Author Topic: Su'aal: Cirowga timaha?  (Read 28943 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cirowga timaha?
« on: February 08, 2016, 05:29:17 PM »
Asalaamu Caleykum.
Dhakhtarka waan umahad celinaya wana bogadinaya shaqadan fiican ee uu hayo.
Su'aasheyda hadaan u guda galo dhakhtar waxaa igu sii badaneysa ciro timaha madaxa iyado da'adeydu ay tahay 20jir.
markaa maxad warbixin iga siin lahayd ciladan maxaase igula talin lahayd.
mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cirowga timaha?
« Reply #1 on: February 12, 2016, 09:06:17 PM »


Waa maxay Cirradu?
Cirradu waa tinta oo midabkii ka tago, waxaana afka ingiriiska lagu dhahaa "achromotrichia", waa arrin si dabiici loo arko markii la duqoobo, laakiin qasab ma ahan in aad duq noqoto si ay cirro kaaga soo baxdo, midabka tinta oo isbadalo waxay ku xiran tahay caafimaadka qofka, isirkiisa, xanuunda qofka ku dhaco, hormoonada iyo welwelka ama diiqada.

Maxay cirrada u timaadaa?
Marka hore uu eebe abuurayo tinta way caddahay, waxaa midabeeyo unugyada u qaabilsan midabaynta jirka iyo tinta oo loo yaqaano "melanin", kuwaasoo sidii eebe ugu tala galay u yeelo tinta midabkii uu qofka ka soo jeeday, haddii madow ahayd, haddii ay gaduud ahayd iyo haddii midab kale ay ahayd.
Waxay unugyadaas midabaynta bilaabaan inta uu cunuga ku jiro uurka hooyadiis, howsha unugyadaasne way sii yaraadaan markii la sii duqoobaba, waxaa la sheegaa boqolkiiba 10% ilaa 20% in howsha unugyadaan ay yaraadaan markii 30 sano la dhaafo.
Ilaa iyo hadda lama ogo sababta ay unugyadaas shaqo u yareeyaan markii la duqoobo, sidaas awgeed waxay cilmibaarayaasha ku macneeyeen markii ay fahmi waayeen in unguyadaas ay ku xiran tahay wax sidii saacadii oo kale oo kontaroolayo waxayna u bixiyeen "melanogenic clock"

Maxaa qofka isagoo aanan duqoobin cirro u yeeshaa?
Tinta oo cirrowdo marka uu qofka ka yar yahay afartan sano waxaa loo yaqaanaa "cirro dhicis", waxayna marka hore ku xiran tahay hidda wadaha qofka iyo u nuglaanta in tintu cirrowdo, laakii nwaxaa ka qeyb qaato dhowr waxyaabood oo lagu kala sheego sidatan:

Su'aalo badanaa la is waydiiyo oo cirrada ku saabsan
1- Ma laga yaabaa in hal habeen ay tintu ku cirrowdo?: maya weli ma dhicin arrintaan.
2- Haddii tinta cirrada ah aan siibo malaga yaabaa badalkeeda in tin madow ka soo baxdo?: Maya, haddii ay cirro bilaabato siisiib kaagama harto!.
3- Maxaan sameeyaa haddaan cirro isku arko?: Ha welwelin, waa arrin alle kuu qadaray, hana ka xishoonin in tinta ay cirrowday.

Talada SomaliDoc:
  • Badso cabitaanka biyaha dabiiciga ah
  • Iska ilaali kana fogow welwelka iyo fakarka badan
  • Ku dadaal cunista qudaarta iyo faakihada dabiiciga ah
  • Tinta ugu dadaal saliidaha dabiiciga ah.
  • Badso maadada "Iodine" oo lag sameeyo hormoonka thyroid-ka, waxaana laga helaa kalluunka, ku dadaal in jadwalkaaga usbuuclaha ee cuntada inuusan ka maqnayn kalluun.
  • Jooji cabista sigaarka iyo mukhaadaraatka kale.

Akhriso Bidaarta aan Dhaxalka ahayn: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline EnG YaSiN

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cirowga timaha?
« Reply #2 on: February 14, 2016, 04:24:26 PM »
Aad ayaad ugu mahadsantihiin waadixinta arintaan ku aadan cirada kasoo baxda dhalinyarada.

runtii aniga waxay ciro igasoo baxday anigoo jiro 20 sano , 7 sano kadibna alxamdulilaah sidii ay horay u eheed maaha oo way iga yaraatay waxaana la dhihi karaa %90 way iga baaba'day.

marka dhalinyarada waxaan u sheegayaa in ay qadarta alle aaminaan uu waxuu alle kuu qoray aad ku qanacdaa taa ayaana kuu fiican aakhiro iyo aduunba, teeda kale talooyinka dhakhtarkana ha qaato.


 

Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17159
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11860
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawooyinka lagu rifo timaha wax dhib ah ma keeni karaan?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 22848
Last post April 24, 2013, 01:33:28 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Timaha garkeeyga ayaa waxaa kujiro timo gaduudan?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4235
Last post January 23, 2016, 02:26:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qasilka Oo Jirka & Timaha La Marsado, Faa'iido Ma Leeyahay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 30093
Last post November 02, 2011, 02:11:17 AM
by CilmiSabca