Author Topic: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?  (Read 41502 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qalbiyare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Asc dhamaan dhakhaatirta qaaliga ah marka hore allaha idin ka abaal mariyo howsha ad umada u haysan marka xugta su'ashaydu waxa weeye

Waxaad mooda hadi an qof arko ama uu hadal dhaho in uu hada ka hor igu dhahay tusaale hadi an group meel kuwada joogno o an sheekaysanayno qof ba hadal dhahay markasan niyada waxan iska dhahaya hada kahor miyad wada farosateen dadkan ama hada ka hor miya hadalka lagu dhahay waxan is dhaha markaas wa niyadada e iska dhaaf marka bal arinta hadi la ila arkay iga so jawaaba fadlan wana mahadsantihin.




Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #1 on: February 12, 2016, 07:22:25 AM »
Wlaahi anaa kula qabo taas.
Waxee lamid tahay adigo ku riyooday
Hadana sheekada markeey bilaabato ama aad wax aad sameey neeysid .masii hordhici kartit ee markeey dhamaato ayeey u eg tahay wax markii labaad aad la kulmeeyso

Offline Qalbiyare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #2 on: February 12, 2016, 04:16:23 PM »
Haa walal wa arin jirta ee dhakhaatiirtan ka warsugayna iyaga no sharaxi doona insha allah

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #3 on: February 21, 2016, 11:38:16 AM »


Waa wax jira arrintaan, waxaana loo yaqaanaa "Deja vu", waa kalmad faransiis ah oo macnaheedu yahay "horaa u arkay", waa xaalad qofka ay soo marto dareen dhab u dhaw in xaalad hadda lagu jiro, horay loo arkay.

Wuxuu qofka dareemaa in hadda ka hor uu soo maray arrintaan, wuxuuna aad iskugu dayaa inuu soo xasuusto meeshaan inuu hadda ka hor joogay, hebel iyo hebelne ay la fadhiyaan, madwuuca laga hadlayane horay looga hadlay.!!

Arrintaan tafsiirkeeda aad ayaa la iskugu khilaafsan yahay inastoo qolada cilmibaarayaasha ay diidan yihiin in arintaani ay noqon karto awood dareen oo dheeraad ah oo qofka si aan la fasiri karin ay sheekadaan ugu hormartay!!!, laakiin waxay sheegaan in ay tahay cillad maskaxda qeybta xasuusta ku timid taasoo isku qaldayso xaaladaan lagu jiro iyo wixii horay u dhacay.

Waxayna arrintaan ku dhiseen in xaaladaan ay arkaan dadka qaba qalalka nooc ka mid ah, qalalkane wuxuu ka yimaadaa khalkhal ka dhaco korontada maskaxda, sidaa awgeed markaa sidaan dareemayso waxaa dhici karta in khalkhal kooban aad dareentay!!.
Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Qalalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html

Waxaa kaloo la arkay in xaaladaan "Deja vu" ay siaado markii la isticmaalo daawooyin qaar sida daawada "Amantadine iyo "Phenylpropanolamine" markii la isla qaato iyadoo lagu daawaynayo hergabka.

Qolo kale oo arintaan si kale u fasirtay way diidan yihiin in ay cillad xasuus ka timid oo waxay iyaguna leeyihiin, "Deja vu" waxay tilmaamaysaa in qofka uu leeyahay awood xasuus oo aad u sarraysa, waxaana jiri kara xaaladda hadda lagu jiro iyo xaalada la aamisan yahay in horay loo soo maray in ay jiraan waxyaabo xiriir ka dhaxeeyo taasoo dadka badankiis aysan isku xiri karin aysanne fahmi karin, taas macnaheeda waxay tahay, arrintaan hadda ka hor ma dhicin laakiin waqtiga, meesha, dadka kula joogo iyo mawduuca laga hadlay intaba in ay u ekaan karto xaalad kale oo maskaxda ku xifdisneyd.!!

