Author Topic: Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?  (Read 11450 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Qudhac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?
« on: January 02, 2016, 12:57:37 AM »
 doctor xanunkan afqadhmunka mudo 4sano ah ayu ihaya yurub aya  imid kabacdi tonsilska ama qanjidhada cunaha wala iga saray hadana ilaa haatan urtii iyo dhagaxantii igama tagin inkaston sidi hore dhamo waxana lagajoga marki la igasaray qanjidhada mudo halsano ah taas waxa siidheeer oon hada isku arkay afdhag dhag afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya candhuufta waa dhagdhag bishimaha waa isku dhagdhagayan dadka lama hadli karo xishood daradii doctor meel kasta oo ENT ah wantagay dhagdhaga wa iska cadi ayay idhaheen wax iga cawiya ma arkin fadlan doctor adigo ilahay darti i cawinaya dhibane somaliyed ayan ahaye i cawi oo cudurkan af dhahdhaga iyo urta iswadata ah sidaan uga takhalusi laha isosheeg mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?
« Reply #1 on: January 09, 2016, 04:55:46 PM »


Candhuufta oo dhegdheg noqoto ama afka oo isku dhago waxay astaan u noqon kartaa dhowr cilladood oo kala ah:
  • Fuuq baxa: calyada badankeed waxay ka samaysan tahay biyo, haddii jirkaagu biyaha ku yaryahay candhuufto dhagdhag ayay noqotaa
  • Sigaar cabistu waxay candhuufta ka dhigtaa dhegdheg maadaama dhuunta ay ka soo saarto xab badan, waxaa la mid ah shiishada
  • Caabuqa sanqada oo qofka ku raaga: ka akhriso qoraal aan uga hadalnay cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html
  • Cabeebka ma umulowga afka ku dhaco
  • Hargabka iyo qufaca joogtada ah
  • Xajiinta iyo xasaasiayda
  • Daawooyinka qaar sida kuwa allerjiga loo qaato, kuwa diiqada iyo caburka sanka loo qaato
  • Qanjirka calyada oo jiran ama xiran

Sida ay ila tahay cilladaadu waa xaga qanjirrada calyada soo daayo ee afka ku furan, sababta aan sdiaas u leeyahayne waxay tahay:
1- Waxaad tilmaantay in dhagaxaan ay candhuuftaadu la socoto adigoo dalqada lagaa gooyay weli, tani waxay dhacdaa markii qanjirada calyada soo saaro ay tubooyinkooda isku awdaan dhagaxaa ma qururux aad u yar waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "salivary duct stones" waxay badanaa dhagaxaanta la arkaa markii aad wax dhanaan ah cuntid ama cabtid sida liin dhanaanta oo kale.
2- Candhuuftaada oo dhegdheg ah, haddii calyadu ay yaraato ama qanjirrada calyada soo daayo uu xiran yahay ama uu jiran yahay afku wuu isku dhegdhegaa, qofkane hadalka xitaa wuu dhibsadaa.
3- Quumanka oo lagaa saaray waxay meesha ka bixinaysaa shakiga ahaa in dhagaxaan quuman ay jiraan, sidaas daraateedne dhagaxaanta waxay ka socdaan qanjirada calyada badanaa kuwa ka hooseeyo carabka.
4- Waxaad kaloo tilmaantay inuu afka ku urayo weli, tanne waxay ka dhalan kartaa calyada oo yar iyo candhuufta oo aanan wada gaarayn afka, maadaama calyada howlaha ay afka ka qabato ay ugu horayso in ay jeermisak ka disho, huuradane ay yarayso.

Talo:
Si loo hubiyo in uu xanuunkaan jiro waxaa la sameeyaa baaritaan loo yaqaano "Sialogram" daawo dheeh ah ayaa lagu duraa qanjirrada kadib raajo ayaa la saaraa afka si loo ogaado haddii qanjirrada calyada kuwa ka mid ah ay xiran yihiin, haddii ay xiran yihiin, dhagaxaanta waa laga soo saaraa.

