Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Xanuunka Laleemada maku dhici kartaa dhalinyarada?

(1/1)

Abdiqani Dhoobo:
Asc.

xanuunka Laleemada maku dhici kartaa dhalinyarada da'doodu ka yartahay 25 sano?  Haday ku dhacdo se waa maxay sababtu  madaama laleemada ay keento duqnimadu?

thanks.

SomaliDoc:
Laleemada way ku dhici kartaa dhalinyarada, waxayna ka timaadaa cillad gaarto maskaxda qeybta kontoroolka qaabilsan.
Waxyaabaha dhalinyarada u keeno waxaa ka mid ah:

* Jug madaxa gaartay
* Daawooyinka qaar
* Cabidda khamariga
* Xanuunada maskaxda ku dhaco ha ahaadaan kuwa lagu dhasho iyo kuwa qofka soo gaaro
* Cabidda kaffeyga oo siyaadada ah
* Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka
* Xanuun difaaca jirka ka dhasho oo loo yaqaano "Multiple Sclerosis"
Haddii qof dhalinyaro ah lagu arko arrintaan waa in si dhakhso ah loola xiriiriyo dhakhtar si loo ogaado cilalda jirta, baaritaanadu waxay isugu jiraan dhiigag iyo qalab scan oo madaxa lagaa saaro.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version