Author Topic: Su'aal: Aniga dhigeega waa AB+ Caruurteeda waa 0+ ninkayga waa 0+?  (Read 6203 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Umu caaisha

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
Asc dr waxaan qabaa su.aal blood group  inaad ii sharaxdo sidaa ay isku qaadan karaan hada aniga dhigeega waa AB +
Caruurteeda waa 0+  ...ninkayga waa 0+ ..su.asha labaad cirbad caadada e saxee aa dr igu yiri prolutor depot 250mg injection a halmar qaatay e cirbadaan caadada ma sadax? ??




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Aniga dhigeega waa AB+ Caruurteeda waa 0+ ninkayga waa 0+?
« Reply #1 on: February 28, 2016, 03:30:02 PM »
Adiga maadaam dhigaagu uu yahay AB, qofkastaa dhiig ka qaadan kartaa, qofkii A, B iyo O ahba.
Caruurtaada iyo ninkaagaba dhiigoodu waa O, waa bixiyeyaal guud, oo qof kasta dhiigoodu way siin karaan, laakiin iyaga O kaliya ayay dhiig ka qaadan karaan.

Waxaa intaa sii dheer calaamada (+) am (-) ee dhiiga la raaciyo tan oo astaan u ah la falgale loo yaqaan "Rh factor", hadduu qofka (+) yahay wuxuu qaadan karaa (+) iyo (-), laakiin qofka hadduu yahay (-), wuxuu qaadan karaa (-) kaliya.

Waa daawo ka samaysan hormoonka "progesterone" waxaa loo adeegsadaa, haweenka inay dhiciyaan laga cabsi qabo, ka hortag dhalid dhicis haddii hooyadu ay horay dhicis u dhashay.

Ma ahan daawo loo qaato caado saxis, laakiin haddii aad dilantay, oo caadada kaa wareertya kaliyaa la qaataa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Hadaan waqti badan ku foororo buug aniga oo aqrinayo?

Started by BunkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3835
Last post February 24, 2016, 01:51:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Aniga waxa hore leyga daweeyey xanuunka TB?

Started by JamaacBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 3562
Last post March 26, 2016, 02:16:21 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan soo kacaa subaxdii aniga oo qoyan?

Started by Buraale143Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11805
Last post April 19, 2011, 09:38:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Mar mar ayaan soo toosaa aniga oo cunaha ixanunayo?

Started by Jaamac GarweyneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5298
Last post February 25, 2016, 02:59:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiigga Aabbo iyo aniga ma isku nuuc baa?

Started by Akhaa Binu JowhariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3467
Last post November 16, 2017, 07:56:06 PM
by CilmiSabca