Author Topic: Cilladda Kogidda iyo Is-dul-fuulka Faraha  (Read 40400 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiaziiz

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Cilladda Kogidda iyo Is-dul-fuulka Faraha
« on: February 07, 2016, 12:28:44 PM »
maxaa keeno in qofka gacantisa iyo suulkiisa ay jireyaan asagoo xaalad dagan isaga jiro mararka qaarna lugtiisa ay qaab naxdin oo kale ah u boodo asagoon amrin xanuunka jareyska gacmaha iyo suulasha waxan la arkay markuu jiimka iska daayay walalkey ma la dhihi karaa jiimka aa keenay?
maxase keeno in qofka mararka qaar baahi daran qabato oo uu ubaahdo energy sida sokor inuu cuno ayadoo baahidaas ay lasocto in qofka galagoysyadiisa oo dhan ay daal soo wajahaan oo uu jecleesto inuu sariirta ku nasto?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cilladda Kogidda iyo Is-dul-fuulka Faraha
« Reply #1 on: February 09, 2016, 12:58:02 PM »


Waa arrin jirta oo ay ka sheegtaan dad badan, waana in faraha cagta ama gacanta ay qalloocdaan ama kogaan ama is dul fuulaan oo la kala dajin kari waayo xanuun siyaadane uu la socdo. Waxyar ka dib waa baaba'daa oo caadigeedii ayay ku soo laabataa.

Marka ay kugu cusub tahay arrintaan qofka aad ayay uga nixisaa,  laakiin markii uu la qabsado wuu fahmi karaa in ay tahay arrin ka fuqi doonto muddo ka dib ay tahay, wuuna la qabsadaa badanaane dhakhtar uma raadsado.

Maxay tahay arrintaan?
Faraha oo boodo ama qalloocdo ama ay kogaan waxay ka timaadaa cillad daal oo ku timaado murqaha yaryar ee faraha iyo suulka dhaqdhaqaajiyo ku timaado, taasoo ka dhalato qalad kontaroolka ah, Laakiin iyadoo saas ay tahay haddane dhowr cilladood ayaa keeno arrintaan. Qofka wuuu ka dareemi karaa hal far ama laba farood khaasatan midda labaad ee suulka ku xigta, midda afaraad iyo midda sadaxaad ee cagta, waxaana badanaa cilladaan la dareemi karaa xilliyada qabawga ama markii in muddo ah gacmaha ama lugaha biyo lagula dhex jiro.

Maxaa keeno cilladaan?
  • Dadka markay welwelsan yihin ama markay fakarayaan faraha cagta ka dhaqdhaqaajiyo way ku badan tahay arrintaan, taasoo ka dhalatay ka-shaqaysiinta xad dhaafka ah oo lagu sameeyay murqaha yaryar ee suulka iyo faraha, dadka nuucaan ah waxay arrintaan isku arkaan markay sariirta tagaan ama hurdada ka soo toosaan.
  • Sidoo kale dadka sameeyo howlaha u baahan in cagaha aad looga shaqeysiiyo ama gacmaha iyaguna waa lagu arkaa, waxaana ka mid ah howlahaas, dabaasha, gaari wadidda safarrada dhaadheer, dhar dhaqidda badan iyo hilib jarista markii midida lagu hayo suulka iyo farta dhexdooda.
  • Gym-ka iyo jimicsiga la joogteeyo, kadibna si kadis ah loo joojiyo iyadane way keentaa ama jimicsiga xad dhaafka ah oo aan loo nasan.
  • Haddii aad cadaadis saartid neerfaha cagta, sida in aad xirato kabo kugu dhagan oo kale.
  • Haddii ay maadada kaalsiyamta iyo magnesium-ta kugu yar tahay kuwaasoo neerfaha ka shaqeeysiiyo.
  • Duugist ama riiriixista neerfaha waxay si lama filaan ah u kicin kartaa neerfaha taasoo keeni karta in farta ama suulka ay samaysi falcelin kadis ah.
  • Daalka siyadada ah, waxay hoos u dhigtaa awoodii murqaha, taasoo cilladaan badanaa la arko waqtigaas sida xilliga uurka iyo xilliyada uu qofka howl badan qabta ama lugeys badan sameeyay.
  • Fuuq-baxa ama haddii qofka biyo cabiddiisa ay yar tahay.
  • Dabaasha badda, waxay keentaa cilladaan waxaana loo yaqaanaa "Swim cramps", dad badan ayaa isku arka cilladaan markay biyaha ka soo baxaan.
  • Daawooyinka qaar

Haddii cilladaan joogto noqoto waxaa laga yaabaa in qofka ay ku yar tahay fitamiinnada iyo macdanta muhiimka u ah xoojinta murqaha, sidoo kale dadka waayeelka ah oo cilladaan lagu arko waa qasab in la siiyo daawada isku jirta ee Kaalisyamta, Vitamin D-ga iyo Magensiyamta, sidoo kale hadduu xanuunkaan uu la socdo kabuubyo waa in la siiyaa fitamiin B1, B6 iyo B12 oo isku jiro sida kaniiniga Neurobione forte oo kale.

Maxaa astaamo kale oo la socon karo arrintaan?
Waxaa la socon karo dubaaxin ama boodbood lugta ama cagta ah taasoo haddii cillada neerfaha heysato ay wayn tahay, waa la arki karaa arrintaan.

Sidee loo daaweeyaa arrintaan?
Daawada waxay ku xiran tahay in la ogaado cillada keentay midka ay tahay kuwa kor aan ku soo xusay, waxaa laga yaabaa kaniini calcium ah kaliya in aad u baahato, waxaa dhici karto daawo aad qaadatid in lagaa joojiyo, waxaa dhici karta xanuun neerfaha lugaha saameeyo inuu jiro sida macaanka ama sonkorowga, hadduu welwel ku hayo oo caadaysato in aad faraha joogto uga shaqaysiiso in welwelkaas lagaa yareeyo.

In aan daawaba laguu qorin way dhici kartaa haddii ay cilladaan ahayn mid soo noqnoqoto.
Dadka qaar waxaa caawiyo vitamic C-ga.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin intaa ka dheer, toos iigala soo xiriir qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Haddii ay cilladaan sii socoto, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro, hadduu walaalkaa qaadan jiray daawooyin-ka la qaato xilliga gym-ka la ciyaaro sida hormoonada oo kale arrintaan way keenaan, ha joojiyo, hadduu joojiyane way ka istaagi doonaan insha'llah.

Su'aasha kale ee la xiriirto gaajada siyaadada ah, jawaabteeda ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,722.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

ICRC oo ka walaacsan in daryeelo la'aan u dhintaan dhaawacyada faraha badan ee M

Started by ShenamicBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 4877
Last post May 31, 2011, 12:18:03 AM
by Shenamic
Su'aal: maqaarka faraha gacanta iney miin yeelanayaan?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7273
Last post April 30, 2011, 08:23:40 PM
by SomaliDoc
Cukur ama Jalaqley la kabay + faraha hore aan shaqeyneyn

Started by LibaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 5833
Last post August 23, 2013, 12:58:50 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: MAXAM KEENA CIDIYAHA FARAHA OO GADAL KA SOO FIQMA?

Started by Yaasir32Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4757
Last post October 19, 2015, 01:05:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun kadareemay Faraha hore ee lugta bidix?

Started by CabdixabiibBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3593
Last post January 24, 2018, 08:06:24 PM
by SomaliDoc