Author Topic: Isbadallada Niyadda Xilliga Caadada Ka Hor (PMS)  (Read 78975 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isbadallada Niyadda Xilliga Caadada Ka Hor (PMS)
« on: January 25, 2016, 01:56:59 PM »


    Isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Premenstrual sydrome" loona soo gaabiyo "PMS" waxaa xaaladaan dareemo boqolkibia 85% dumarka, waxaana la dareemaa 7da illaa 10ka maalmood ee ka horayso xilliga caadada.
    Waxaana lagu gartaa xaaladaan kacsanaan niyadda ah, xanaaq dhow, qofka oo si dhakhso ah shucuurkiisa isku badali karo, waxyaabo uusan dhibsan jirin inuu dhibsado, taasoo uu dareemi karo qofka wada shaqaynta ka dhaxayso khaas ahaan lamaanahaaga.

    Waxaa dhici karto hadduu lamaanahaagu uusan aqoon u lahayn isbadalaadan ku dhacayo jirkaaga oo ka baxsan awoodaada in uu kuu qaato si kale amaba is dagaashaan ama xiriirkiina uu xumaado, laakiin hadduu fahmi lahaa ama ogyahay waxa jiro waa xilli aad u baahan tahay in la fahmo xaalada aad ku sugan tahay, taasoo wax badan kaa khafiifin karta.

    Haweenka qaar waxay dareemaan xaalad daran oo keeni karta in caruurta iyo ninkaba ay ku jeesato oo gurigaba isku badalo buuq iyo dagaal.

    Haddii aad dareentid xaaladahaas ogow hana isla yaabin waa arrin caadi ah oo ay kula qabaan dumar badan, laakiin waxaa habboon in ay fahmaan dadka kula nool khaas ahaan xaaskaaga si uu kuugu turo, kulana qeybsado culeyska ku saaran.

    Astaamaha lagu garto xaaladdaan:
    • Kacsanaan niyadda ah
    • Xanaaq
    • Niyad jab ama we
    • Oohin iyo isxumayn
    • Qofka oo wax uusan dhibsan jirin dhibsado
    • Hadal kulul ama hadal adag
    • Murugo iyo caro isla socoto
    • Neefoosnimo iyo hadalka oo si kale loo fasirto


    Maxaa keeno cilladaan?
    Inkastoo cilmibaarayaashu aysan sida dhabta ah u ogeyn qaabka ay ku timaado cilladaan laakiin waxaa la ogyahay in ay la xiriirto isbadallada hormoonka ee jirka ku dhaca khaasatan hormoonka loo yaqaano "estrogen"
    Furriinka iyo shaqada oo la waayo ma keento xaalada "PMS" waa arrin la xiriirto caadada kaliya.

    Sidee arintaan loo xalliyaa?
    Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay badalaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda dajin karo.
    Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:
    • Jimiscisga: Jimicsiga, dabaasha, socodka iyo ka bixitaanka guriga waxay caawisaa arrintaan in ay dagto.
    • Cunnada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo siku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.
    • Kaalsiyamka oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato arrintaan.
    [liKa fogow cunista waxyaabaha macmacaan, cabista kaffeega iyo maandooriyayaasha.[/li]
    [li]Waxaa kaloo muhiim ah in lamaanahaagu fahansan yahay xaaladaan iyo waxyaabaha aad dareemayso si uu qeyb uga noqdo xalka, haddii usuan ogayn ama fahansanayn ama u fasirto in ay tahay edeb darro iyo wax kale waxay keeni kartaa dhibaatooyin dheeraad.[/li][/list]

    Talo ku socoto ragga xaasaska leh:
    Ragga xaasaska leh waxaan leeyahay in aad ogaataan arrintaan idinkaa uga baahi badan xaasaskiina maadaama aad tihiin dadka saamaynta ay ku yeelanayso, haddii aadan fahminne waxay keeni kartaa isfahan darro, shakki iyo isneceyn, fadlan xaaskaaga u tur, la caadifoo oo la fahan xaalada ay ku sugan tahay, waa arrin ilaahay ku abuuray oo ka baxsan awoodeeda ma ahan wax ay iyada iska yeelyeelayso ama xakamayn karto.
    Wixii aad ku caawin kartid oo niyadeeda dajin karo ama ka qeyb qaadan karo inay ka khafiifiyaan arrintaan in aad la timaado, wixii aad dhibsatidne in aadan waxba ka soo qaadin, haweenka markay xaaladaan ka baxaan aad ayay iskula yaabaan markaa u sheegtid wixii ay samaysay ama qaabkii ay kuula hadashay, taasi waxay tilmaan u tahay in markii ay xaaladaan ku jirto in aysan caadi ahayn.

    Akhriso qoraal ku saabsan xanuunka caadada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

    Haddii aad su'aalo caafimaad aad qabtid, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
    http://somalidoc.com


    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco:
       


     

    Su'aal: Waxan ku xanusada caadada waxan helaa bishii labo jeer?

    Started by SaakinBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 7837
    Last post April 28, 2016, 04:37:20 PM
    by SomaliDoc
    Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

    Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 12079
    Last post November 03, 2012, 09:51:06 AM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

    Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 26108
    Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

    Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 2
    Views: 10326
    Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
    by SomaliDoc
    Su'aal:Maxaa keena caadada dumarka oo aan xiligeeda ku iman?

    Started by CadarBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 3
    Views: 251835
    Last post July 24, 2009, 12:54:57 AM
    by SomaliDoc