Author Topic: Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?  (Read 19892 times)

0 Members and 5 Guests are viewing this topic.

Offline Ummbishaar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
« on: February 08, 2016, 08:07:28 PM »
ascwrwb salaan ka aad ayaand u mahadsan tihiin dhaqaatiirta sharafta leh waqtigooda qaaliga ah qeyb naga siiyey  noogana faaiideyey  aqoontooda ajar allaha idinka siiyo  :D
SU AASHA AAN QATO WAXAY TAHAY DHAQTAR WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG MUDO DHAN 5 SANO XANUUNKEDANA WUXUU  SAA ID YAHAY MARKAY CAADADA II IMAANAYSO DHAQTAR WAAN U TAGAY DHOWR JEER KANIINI XANUUN BAABI IYE OO KALIYA AYEY I SOO QOREEN MAXAA IGULA TALIN LAHEYD MAR KASTO BARASTAMOOL MA LA CUNI KARO?



Somali Medical Forums

Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
« on: February 08, 2016, 08:07:28 PM »

Online SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 3548
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
« Reply #1 on: February 14, 2016, 12:25:15 PM »


Hadduu xanuunka lugta aad ka dareemayso uu yahay mid ku qabanayo waqti kasta, waxaad u baahan tahay in aad akhrisatid qoraal aan kaga hadlay arrintaas oo ah cillad xiriir la he neerfaha sinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html

Laakiin haddii xanuunka aad dareento kaliya waxqtiga caadada kaliya, akhriso jawaabtaan hoose.

Xilliga caada waxay haweenku la kulmaan xanuuno kala duwna oo ay ugu horayso majiir obucda ah, waxaa laakiin haweenka qaar ka mid ah ay dareemaan xanuun hal lug ah. waxuu xanuunkaan lugta ku badan yahay haweenka leh sifaatkaan:
  • Haweenka ka yar da'da 30 sano
  • Haweenka caadada leh in ka badan 5 maalin, kuwaasoo dhiiga ku lumiyo maadada bootaasiyamka iyo magnesium-ka oo haddii ay jirka ay ku yaraato la dareemo xanuunkaan.
  • Haweenka caadada u bilaabantay xilli hore
  • Haweenka cayilan ama buuran
  • Haweenka aanan horay u dhalin

Maxaa keeno lug xanuunka xilliga caadada?
Waxaa la aamisan yahay inuu xanuunkaan keeno maado jirka bini'aadank ku jirto oo loo yaqaano "Prostaglandin", waxay maadadaan howsheeda tahay in minka uu soo aruuro xilliga caadada si dhiiga u soo baxo, sidaas darteed ayaana xanuunka caloosha qeybta hoose iyo dhinaca lugta ah loo dareemaa, haddii aad horay u qabtay xanuun neerfah ama seedaha ah, way kugu soo kici karaan.
Maadadaan cabbirka laga soo daayo way ku kala badan yihiin haweenka, wayna u kala nugul yihiin.
Maadadaan marka ay jirka ku badato waxay haweenka qaar ay dareemaan shuban, matag iyo lalabo.

Haweenka qaar waxaa lug xanuunka xilliga caadada u keeno xanuuno kale oo xiriir la leh caadada sida:
1- Fiixda ama burada ka soo baxdo ugxan sidaha, akhriso waxa ay tahay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
2- Xanuunka loo yaqaano "Endometriosis" ka akhriso halkaan waxa xanuunkaan uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html
3- Infekshanka minka ama tubooyinka ku dhaco, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html

Sidee xanuunkaan loo yareeyaa ama loola tacaalaa?
Sida kor aan ku soo sheegnay, jirka oo ay ku yaraadaan maadada "Potassium-ka" iyo "Magnesium-ka" waxy ka qeyb qaadataa xanuunkaan laga dareemo lugta xilliga caadada, sidaas darteed waxaa haweenka lagula taliyaa in ay ku dadaalaan cunista mooska/muuska iyo faahikada loo yaqaano "Avocado" maadaama labadoodaba laga helo potassium iyo magnesium ku filan jirka bini'aadanka, haddii aad isku heli kartid labadoodaba, waxaa laga samayn karaa cabitaan heer sare ah.
Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka caadada oo aan horay uga hadalnay arrimo badan oo ay ka mid tahay siyaabaha xanuunka loo maareeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Akhriso Qoraallo Xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Re: Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
« Reply #1 on: February 14, 2016, 12:25:15 PM »

 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1347
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1010
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 19430
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 1886
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaa i xanunayo labada lafdheer ee u dhaxeeyso jilibka ilaa iyo qoobka?

Started by CadceedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13827
Last post July 05, 2010, 10:34:55 PM
by SomaliDoc