Qolo kale waxay tiri arrintaan waxaa keeno in qofka waxaan uu aamisan yahay inay horay u soo dhacday inuuba soo arkay laakiin iyadoo riyo ah, dadka qaarne waxay awood u leeyihiin wixii ay ku riyoodaan in ay maskaxdooda ay keydiso.
Tusaale waxay u soo qaateen dadka u safraya wadan kale oo aysan waligood tagin, iyagoo wadanka dhex maraya ama meelo booqanayo ayaa waxaa qofka ku soo dhacayso xaalad "Deja vu" in hadda ka hor qofkaan meeshaan yimid, marka si kale uu qofka ku imaan karo meeshaan aan ka ahayn riyo ma jirto!!.

Waxaa kaloo jirta qolo afaraad oo iyagane aamisan in arrintaan ay ka baxsan tahay maskaxda bini'aadanka in ay fahanto, waxaana dhici karto in dadka qaar ay leeyihiin awood in miyirkoodu ka gudbi karo xuduudaha noo dagsan maatna ee ah midka waqtiga iyo makaanka ama meesha la joogo.!!! qoloadaan warkooda wuxuu u dhaw yahay wax ay ku sheegeen "Prophacy" ama waxyi in qofka wixii maskaxdiisa lagu ridayo laakiin aan la ogayn waxa ku riday!!!.

Isku soo wada duuduub arrintaan "Deja vu" ma ahan wax xaqiiqdeeda la haayo, kullamaa la sii baarane waa lagu sii wareeraa, fasiraada la hayo ilaa iyo hadda waa fikrado iyo aragtiyo ee ma ahan wax cilmiyeysan.

Talow adiga maxay kuula muuqataa? sidee u fasiri lahayd?

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abu Muxamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #4 on: February 21, 2016, 12:33:03 PM »
ascw.dictoore waxaan maqlay in ay jirto markuu qofku ku jiro caloosha hooyadii ee abuurkiisu dhamaado <qof uu noqdo> in la tuso qayb ka mida noloshiisa oo uu arko hadhowna markuu karo ayuu gartaa inuu tan oo kale soo maray .waxaan ka akhriyey maqaal shaikh.laakiin ma hubo manaan isku dayin inaan aad ubaadho .wallaahu aclam,ascw

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #5 on: February 22, 2016, 12:20:53 AM »
Arinkan anigu waa isku arkaa lkn iskuma mashqulin jirin.
Ma mooday lkn in leyla qabo oo xita waligey qof kalama hadan umana shegin.
waayo hadad ka shekeysid xataa wax la fahmi karo mahan kkkk dad baan u imaan waxan is oran hada ka horbaa u timi, hadal baa ley oran waxan is oran hada ka hor baa lagu yiri

Offline Manna

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #6 on: February 22, 2016, 07:20:15 AM »
thanks somalidoctors sida ad bulshada marwalbo uga haqabtirtan aqoonta xaga caafimadka,  hadi a rayigeyga kadhibto arinta ah hora u arkay, ani ahan ma aminsani in qalqal ama isku dhaxyac Ay noqonkarta sababto ah aniga xata wan lakulmay tusale ahan waxan arkay anigo riyooda kdib subaxdi marka soo tooso anigo og wixi aa kuriyoday Oo xususan kadibne dib uma raacraco oo riyo cadiya uqato Oo howl malmedkeyga iska si raca mudo kadib waxa dhacdo in a arko wixi riyada a kula kulmay is la goobti aa horay u arkay qaabka fadhiga nooca dharka iyo hadalki na dhaxmaray jawabihi aa celiyey Oo dhan wax walbane waxey u dhacan isla sidi aa ku riyoday ayado waxba isku dhaxyacsanen Oo process ki uu dhameystiranyahay wan layaba markay halka mareyso mana ushego dadka ila jogo mxa yelay wa wax Ay adagtahay in La amino in ay ku qabsato moyee,  lkn mahi qof xususta wax qalqal ah kadaremo ama wax ilowsho qabo ada iyo aad aya ila iyo hada u masakax ficanahay Alx waxey ila tahay arintan wa wax aadanaha caqligoda kabaxsan alle uunbana wata Oo og sidas ila muqata aniahan walagayaba in ad iga rayi duwantihin thanks a lot

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #7 on: February 22, 2016, 08:21:44 AM »
thanks somalidoc
.aniga  wax aan dhaho "waxaan sidaas iyo sidaas ayeey noqo doonaan" 70% weey noqdaan taasna maaqaani sababta ee dr re wax ka taabo arin kaas

 mida kale oo kusaabsan arinta deja vu.

