Author Topic: Lug Xanuunka La Dareemo Xilliga Caadada..!!  (Read 55553 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Ummbishaar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Lug Xanuunka La Dareemo Xilliga Caadada..!!
« on: February 08, 2016, 08:07:28 PM »
ascwrwb salaan ka aad ayaand u mahadsan tihiin dhaqaatiirta sharafta leh waqtigooda qaaliga ah qeyb naga siiyey  noogana faaiideyey  aqoontooda ajar allaha idinka siiyo  :D
SU AASHA AAN QATO WAXAY TAHAY DHAQTAR WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG MUDO DHAN 5 SANO XANUUNKEDANA WUXUU  SAA ID YAHAY MARKAY CAADADA II IMAANAYSO DHAQTAR WAAN U TAGAY DHOWR JEER KANIINI XANUUN BAABI IYE OO KALIYA AYEY I SOO QOREEN MAXAA IGULA TALIN LAHEYD MAR KASTO BARASTAMOOL MA LA CUNI KARO?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: WAXAA I XANUUNTO LUGTA MIDIG XILLIGA CAADADA?
« Reply #1 on: February 14, 2016, 12:25:15 PM »


Hadduu xanuunka lugta aad ka dareemayso uu yahay mid ku qabanayo waqtiga caadada, xilliga uurka iyo xilliyada jawigu qabaw yahay, waxaad u baahan tahay in aad akhrisatid qoraal aan kaga hadlay arrintaas oo ah cillad xiriir la he neerfaha sinta laguna qaldo xanuunada roomaatiisamka iyo riixa: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html

Laakiin haddii aad xanuunka dareemaysid waqtiga caadada kaliya oo waqtiyada kale uusan ku qaban, waxaa keeni karo dhowr cilladood ee si dagan u akhriso faahfaahinta hoose.

Xilliga caada waxay haweenku la kulmaan xanuuno kala duwan oo jirka laga dareemo sida majiir ubucda ah, haweenkaas qaar ka mid ah waxay la kulmaan lug xanuunkaan taasoo ku badan haweenka leh sifaatkaan inkastoo haweenka oo idil ay dareemi karaan:
  • Haweenka ka yar da'da 30 sano
  • Haweenka caadada leh in ka badan 5 maalin, kuwaasoo dhiiga ku lumiyo maadada bootaasiyamka iyo magnesium-ka oo haddii ay jirka ay ku yaraato la dareemo xanuunkaan.
  • Haweenka caadada u bilaabantay xilli hore
  • Haweenka cayilan ama buuran
  • Haweenka aanan horay u dhalin

Maxaa keeno lug xanuunka xilliga caadada?
Waxaa la aamisan yahay inuu xanuunkaan keeno maaddo jirka bini'aadanka ku jirto oo loo yaqaano "Prostaglandin", waxay maadadaan howsheedu tahay in minka uu soo aruuro xilliga caadada si dhiiga u soo baxo, sidaas darteed ayaana xanuunka caloosha qeybta hoose iyo dhinaca lugta ah loo dareemaa, haddii aad horay u qabtay xanuunka neerfaha sinta ku dhaca ee aan kor ku tilmaamay  wuu kugu soo kici karaa.
Maadadaan inta jirka lagu soo daayo way ku kala badan yihiin haweenka, wayna u kala nugul yihiin, waana sababta qaar ay ugu xanuunsadaan, qaarka kalane aysan waxba ku dareemin, haweenka qaar waxaa lug xanuunka ula socdo shuban, matag ama lalabo.

Nuuca sadaxaad ee lug xanuunka la dareemo xilliga caadada waxaa keeno arrimahaan hoos ku qoran:
1- Fiixda ama burada ka soo baxdo ugxan sidaha, akhriso waxa ay tahay cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html
2- Xanuunka loo yaqaano "Endometriosis" ka akhriso halkaan waxa xanuunkaan uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html
3- Infekshanka minka ama tubooyinka ku dhaco, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html

Sidee xanuunkaan loo yareeyaa ama loola tacaalaa?
  • Sida kor aan ku soo sheegnay, jirka oo ay ku yaraadaan maadada "Potassium-ka" iyo "Magnesium-ka" waxy ka qeyb qaadataa xanuunkaan laga dareemo lugta xilliga caadada, sidaas darteed waxaa haweenka lagula taliyaa in ay ku dadaalaan cunista mooska/muuska iyo faahikada loo yaqaano "Avocado" maadaama labadoodaba laga helo potassium iyo magnesium ku filan jirka bini'aadanka, haddii aad isku heli kartid labadoodaba, cabitaan ahaan ayaad iskugu darsan kartaa.
  • Haddii aad horay u qabtay xanuunka neerfaha sinta ku dhaco, waxaad kaga hortagi kartaa lug xanuunkaan inuu ku qabto xilliga caadada adigoo qaata fitamiinnada neerfaha u roon ee kala ah Vitamin B1, B6 & B12, taasoo iyadoo hal kaniini isku ah la heli karo.
  • Lug xanuunka ka dhasho badashada hormoonka "Prostaglandins" waxaa looga hortagi karaa qaab dabiici ah adigoo raaca talooyinka ku xusan qoraalkaan, maadaama uu keeno dhabar xanuun, mindhicirro xanuun, naaso xanuun iyo kacsanaan niyadda ah:
     http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Si loo kala ogaado nuuca ay tahay lug xanuunkaaga iyo waxa keenay waxaa loo baahan yahay in warbixin dheeraad ah lagaa waydiiyo cabashadaada si loo kala sooco cilladaha kor ku xusan, kadibne talo dheeraad ah laguu siiyo, wixii faahfaahin dheeraad ah igala soo xiriir qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Akhriso Qoraallo Xiriir la leh:

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16762
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14348
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33572
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39955
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87197
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!