Author Topic: Su'aal: Malaria ayaa la iga sheegay?  (Read 3391 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Figle10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Malaria ayaa la iga sheegay?
« on: February 03, 2016, 12:29:06 AM »
Doctor waan idin salaamay waxaan rabaa inaan idin waydiyo suaal aad muhiim iigu ah. Ano africa  joga ayan xanunsaday malaria aya la iga shegay dhowr haben qandho ah kadib wan myir dabolmay isbitaal ayaa la igeyay waxayna shegen labada kaliyodba inay damen ICU aya la igaliyay toban haben ayaan koma kujiray kadib waxan so naxay meel walba o tubo iga xirantahay dialese badan kadib alx wan so ficnaday dib dambana kali ima xanunin horayna kali xanun uma qabi jirin ilaah ayaa mahad iska leh marka waxan rabay xanunkas hadu jiro waxa uu ahaa iyo hadu raad igu reebi karo taladiinu aad ayay muhim iigu tahay  .ascww




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Malaria ayaa la iga sheegay?
« Reply #1 on: February 08, 2016, 05:26:15 PM »
Xanuunka hore wuxuu ahaa "Severe Malaria" ama malaariyada aadka u daran oo qofka kilyaha fadhiisin karto, waxay kaloo keeni kartaa wax loo yaqaano "cerebral malaria" waana mid ka mid ah sababaha aad komada ugu jirtay, maxaa yeelay kilyaha haddii ay howlgabaan xitaa Coma waa la galaa.
Xanuunka dambe oo kilyo dhaqista dartiis laguugu sameeyane waa "Renal Failure", sababta aad uga bogsatayne oo aadan kilyo dhaqis joogto ah ugu baahanina waxay ahayd "Acute Renal Failure" kaasoo ka dhashay fuuqbax ku yimid kilyaha ama angag jirka ah qandhada darteeda iyo jeermiska malaariyada keeno oo yareeyo socodka dhiig ee kilyaha.

Aad ayaa u nasiib badan tahay, caafimaadka alle ha kuu siyaadiyo.
Akhriso waxa laga wado howlgabka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html
Akhriso waxa laga wado "dialysis": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html
Akhriso sida aad caafimaadka kilyahaaga u wanaajin kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Figle10

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Malaria ayaa la iga sheegay?
« Reply #2 on: February 08, 2016, 09:23:57 PM »
Ilaaah  ajar  haka siiyo sida wanagsan ee  ad yaad u mahad santahay doctor.