Waa riyo lagu riyooday oo aana ihtimaam la siin ee dib laga arkay dhici taan keeda
      Ama
Waa arin  shaabahdo mid horay u dhacday .

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #8 on: February 28, 2016, 03:34:55 PM »
Waxaa arrin kaloo jirta oo iyadane ay cilmibaarayaashu jawaab u la' yihiin oo qaarkoodba inkirsan yihiin maadaama wax la baari karo aysan ahayn, waa arrin ka agdhow dareenka "Deja vu" oo loo yaqaano "precognition".

Marmarka qaar wuxuu qofka dareemaa arrin dhici rabto isagoo war ka haynin, kadibna warkii sax ayuu noqdaa, tusaale: adigoo gurigaaga iska joogo ayaa waxaa kugu soo dhacayso in maanta uu kuu imaanayo qof aadan in muddo ah arkin, qofkaasne kuma soo wicin, warkiisane ma haysid, waxyar ka dib qofkii ayaa yimid, tusaale kale: qof baa kugu soo dhacayo inuu xanuunsan yahay, markii aad wacdid ama warkiisa aad raadiso waxaa lagu leeyahay waa xanuunsan yahay, iyo tusaalooyin kale oo badan.
Waxaa arrintaan afka qalaad lagu dhahaa "Precognition" laakiin ma ahan wax cilmiga maanta jiro uu ogol yahay, sababtuna waa sadax:
1- Si cilmibaaris wax loogu sameeyo waa inay noqdaa arrin sabab ku imaan karto "Casuality", la taaban karo, la arki karo, kadibna la baari karo, markaas ayaa xaqiiqdeeda la gaaraa.
2- Gheybka "???? ?????" ma ogolo dadka cilmibaarayaasha ah qofkii aan muslim ahayn in aad rumeysan tahay wax dhici rabo, sidaa awgeed haddii aad ka sheekayso lagaama rumaysan doono.
3- Qofka waxuu leeyahay 5 dareemood oo kala ah: arkidda, urinta, taabashada, maqlidda iyo dhanaminta, wixii intaa ka baxsan ma dareemi karo, hadduu dareemane waxaa lagu tuhmayaa waalli, laakiin waxaa ka maqan in qofka dareenkaas uu eebe ku soo ridi karo, sida taariikhdaba lagu arkay, waana nooc mucjisooyinka ka mid ah, waa sida ay ila tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Mar marka qaar o aad moodo wax hada dhacay inan hada ka hor arkay?
« Reply #9 on: February 29, 2016, 06:42:27 PM »
Waa fahmay dr .re .thank you so much

Offline Muxya62

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Asc we wb Dr waad mahadsnthy
Arimaha aad ka soo hadashay Anigu xitaa waan isku argay waxaan maleyn jiray inaan kaligay oo kaliya aan qabo xitaa waxaa taa iisii dheer
Markii wax dhib leh LA iisoo sheegi rabo wadnaha ayaa SAA iid iigaraacma oo cabsi ayaan dareema wax yar kadibna arintii baa LA iisoo sheega. Marks taa micnaheeda
Muxuu noqon karaa? waxaan umaleeyaa inay kayara duwanthy  4 qodob ee aad kasoo hadashay ee ay isku qilaafsanayen cilmibaaroyaasha


 

Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47797
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29366
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6977
Last post September 22, 2015, 01:36:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay xiniyo xanuun gaar ahaan tan bidix?

Started by GalooldahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6911
Last post October 27, 2016, 03:28:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxan isku arkay xishood aanan weji siin karin?

Started by Kaafi.ABoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10201
Last post January 15, 2017, 02:09:59 AM
by Kaafi.A