Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
Qalbiyare:
Asc dhamaan dhakhaatirta qaaliga ah marka hore allaha idin ka abaal mariyo howsha ad umada u haysan marka xugta su'ashaydu waxa weeye
Waxaad mooda hadi an qof arko ama uu hadal dhaho in uu hada ka hor igu dhahay tusaale hadi an group meel kuwada joogno o an sheekaysanayno qof ba hadal dhahay markasan niyada waxan iska dhahaya hada kahor miyad wada farosateen dadkan ama hada ka hor miya hadalka lagu dhahay waxan is dhaha markaas wa niyadada e iska dhaaf marka bal arinta hadi la ila arkay iga so jawaaba fadlan wana mahadsantihin.
Ashom:
Wlaahi anaa kula qabo taas.
Waxee lamid tahay adigo ku riyooday
Hadana sheekada markeey bilaabato ama aad wax aad sameey neeysid .masii hordhici kartit ee markeey dhamaato ayeey u eg tahay wax markii labaad aad la kulmeeyso
Qalbiyare:
Haa walal wa arin jirta ee dhakhaatiirtan ka warsugayna iyaga no sharaxi doona insha allah
SomaliDoc:
Waa wax jira arrintaan, waxaana loo yaqaanaa "Deja vu", waa kalmad faransiis ah oo macnaheedu yahay "horaa u arkay", waa xaalad qofka ay soo marto dareen dhab u dhaw in xaalad hadda lagu jiro, horay loo arkay.
Wuxuu qofka dareemaa in hadda ka hor uu soo maray arrintaan, wuxuuna aad iskugu dayaa inuu soo xasuusto meeshaan inuu hadda ka hor joogay, hebel iyo hebelne ay la fadhiyaan, madwuuca laga hadlayane horay looga hadlay.!!
Arrintaan tafsiirkeeda aad ayaa la iskugu khilaafsan yahay inastoo qolada cilmibaarayaasha ay diidan yihiin in arintaani ay noqon karto awood dareen oo dheeraad ah oo qofka si aan la fasiri karin ay sheekadaan ugu hormartay!!!, laakiin waxay sheegaan in ay tahay cillad maskaxda qeybta xasuusta ku timid taasoo isku qaldayso xaaladaan lagu jiro iyo wixii horay u dhacay.
Waxayna arrintaan ku dhiseen in xaaladaan ay arkaan dadka qaba qalalka nooc ka mid ah, qalalkane wuxuu ka yimaadaa khalkhal ka dhaco korontada maskaxda, sidaa awgeed markaa sidaan dareemayso waxaa dhici karta in khalkhal kooban aad dareentay!!.
Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Qalalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
Waxaa kaloo la arkay in xaaladaan "Deja vu" ay siaado markii la isticmaalo daawooyin qaar sida daawada "Amantadine iyo "Phenylpropanolamine" markii la isla qaato iyadoo lagu daawaynayo hergabka.
Qolo kale oo arintaan si kale u fasirtay way diidan yihiin in ay cillad xasuus ka timid oo waxay iyaguna leeyihiin, "Deja vu" waxay tilmaamaysaa in qofka uu leeyahay awood xasuus oo aad u sarraysa, waxaana jiri kara xaaladda hadda lagu jiro iyo xaalada la aamisan yahay in horay loo soo maray in ay jiraan waxyaabo xiriir ka dhaxeeyo taasoo dadka badankiis aysan isku xiri karin aysanne fahmi karin, taas macnaheeda waxay tahay, arrintaan hadda ka hor ma dhicin laakiin waqtiga, meesha, dadka kula joogo iyo mawduuca laga hadlay intaba in ay u ekaan karto xaalad kale oo maskaxda ku xifdisneyd.!!
Qolo kale waxay tiri arrintaan waxaa keeno in qofka waxaan uu aamisan yahay inay horay u soo dhacday inuuba soo arkay laakiin iyadoo riyo ah, dadka qaarne waxay awood u leeyihiin wixii ay ku riyoodaan in ay maskaxdooda ay keydiso.
Tusaale waxay u soo qaateen dadka u safraya wadan kale oo aysan waligood tagin, iyagoo wadanka dhex maraya ama meelo booqanayo ayaa waxaa qofka ku soo dhacayso xaalad "Deja vu" in hadda ka hor qofkaan meeshaan yimid, marka si kale uu qofka ku imaan karo meeshaan aan ka ahayn riyo ma jirto!!.
Waxaa kaloo jirta qolo afaraad oo iyagane aamisan in arrintaan ay ka baxsan tahay maskaxda bini'aadanka in ay fahanto, waxaana dhici karto in dadka qaar ay leeyihiin awood in miyirkoodu ka gudbi karo xuduudaha noo dagsan maatna ee ah midka waqtiga iyo makaanka ama meesha la joogo.!!! qoloadaan warkooda wuxuu u dhaw yahay wax ay ku sheegeen "Prophacy" ama waxyi in qofka wixii maskaxdiisa lagu ridayo laakiin aan la ogayn waxa ku riday!!!.
Isku soo wada duuduub arrintaan "Deja vu" ma ahan wax xaqiiqdeeda la haayo, kullamaa la sii baarane waa lagu sii wareeraa, fasiraada la hayo ilaa iyo hadda waa fikrado iyo aragtiyo ee ma ahan wax cilmiyeysan.
Talow adiga maxay kuula muuqataa? sidee u fasiri lahayd?
Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abu Muxamed:
ascw.dictoore waxaan maqlay in ay jirto markuu qofku ku jiro caloosha hooyadii ee abuurkiisu dhamaado <qof uu noqdo> in la tuso qayb ka mida noloshiisa oo uu arko hadhowna markuu karo ayuu gartaa inuu tan oo kale soo maray .waxaan ka akhriyey maqaal shaikh.laakiin ma hubo manaan isku dayin inaan aad ubaadho .wallaahu aclam,ascw
Navigation
[0] Message Index
[#] Next page
Go to full version