Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

(1/1)

Umu Mohamed:
asc doctors
aad ayaad umahadsantihiin sidaad noo caawisaan markasta thanks

waxaan qabaa laba su aalood oo kala ah

1)markaan socdo waxaan dareemaa in  uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo madaama aan xaamilo ahay 8bilooda?

2)waxaan rabaa inaan ogaado in koombiitarka lagu eego carruurto uurjiifka  ah uu wax yeelo ugaysto hadii saddex jeer wax kabadan lasaaro lagu eego iyo in kale??

SomaliDoc:
Waa arrin caadi ah marka aad dhaqdhaqaaq samaynaysid ama aad socotid in aadan dareemin dhaqdhaqaaqa uurjiifka, waxayna dhakhaatiirta qaar sheegaan in hooyada marka ay socoto in uurjiifka ay hurdaan, sida ugu badanne dhaqdhaqaaqa uurjiifka waxaa la dareemaa marka hooyadu ay dhasanayso ama ay sariir saaran tahay.

Ultrasound-ka la saaro haweenka uurka leh wax dhibaato caafimaad ah ma keeno, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan qalabkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,702.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version