Haddii aadan awoodin baaritaankaas ama uusan kuu suuragalayn waa in aad raacdaa talooyinkaan hoos ku xusan:
  • Cabitaanka biyaha caadiga badso
  • Jooji cabista sigaarka iyo shiishadda haddii aad isticmaasho
  • Ku luqluqo biyo cusbo leh oo qandac ah
  • Badso isticmaalka liin dhanaanta waxay kaa caawinaysaa in calyada ay badiso oo qanjirrada ka shaqaysiiso
  • Ka fogow cabista caanaha badan, cheese-ka iyo dufanta, candhuufta way sii adkeeyaan.
  • Vitamin C iyo E ka soo gado farmashiga oo isticmaal, waxay afka ka yareeyaan xabka iyo dhegdhega
  • Isku huuri biyo kulul si hawo mareennada kuugu furmaan
  • Haddii aad ka shaqaysid meel boor badan ama qiiq badan sanka xiro, afkane daboolo.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qudhac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
qalitaan afka ah
« Reply #2 on: February 05, 2016, 06:36:47 PM »
Asc doctor horay ayaan kulaso xidhiidhay waxan ka cabanayay cudurka dhegdhega afka, dhakhtar ayaan u tagay kabacdi wuxu idhahay waxad u bahantahay plastic surgery .
markaa dhakhtar i caawi muxu yahay
plastic surgery? se ma halisba ? se cudurka dhagdhaga afka maku baaba,aa hadi qali tanka lagu guulaysto
Mahadsanid Jazakallahu khayran.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?
« Reply #3 on: February 10, 2016, 02:53:18 PM »
Plastic surgery waa qurxinta ma sixista cilladaha qofka ka muuqdo mana ahan hal qalliin magaciis, ee waa takhassus la diyaariyo, ee dhakhtarka ma kuu sheegay waxa uu samaynayo iyo qaabka uu u samaynayo? Cilladane muxuu kugu sheegay?
Inta aadan qalliin samayn, dhakhtarka ma ka waraysan kartaa cillada waxa ay tahay iyo qalliinka waxa la saxayo maxay tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Qudhac

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?
« Reply #4 on: February 10, 2016, 05:29:01 PM »
asc doctor just wuxu i dhahay dhakhtarka markuu arkay afkayga oo aad iskugu dhagdhagaya candhuuf adag oo xab ah na afka guduhisa igajirto oo aad iskugu dhegdhegaysa  waxad u bahantahay plastic surgery . horay waxan doctor usomaray bal sanka in ay wax kujiraan waxan la isaray CT scan waxna malagu arag calosha ayan hadana kashakiyay iyadana tuumbo aya la igagaliyay wax dhib ah majiro aya la idhahay cudurkan i haya walagu wareray si sax ahna waan ugu sheegay dhakhtarada markaa kan hada wuxu iigu soo gabiyay plastic surgery hadi an kugu sameyo dhanka afka wuka baxaya dhagdhaga afku. marka doctor bal wixi talo ah iyo tusale ah iso jawab ilahay khayr haku siye .ma cudurka siagloram ayan iska badha , mise cacosmia,  mise sinusitis , mise parotid gland ayu wax ka khaldanyahay sababto ah qanjidhkan markan taabto iyo markan afka aad ukala qaado wuu ixanuna zaa,id, mise sublingual gland ayu wax ka khaldanyahay , mise submandibular gland ayu wax ka khaldanyahay . ilahay khayr hakusiye dhakhtaraw i caawi xishood ayaan dantaydi aakhiro iyo aduunba useegaye . mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Afka oodhan ayaa isku dhagdhagaya?
« Reply #5 on: February 15, 2016, 05:45:16 PM »
Sialogram ma ahan cudur ee waa baaris lagu ogaado shaqada qanjirrada calyada soo saaro sida Parotid gland, Submandibular galnad iyo Submental gland, waana muhiim inta aan qalliinka lagugu samaynin.
Wali ma ii kala caddo qalliinka uu dhakhtarka kugu samayn rabo nooca uu yahay, maxaa yeelay Plastic surgery waa qeyb ka mid ah qalliinka ee ma ahan qalliin macno gooni ah samaynayo, waa adigoo dhahay oo kale, dhakhtarka wuxuu igu dhahay, waxaad u baahantahay qalliinka caloosha ah, laakiin su'aashu waxay tahay, caloosha halkee laga qalaa, cilalda laga qalayane maxa y tahay?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: