Author Topic: Su'aal: Waan isla hadlaa markaan kaligey noqdo?  (Read 31334 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muriya

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waan isla hadlaa markaan kaligey noqdo?
« on: February 13, 2016, 03:37:26 AM »
Asc walaalo waxaan ku weydiin lahaa waan isla hadlaa markaan kaligey noqdo mana waalni Hooyo caruur korsaneysa Ayaan ahey ok tankale labo caruur aan dhaleyna wey isla hadlayaan iyaguna WAA maxey xanuunka as sidoo kale hadhaw waxaan dareemaa madax xanuun daran  waana isla qoslaa caruurtuna WAA lamid waxey ku arkey caruur ta cadho badan  than u




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waan isla hadlaa markaan kaligey noqdo?
« Reply #1 on: February 17, 2016, 04:56:30 PM »


Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga ama waxa afka qalaad loo yaqaano "Self-talk" waa arrin aad u badan oo lagu arko dad kala duwan, waxaa la aaminsan yahay in isla hadalku uu saamayn ku yeelan karo kalsoonidaada, taasoo noqon karto mid faa'ido leh "Positive" ama mid khasaaro ah "negative".

Isla-hadalku ma ahan cillad dhimir ama walli sida dadka qaar ay rumaysan yihiin, laakiin waa muhiim in qofka uu ogaado islahadalkiisu nooca uu yahay, waxa uu badanaa ka hadlo, hadafku isla-hadalkuan waa inuu noqdaa mid qofka farxad galinayo ama niyada u dajinayo ama culeys iskaga qaadayo, waana inuusan noqon mid canaan ah oo kalsooni darro iyo cadho laga qaadayo, waana arrin muhiim ah in dadka isla hadlo ku dadaalaan si ay isla-hadalkoodu u noqon lahaa mid wax dhisa.

Isla-hadalka faa'idada leh wuxuu qofka dareensiiyaa farxad, inuu isku bogo, inuu kalsooni helo, inuu wax dajin garo ama go'aan gaari karo.

Badanaa isla-hadalku wuxuu qofka sameeyaa markii aan la ag-joogin iyadoo badanaa qofka uu ka welwelo in la maqlo ama la arko isagoo isla hadlayo, sidaas darteed wuxuu qofka doortaa meel aan lagu maqlayn, sida markuu suuqa ama dukaanka ama iskuula ka soo socdo kaligiis, markuu guriga kaligiis joogo, suuliga ku jiro markuu kaligiis yahay, howlna uu hayo sida dhar dhaqista, wax baarista, guri xaaqista iyo cunno-karinta, jikaduna waa meesha ugu badan ee haweenka ku sheekeystaan.
Isla-sheekeysiga wuxuu ku xiran yahay qofka siduu dareemayo, xaaladaha badanaa uu qofka bilaabo waa markuu faraxsan yahay ama uu xanaaqsan yahay.

Marmarka qaar qofka markuu isla hadlayo kama war hayo, qaabka uu ku bilaabanaysane kama war qabo, qof kastane ilaahay wuu ku abuuray maskaxdiisa inay la sheekaysato, laakiin qofka dabcigaan leh fikirkii ayaa cod la maqlayo ka noqday.

Waa maxay isla-hadalka faa'idada leh?
Isla-hadalka ama sheekeysiga faa'idada leh waa in uu noqdaa mid niyadda kuu dhisayo, tusaale:
1- "dharkaan way igu qurxan yihiin"
2- "Imtixaanka waan ku baasi doonaa"
3- "way hagaagi doontaa umuuaraha"
Waxaad ka dheehanaysaa tusaalooyinkaan kore in qofka uu sabarsiinayo, isfaaninayo, isku bogayo ama isdhiira gelinayo, intaba waa wax u fiican kalsoonida qofka.
Inuu qofka is baro dabcigaan waa muhiim, wuuna awoodaa.

Waa maxay isla-hadalka khasaarada ah?
Waa caksiga arrintaan kore, waa in qofka uu ku hadlaa erayo niyad jab, canaan u badan sida:
1- "Qof kasta wuxuu ii maleeyaa dabaal inaa ahay"
2- "Wax ii hagaagi doona ma lahan, xaaladu waa xun tahay"
3- "dharkaan waan ku fool xumahay"
Tusaalooyinkaan waxaa ka muuqdo is-niyad jabin, canaan iyo quus, waana wax hadduu qofka joogteeyo ka imaan karo xanaaq, cadho iyo dabci xun.

