Author Topic: Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?  (Read 4806 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Omarmohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
asc magaceygu waa omar waxaan ahay 20 sano jir waxan ku noolahay magalada muqdisho waxaan rapaa inaan su'aal quseyso Dentistry-ga inaan idiin waydo. dhib ayaa i haysta anoo yar baa marki ay micida ii soo baxayaa iga jabtay haaf oo way duleelsan tay marka waan buuxiyay marki xiligaas ka danbeeyay ilaa iyo hadda afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa oo xitaa waxan isdhahay amay micidi tahay oo mar labaad aan intaan fujiyay hdana aan buuxiyay lkn weli waa sidii oo wax isbadal ah ma jiraan marka ma cilad xaga ilkaha ahaa mise problem kale aa jiro??? iiga soo jwb DR plz.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afkeyga si walbo iyo dawo walbo oo aan ku cadaydo wuu shiiraa?
« Reply #1 on: February 10, 2016, 02:12:42 PM »
Waxaa jira dad badan oo aamisan in afkoodu shiirayo iyadoo wax ur ama shiir ah uusan jirin, wayna dhib badan tahay in lagu qanciyo qofka inuu afkiisa shiiraynin.
Haddii aad leedahay cirid barar ama ciridka ku aadan meesha iliga laga buuxiyay hadduu leeyahay meel kuus oo markii la riixo ku danqanayso ama malax meel gashatay oo kale ama iliga uu midabkiisa is badalay, waa laga yaabaa in ay infekshan qaaday sidasne urka aad ku dareemayso.
Waxaa kaloo jira oo urka keeni karo haddii ay jirto cilald quumanka ah, ha ahaado caabuqa quumanka ku dhaco ama dhagaxaanta quumanka ku samaysmo.
Fadlan akhriso qoraalladaan la xiriiro Af-shiirka:
1- Af-shiirka / Af-urka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html
2- Cillada dhagaxaanta quumanka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 18691
Last post May 05, 2011, 01:49:29 PM
by Drkheyre
Su'aal? biyo baxa dag dag ah xiliga galmada dawo maleyahay??

Started by M.caddeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10522
Last post January 02, 2013, 10:00:02 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa jira cuncun xiniinyaha ah, maxaa dawo ah?

Started by Abdirahman AhmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6012
Last post May 20, 2016, 09:24:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: QAAMO-QASHIR (MUMPS)? DAWO MALEEYAHAY ?

Started by MAHAD CADDEBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9600
Last post February 22, 2010, 12:32:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: wlal cudurkaan ma u heli karaa dawo?

Started by SoftpediaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8812
Last post October 02, 2010, 08:12:22 AM
by SomaliDoc