Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Baqdin aan daremo xiliga jamaca ee xajigayga?
(1/1)
Hamdi66:
Asc dhamaan Somalidoc, walaal waxan qabaa su,aal taas oo ah inaan ahay qof dhawan nolosha gurka kuso biirtay, waxana dareemaa cabsi badan oo ah dhanka jameeca odagayga taas oo ka imaatay dhanka gudniinka mana lahi wax dareen ah marka ma cudurbaa mise waa wax dhaman kara hadhow maxaa igula talin lahaydeen.
Mahadsanidiin
SomaliDoc:
Dareenka cabsida ah waa wax kaa baab'i doona insha'llah, waana arrin dhacda markii ay gabdhuhu ku cusub yihiin guurka, haka timaado cabsi ka dhalatay fikrado qaldan oo ay ka aamisan tahay ama looga sheekeeyay dhinaca galmada, ama ha ahaato wax ka yimid cabsi dhinaca gudniinka ah ama wax ka yimid hab dhaqanka ninkaaga oo aad isku cusub tihiin. Intaasba waa suura gal.
Hami yarida iyo dareen la'aantu ma imaadaan haddii ay cabsi jirto, fadlan qoraal aan uga hadlay arrintaan hadda ka hor, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3818.0.html
Navigation
[0] Message Index
Go to full version