Sidee sila-hadalkeygu uga dhigaa mid in anfaca?
marka hore waa in aad u kuur gashaa waxa aad sheegto si aad u ogaatid nooca aad tahay, ma qof faa'ido u yahay isla-hadalka mise qof dhibaato u siyaadinayo.
haddii aad aragtid isla-hadalkaagu inuu faa'ido soo wadin, waa in aad is dareensiisaa ama is-bartaa in aad u hadashid sidii in lagula joogo camal, ama lagu dhagaysanayo, tan waxay maskaxda ku tababaraysaa in ay soo saarto hadal aadan ku dhaawacayn iyo qofka ku maqlayo intaba.
Midda kale haddii isla-hadalkaagu u badan yahay su'aal, waa in aad jawaab fiican raadisaa ma ku fakartaa.
Tusaale: haddii aad is waydiisid, "maxaan sameeyaa?" waa inaad dajisaa khuddo faa'ido kuugu jirto.
Haddii aad dabcigaas ku dadaashid, isla hadalkaagu wax dhib ah kuuma keeni doono insha'llah.

Midda kale oo muhiimka ah waa inuu qofka ogaadaa in isla hadalku uusan ahayn waalli bilawgeed, waana in aadan ku welwelin dadka kale waxa ay kaa aaminsan yihiin, waan ogahay dad badan bay ka dhaadhacsan tahay arrintaan qof isla hadlayo haddii ay arkaan in ay dhahaan: "hebel waa la soo hayaa, waa waalan rabaa mar dhaw" ama la dhaho "isla hadalka badan waxay tilmaan u tahay inuu qofka cadaadis maskaxdu ka saaran tahay, taasoo haddii uu sii wado wuu ku dhufanayaa", tanne ma ahan wax jira.

Waxaan kaloo kuu sheegayaa in dadka isla hadlo ama sheekeysto khaasatan dadka u badan nooca faa'idada leh, badanaa way ka badbaadaan isku-buuqa iyo stresska, waxaa kaloo la arkay inay ku yar tahay cudurrada uu stress-ka soo saaro sida dhiig-karka, sonkorta iyo wadne-qabadka.

Waa maxay xaaladaha isla-hadalka ka ag dhaw?
Waxaa ka mid ah dhowr xaaladood oo dadka aamisan yihiin in ay dabiici tahay sida:
1- Qofka oo heeso markuu kaligiis yahay.
2- Qofka oo si kadis ah uga istaago sheeko dad kala dhaxaysay, kadibna musqusha galo ama meel kale, kadibna sheekada sii wato kaligiis.
3- Qofka markuu muraayad isku fiiriyo is dhaajiyo ama isla hadlo ama wax iska sheego.
Sida ay xaaladahaan dabiici u tahay ayuuna isla-hadalka ama sheekeysiga dabiici u yahay.

Muxuu isla-hadalku waallida ay kaga duwan tahay middaan?
Waxay kaga duwan tahay, isla-hadalka waallida qofka lama dhuunto, mana u fahansano inay u tahay wax u khaas ah, midda kale waxa qofka uu ku sheekeysanayo ma ahan wax is-heysta ama isu-xiran ama macno suubinayo ama xaalada qofka uu ku sugan yahay ka tarjumayso, isla-hadalka waallida badanaa qofka howl kuma dhex qabsan karo laakiin qofka kale waxaa laga yaabaa inuu guriga nadiifisto, dharka dhaqo, cunnada kariyo, intaasne uu hadalkaas iyo sheekeysigaasne ku dhex wado, isla-hadalka waallida waxaa la socdo badanaa ficil ama dhaqan ka baxsan heerka dabiiciga ah.

Qeybta labaad ee su'aashaada ku saabsan caruurta isla hadlayso, waa dabiici caruurta da'doodu u dhaxayso 2 ilaa 7 sano in ay isla hadlaan ama sheekeystaan waana arrin dabiici ah oo qasab ay tahay in caruurto soo maraan si maskaxdoodu u kobocdo, haddii caruurtaadu ay da'doodu intaa ka wayn tahay, waxaa dhici karto in aad adiga saamayn ku yeelatay, laakiin iyaga laftirkooda waa in aad isla-hadalkoodu saxdaa oo kontorooshaa si uu u noqdo mid faa'ido ugu jiro isaga iyo qoyskaba.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18455
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47823
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 116697
Last post May 16, 2010, 09:57:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9388
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10574
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc