Author Topic: Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca  (Read 12862 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hussein Fowzzy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca
« on: February 06, 2016, 11:02:23 AM »
Asc marka hore aad baan u salaamayaa dhakhaatiirta iyo kuwa isku hawlay in ay ka haqabtiraan suaalaha ay soo jeediyaan dadka Ku xidhan pageka Somalimedical.
Aniga oo suaashayda ugudbaaya waxaan dhib kala kulmaaa xanuun dhinaca dhagta ah taas oo muddo 5sano i haysata.
xanuunka oo dhagta bidix iga haysanaayey ayaa u talaabey dhegta midig, taas oo mararka qaar indhahaygu gaduudtaan.
Waxaa kale oon isku arkey timahayga oo si fudud u jajabaaya.
Mararka qaarna barkinta waa ay idhibtaa in aan Ku jiifto oo xanuun saaid ah ayaa madaxa ka dareemaa.
Dhakhaatiir badan baan la xiriiray inta u badan waxay iigu jawaabeen wax xanuun ah dhegta kuma lihid.
Haddaba ma jiraa xanuunkaan oo ma leeyahay daawo lagaga bogsado?
                 Waad Mahadasantihiin Bahda Somalimedical





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca
« Reply #1 on: February 10, 2016, 03:04:32 PM »
Xanuunka dhegta ma gudaheeda ayaa ka dareemaysaa mise korkeeda ama dhinacyadeeda.
Timaha oo sidaa u daato oo uu la socdo xanuun madaxa ah waxaa loo yaqaanaa caafimaad ahaan: "Trichodynia", waa basada iyo tinta oo qofka xanuuno isagoo u moodo in madaxa laga hayo, xanuunkaan waxaa lagu gartaa qofka markuu madaxa meel saaro ama cadaadiyo ayuu dareemaa sida in barkin lagu seexo oo kale, laakiin markuu qofka fadhiyo ama socdo ma dareemo.
Waxaa kaloo la dareemaa markii aad shanlaysatid ama aad madaxa dhaqdid, waana cillad ay la socoto timo daadasho.
Akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html
Akhriso qoraal ku saabsan bidaarta jirrada ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5726.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hussein Fowzzy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuunka dhagaha kudhaca?
« Reply #2 on: February 12, 2016, 09:43:47 PM »
Waad kumahadsantahay jawaabta aad Igasiisay suaasheydii Ku saabsaneyd Xanuunka dhagaha.
Aniga oo u gudbaayo suaal aad iga waydiisay xanuunka  dhagta iga haya.
xanuunka dhagta ma mid gudahaa mise waa mid guudka ah?
Waa mid gudaha ah oo waxaan u arkaa in aan nabar kuleeyahay gudaha dhagta oo inta badan xanuun joogta ah ka dareemo.

Inta badan waxaan dareemaa madax xanuun badan iyo dhagaha oo ixanuuna.
Dhakhtaatiir badan ayaan laxiriiray waxba ma qabtid ayeey igu dhaheen laakiin mid kaliya oo kamida dhakhtarada ayaa ii sheegay in aan nabar kuleeyahay dhegta gudaheeda.
Xanuunka dhagta gudahiisana waxaan u dareemayaa sidii nabar oo kale.
Maqalka dhagahaygu waa mid caadi ama (normal).
Waxaa i xanuunaaya dhagta guudkeed oo qaybta madaxa ah, mark a aan btaabasho ku sameeyo madaxa qaybta dhagta ka koreyso waxaan dareemaa xanuun zaaid ah.

Astaamahan xanuunka le bal wax iiga sheeg iyo daawada saxda ah Ee Ku Haboon.
........  Mahadsanid walaal..........

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Suaal ku saabsan xanuunka dhagaha ku dhaca
« Reply #3 on: February 17, 2016, 03:42:08 PM »
Meesha aad taabanayso ee dhegta korkeeda iyo gadaasheeda ku aadan waxaa ku jiro qanjir, haddii ay halkaan ku daqnanayso waxaay u badan tahay inuu infekshan jiro ama nabarka uu sax yahay, haddii ay saas tahayne waa in aad daawo qaadataa.
Fadlan dhakhtar E.N.T u tag, dhegta qalab hakaaga eegee.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16759
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14347
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33563
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39949
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87191
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!