Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Malax ama dhecan cad oo ka imaado guska afkiisa?

(1/1)

Diirshe:
asc DR aad ayaad umahadsantihiin isku xilqaanka aad isku xilqaanten dadka dhiban inaad waqtigiina sisaan jazaakalaah waxaa jeclaan lahaay in aad ii iftimisaan waxyaalo aan isku arkay dabayaaqadii sanadkii 2014 DR waxaa isku arkay dhecaan ama malax ka imaneesa guska afkiisa sida kaadida lkn aan badneen lkn isbuucyo kadib wee yaraatay hada waxaa isku arkaa oo kaliya subixii markaa soo tooso wax xanuun ahna madareemi mahadsanidiin maxee noqon kartaa DR walina ma utagin dr

SomaliDoc:
Malaxda ka imaanayso ibta waxaa loo yaqaano "Urethral discharge" waxaana keeno infekshan, kaasoo ay keeni karaan cudurro kala duwan sida Jabtida, Cudurka kalamiidiyaha iyo bakteeriyo kale intaba.
Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar laxiriirtid sida ugu dhakhsiyaha badan si dheecaankaas loo baaro, kadibna loo ogaado jeermiska waxa uu yahay iyo daawada wax ka tari karto, haddii aadan daawaynin waxuu u gudbi karaa lamaanahaaga, waxayna keenaan dhibaatooyin badan.
Jabtida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html
Kalamiidiya: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html

Navigation

[0] Message Index

Go to full version