Author Topic: Su'aal: Dulqaad uma laha inuu xamilo wax dhib la xariira?  (Read 3387 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cali Yusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dulqaad uma laha inuu xamilo wax dhib la xariira?
« on: February 14, 2016, 07:47:16 PM »
asc doctor waxaa ila jooga nin dhalin yaro ah oo jira 25 sano. nin kaan dulqaad uma laha inuu xamilo wax dhib la xariira, wadankana waa iska dhib badan yahay. hadii uu naxo ama xanaaqo ama rabshad dareemo waxba ma cuni karo ilaa waxaas xalismaan xitaa waxaa laga yaabaa in uu ma tago. arintaas maxay tahay doctor.waa mahadsantihiin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dulqaad uma laha inuu xamilo wax dhib la xariira?
« Reply #1 on: February 18, 2016, 01:53:44 PM »
Waxyaabo badan ayaa qofka dareenkiisa kicin karo, dareenkaas kacay waa inuu xad leeyahay, hadduu xadkaas dhaafo waxay calaamad u noqon kartaa xanuun la xiriiro khalkhal dhinaca hormoonada dareenka qofka.
Tusaale, hadduu qofka markuu xanaaqo uu cunno diido way dhacdaa waana dabiici, laakiin haddii markuu qofka xanaaqo uu matago, dheefsiga dhibo, wadna xanuun dareemo, dhidid badan oo aan kala joogsi lahayn lagu arko ama isku dhex yaaco oo hadalkiisa iyo ficilkiisa khalkhal galo, waxaa dhici karto inay jirto cilald xanuun.

Waxaa muhiim in qofka dhakhtar la tuso oo la fiiriyo, waxa jiro, haddii jirro la helo, daawo ayaa laga siinayaa, haddii ay cillad nafsaani tahayne waa la diraasaynayaa oo xal ayaa la raadinayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 79314
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61865
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?

Started by DargaayBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12857
Last post April 14, 2011, 07:15:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17275
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: DHIB INTEE LEEG AYEY KEENSAN KARTAA HURDO LA AANTU?

Started by NoahmanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6781
Last post April 10, 2016, 11:04:12 PM
by SomaliDoc