Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi?
(1/1)
Hamda84:
ASC waxan si sharaf leh u salamaya dhakhtarada wakhtigooda u huray umadoda ilahay uunbana ka abaap marin bacda salan waxan rabaa in la ii fah fahiyo xanuunkaasi iyo waxa keena iyo khatartiisa iyo siyabaha lagu garto qofka uuu hayaa waad mahadan tahiiin dhamanba Takayasus arterit
SomaliDoc:
Hamda, xanuunkee ka hadlaysaa oo rabtaa in laguu faahfahiyo? Xanuunka ma aadan xusin..!
Hamda84:
asc wall xanunku waakan Takayasus arterit
SomaliDoc:
Xanuunkaan Takayasu's Arteritis wuxuu ka mid yahay xanuunada ku dhaca xididada, kaasoo keeno in xidadu ay dhaawacmaan, wuxuunak u badan yahay haweenka markii ragga loo eego, mana ahan xanuun dunida ku badan, wuxuu badanaa ku dhacaa xididada waawayn sida kuwa wadnaha dhiiga ka soo qaado ee "Aorta" iyo faracyadiisa, markuu xidida dhaawaco waxay keenaan inay bogsadaan kadibna xididkii uu cariiri noqdo.
Cillada xanuunka waa cillad isdifaacis jirka ah "Autoimmune Disorder", waana xanuun la kala dhaxlo, dhakhtarka markuu ku wiisatayno wuu ka shakki karaan in aad qabto xanuunkaan, maxaayeelya sida caadiga ah meelaha ay xidida maraan markaa farta lagu cadaadiyo waxaa la dareemaa garaaca xididka, laakiin cudurkaan waxb lama dareemo, sidaas ayaana loogu bixiyay "Pulseless Disease".
Dadka qaar ma qabi karaan wax calaamado ah, horayne lagama garto illaa inuu qofka cillado kale iyadoo la baarayo al arko mooyee.
Waxaa xanuunkaan lagu ogaadaa raajo dheeh wadato oo loo yaqaano "Angiogram" taasoo soo muujinayso xididada.
Waxaa daawo ahaan loo qaataa daawooyin yareeyo dhaawaca xididada ee inta la ogyahay ma jirto daawo looga wada bogsado xanuunka.
Haddii aad rabto faahfaahin ku saabsan qeyb ka mid ah macluumaatkaan kooban, fadlan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
Navigation
[0] Message Index
Go to full version