04, 2016, 06:13:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wax carafa iyo wax ura midna ma dareemo?

Started by Abdirizak ali hassanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3344
Last post November 10, 2017, 10:51:15 PM
by CilmiSabca