Tinta waxaa ku dhaca dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay in ay daadato, jajabto, midabkeeda isbadalo, cirro gasho, khafiif noqoto iyo cillada kalba.
Waxaa la isku waafqsan yahay intaasba in looga hortagi karo in saliid la mariyo.
Saliida waxay tinta siisaa nafaqo si ay u korto ugana ilaaliso cilalda kale ee ku imaanyos.
Saliidu waa ina y noqotaa mid qiyaas ah, lama rabo in ay badan tahay oo ay xirayso duleelada yaryar ee basada, lamana rabo in ay yartahay oo tinta aanan wada gaaraynin, sida ugu haboon waa in saliida lagu daliigaa basada, tintane la wada gaarsiiyo.
Saliida dabiiciga ah ayaa waxtarka badanaa laga helaa, waxayna u kala fiican yihiin sidatan markii cilmibaaris lagu sameeyay:
1- Waxaa ugu horeeya saliida zaytuunka, tan oo na farax galinayso maadaama rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkisia ha ahaatee uu nagula dardaarmay in geedka zaytuunka saliidisia aan marsanno.
2- Waxaa ku xiga saliida qumbaha, tanoo iyadane tinta siiso nafaqooyin kala duwan.
3- Waxaa ku xiga saliid loo yaqaano "Argan Oil" oo laga shiido geedka loo yaqaano "Argan tree" waa geed ka baxo waqooyiga Africa khaas ahaan wadanka Marocco, waa saliid cunanda iyo isu-qurxinta labadaba loo isticmaalo.
4- Waxaa ku xigta saliida afokaadaha "Avocado Oil", waxaanal sheegaa in ay tahay saliida ugu fiican tinta qallalan ama dhakhso qallasho.
Intaa ka dib maxay saliida dabiiciga ah ay tinta u tartaa?
- Korriinka Tinta: tintu sida qeybaha kale ee jirka ka mid ah, waxay u baahan tahay nafaqo ay ku korto, taasoo ka kooban fitamiino, waxay kaloo saliida siyaadisaa qulqulka dhiiga soo galayo tinta si ay u korto, waxay kaloo adkaysaa jiridka tinta, waxayna dabcisaa maqaarka tinta oo qofka wuxuu dareemaa raaxo.
- Ka hortag Infekshan: Saliida dabiiciga ah waxay ka hortagtaa infekshanka bakteeriyada iyo fangaska labadaba, badanaa waxuu jeermiska uu ka faa'idaystaa qallaylka tinta, tasoo haddii uu xiro duleelada yaryar ee tinta ka soo baxdo keeni kara inuu caabuqa si xowli ah u tarmo.
- Raaxo iyo nasasho: Tinta waxay madaxa iyo jirkaba dareensiisaa nasiino iyo raaxo markii la waraabiyo. khaasatan markii lagu daliigo jirka iyo tinta intaba.
- Xoojinta Borotiinka: tintu waxay ka samaysan tahay borotiin, saliida dabiiciga waxay xoojisaa borotiinkaas taasoo yaraynayso jajabka tinta iyo daadashada.
- Saliidda waxay ka hortagtaa agoolka, akhriso waxa agool laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html
- Saliida waxay yaraysaa cirrada, khaastan midda ka soo baxdo dhalin yarada, akhriso qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6426.0.html
- Saliida waxay qurxisaa tinta, waxay u yeeshaa dhaldhlaal iyo soo jiidasho, tinta saliida la mariyo markasta way ka qurxan tahay midda aan saliid la marin, sida geedka la waraabiyay uu uga qurxan yahay geedka abaaraysan.
Akhris qoraal ku saabsan Faa'idooyinka Saliid Macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha:
http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.htmlhttp://somalidoc.com