Author Topic: Elephentiasis  (Read 4695 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Elephentiasis
« on: February 14, 2016, 04:16:33 PM »
Sidee loo baaraa cudurka maroodiga (Elephentiasis)?
Cudurkan waxaa keeno nooc kamid ah kaneecada markey dadku qaniinto waxay ku reebtaa dhalaanka gooryaanka lagu magacaabo wuchereria bancrofti iyo brugia malai kaasoo weynaado kuna noolaado dhiiga iyo dheecaanka lymphaticska kadibna halkaas uu ku tarmo.

Haddaba baaritaankiisa:
Dhiiga markii la qaado ayaa lagu eegaa gooryaankan il ma aragto eegaha (Microscope) kadib waxyaabahan
  • in dhiigoo qoyan laga baaro dhalaanka oo il ma aragto ah
  • in dhiiga la qalajiyo lagana baaro dhalaankiisa
  • in dhiiga qalab yar oo duleelo yar yar leh lagu shubo si uu ugu soo haro ilma aragtahan
  • in dhiiga lagu daro waxyaabo ilma aragtahan hoos u dejinaya si looga baaro qeebta hoose
  • in dhiiga loo adeegsado qalab il ma aragtahan hoos u dejinaya
  • in dhiiga loo adeegsado qalab si toos ah u sheegayo inuu ku jiro gooryaankan bani aadamka ku dul noolaha ah (ICT)
  • in la adeegsado qaabab sheegaya in waxyaabo gooryaankan la dagaalamaya oo jirku soo daayo (antibodies) ay ku jiraan dhiiga sida qaababka ELISA, CFT, iyo IHAT
  • in la baaro hido sidihiisa ku jira dhiiga iyadoo la adeegsanayo wax la yiraahdo PCR

Sidoo kale waxaa laga raadin karaa dhalaanka ku dul noolahani meelaha dheecaanka lymphsku ku aruuray oo isagusababay ku aruuridaasi ama kaadida waa hadii ku aruuro meel u dhow keliyaha haddana uu dilaaco markaasi dheecaankaasi kaadida soo raaco.

Waxaa kaloo lagu baari karaa in qofka lagu mudo maqaarkiisa qeebta kore (dermska) kiimiko lid ku ah 3 maalmood kadibna laga eego casaan meesha lagu muday lana cabiro intay la egtahay meesha gaduudatey.

Waxaa kaloo lagu baari karaa iyadoo la baaro wax yaabaha uu sababi karo sida:
  • unugyada dhiiga cad cad oo kordha
  • heerka hoos u degida unugyada dhiiga cascas (ESR) oo iyana korodha
  • noocyo unugyada dhiiga cad cad ka mid ah oo aad u kordha (eosinophileska) iyo inxoogaha ka yar oo ah (lymphocyteska)

Waxa kaloo waliba lagu baari karaa in cad laga jaro meesha dheecaanku ku aruurey kadibna la rinjiyeeyo si loo arko gooryaankan.