Candhuufta oo dhegdheg noqoto ama afka oo isku dhago waxay astaan u noqon kartaa dhowr cilladood oo kala ah:
- Fuuq baxa: calyada badankeed waxay ka samaysan tahay biyo, haddii jirkaagu biyaha ku yaryahay candhuufto dhagdhag ayay noqotaa
- Sigaar cabistu waxay candhuufta ka dhigtaa dhegdheg maadaama dhuunta ay ka soo saarto xab badan, waxaa la mid ah shiishada
- Caabuqa sanqada oo qofka ku raaga: ka akhriso qoraal aan uga hadalnay cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html
- Cabeebka ma umulowga afka ku dhaco
- Hargabka iyo qufaca joogtada ah
- Xajiinta iyo xasaasiayda
- Daawooyinka qaar sida kuwa allerjiga loo qaato, kuwa diiqada iyo caburka sanka loo qaato
- Qanjirka calyada oo jiran ama xiran
Sida ay ila tahay cilladaadu waa xaga qanjirrada calyada soo daayo ee afka ku furan, sababta aan sdiaas u leeyahayne waxay tahay:
1- Waxaad tilmaantay in dhagaxaan ay candhuuftaadu la socoto adigoo dalqada lagaa gooyay weli, tani waxay dhacdaa markii qanjirada calyada soo saaro ay tubooyinkooda isku awdaan dhagaxaa ma qururux aad u yar waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "salivary duct stones" waxay badanaa dhagaxaanta la arkaa markii aad wax dhanaan ah cuntid ama cabtid sida liin dhanaanta oo kale.
2- Candhuuftaada oo dhegdheg ah, haddii calyadu ay yaraato ama qanjirrada calyada soo daayo uu xiran yahay ama uu jiran yahay afku wuu isku dhegdhegaa, qofkane hadalka xitaa wuu dhibsadaa.
3- Quumanka oo lagaa saaray waxay meesha ka bixinaysaa shakiga ahaa in dhagaxaan quuman ay jiraan, sidaas daraateedne dhagaxaanta waxay ka socdaan qanjirada calyada badanaa kuwa ka hooseeyo carabka.
4- Waxaad kaloo tilmaantay inuu afka ku urayo weli, tanne waxay ka dhalan kartaa calyada oo yar iyo candhuufta oo aanan wada gaarayn afka, maadaama calyada howlaha ay afka ka qabato ay ugu horayso in ay jeermisak ka disho, huuradane ay yarayso.
Talo:Si loo hubiyo in uu xanuunkaan jiro waxaa la sameeyaa baaritaan loo yaqaano "Sialogram" daawo dheeh ah ayaa lagu duraa qanjirrada kadib raajo ayaa la saaraa afka si loo ogaado haddii qanjirrada calyada kuwa ka mid ah ay xiran yihiin, haddii ay xiran yihiin, dhagaxaanta waa laga soo saaraa.
Haddii aadan awoodin baaritaankaas ama uusan kuu suuragalayn waa in aad raacdaa talooyinkaan hoos ku xusan:
- Cabitaanka biyaha caadiga badso
- Jooji cabista sigaarka iyo shiishadda haddii aad isticmaasho
- Ku luqluqo biyo cusbo leh oo qandac ah
- Badso isticmaalka liin dhanaanta waxay kaa caawinaysaa in calyada ay badiso oo qanjirrada ka shaqaysiiso
- Ka fogow cabista caanaha badan, cheese-ka iyo dufanta, candhuufta way sii adkeeyaan.
- Vitamin C iyo E ka soo gado farmashiga oo isticmaal, waxay afka ka yareeyaan xabka iyo dhegdhega
- Isku huuri biyo kulul si hawo mareennada kuugu furmaan
- Haddii aad ka shaqaysid meel boor badan ama qiiq badan sanka xiro, afkane daboolo.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com