Author Topic: Ilmahaaga Cusub (Your New Baby)  (Read 67753 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Ilmahaaga Cusub (Your New Baby)
« on: January 29, 2008, 05:26:10 PM »


Marka aad tahay waalid cusub, waxa laga yaabaa inaad qabtid su'aalo ku saabsan ilmahaaga.
Halkan hoose waxa ku qoran qaar ka mid ah muuqaalka jireed iyo dabeecadaha laga yaabo inaad ku aragtid ilmahaaga marka uu dhasho ka dib.

Wareegyada Hurdada iyo Soo-jeedidda
Dhawrka saacadood ee ugu horeya ee ku xiga dhalashada, ilmuhu way firfircoon yihiin waana ay soo jeedaan. Ka dib waxay noqdaan kuwo hurdo leh 12-ka ilaa 24-ka saacadood ee ku xiga.
Filo in ilmahaagu seexdo 16 ilaa 20 saacadood maalintii, iyada oo aanay jirin jadwal ama wakhtiyo go'ani.
Marrar badan ayay ilmuhu habeennimo toosaan si wax loo siiyo.

Madaxa
Waxa laga yaabaa in madaxa ilmahaagu u eg yahay mid weyn oo uu qaabkiisa beddelay habkii dhalmadu. Taasi si tartiib ah ayay iskeed isku sixi doontaa gudaha qiyaasta todobaad. Ilmuhu laba meelood oo jilicsan bay ku leeyihiin madaxa. Meelahaa jilicsani si tartiib ah ayay u xidhmi doonaan umana baahna daryeel gaar ah.

Indhaha
Ilmaha dhashay waxay sida ugu fiican wax ka arkaan fogaan ah 20-25 sentimitir. Midabka indhaha ee ilmahaagu waxa uu isu beddeli doonaa midab joogto ah 6 ilaa 12 bilood. Waa caadi in indhaha ilmahaagu yihiin kuwo bararsan, ay baro casaan ah ku leeyihiin qaybta cad
ee isha ama ay u eeg yihiin kuwo cawaran ama weershe ah. Xaaladahaasi badanaa way iska tagi doonaan.

Naasaha iyo Cawrada
Waa caadi in naasaha iyo xiniinyaha ilmuhu u eeg yihiin kuwo bararsan.
Taasi si tartiib ah ayay uga tagi doontaa. Waxa laga yaabaa in naasaha ilmuhu leeyihiin qadar yar oo ah dheecaan u eeg caano oo ka soo baxaya taasoo si tartiib ah uga tagi doontaa. Waa caadi in ilmaha gabadha ahi ay yeelato qadar yar oo ah dheecaan dhiig ku jiro iyo xab ka soo baxaya hoosta ama cawradeeda mudo ah dhawr maalmood ka dib dhalashadeeda.

Maqaarka
# Haddii aad ku aragtid madoobaad ama buluug ku wareegsan afka ilmahaaga isla markaana ilmahaagu aanu dhaqdhaqaaq lahayn ama aanu
nuuxsanaynin marka aad taabatid ama la hadashid, Wac gargaarka dagdaga ama isbitaal ula carar.
# Haddii ilmahaagu uu yeesho finan maqaarka ah oo uu ka buuxo dheecaan ama malax, wac dhakhtarka ilmahaaga si ilmahaaga looga eego
caabuqid ama cudur, gaar ahaan haddii uu jiro qufac, qandho ama aanuu si fiican quudinta u qaadan.
Waxa laga yaabaa in xaaladahan maqaarka la arko oo badanaa ay iska tagaan daweyn la'aan:
# Baro ah maqaar cas oo ku yaala dhafoorka ama xagga dambe ee qoorta.
# Baro buluug-cawlan oo ku yaalaa dhabarka iyo barida oo badanaa iska taga gudaha mudo ah bilo ama sannado.
# Kuuskuus yaryar oo cad oo aan ahayn finan biyo leh oo uu ku wareegsan yahay aag casaan ah.
# Baro aad u yaryar oo ka soo baxa wajiga. Ha tuujin.
# Maqaar qallalan oo go'aya ama shanqar ah qajajac ama jejeb oo laga maqlo agagaarka canqowga. Marka maqaarka qallalani dhaco, maqaar cusub oo jilicsan ayaa soo bixi doona.
# Timo ah xaad oo lagu arko dhabarka, cududaha iyo dhegaha.
# Wax labeen u eeg oo cad oo laga yaabo inuu maqaarka ku yaala wakhtiga dhalashada ka dibna uu ku jiro laalaabyada maqaarka dhawrka
maalmood ee ugu horeeya nolosha ilmaha.

Joonis
Joonisku waa midab jaale/hurdi ah oo lagu arko maqaarka iyo indhaha.
Badanaa waxa uu iska tagaa gudaha 1 ilaa 2 todobaad. Inta uu ku jiro cisbitaalka, waxa laga yaabaa in qadar yar oo ah dhiigga ilmaha la baaro si loo hubiyo qadarka jooniska.
Ka dib marka aad tagtid guriga, eeg midabka maqaarka iyo indhaha ilmahaaga adiga oo jooga iftiin dabiici ah ama qol leh nal/laydh ah cadaan.
Wac dhakhtarka ilmahaaga haddii:
# Haddii caloosha, lugaha iyo cududaha ilmahaagu yihiin jaale/hurdi.
# Haddii qaybta cad ee indhaha ilmuhu tahay jaale/hurdi.
# Ilmahaagu uu jaale/hurdi yahay isla markaana ay ilmahaaga dhib ku tahay inuu tooso, uu ooyayo ama aan wax kaa qaadanaynin.

Qufaca, Hindhisada iyo Higada
Quficidda iyo hindhisiddu marmarka qaarkood waa caadi. Macnahoodu ma aha in ilmahaagu jiran yahay haddii aan dheecaan ah jaale/hurdi ama cagaar ka soo bixin sanka ama aanay jirin calaamado kale. Ilmaha dhawaan dhashay badanaa way higoodaan inta wax la siinayo ama ka dib.

Margashada
Ilmuhu way margadaan ama saxdaan marka iyaga oo jiifa wax la siino.
Marka la quudinayo, wax yar sare u qabo madaxa ilmahaaga isla markaana marna dhalada wax ha ku taageerin. Haddii ilmahaagu margado, qufaco ama soo tufo, jooji quudinta, fadhiisi ama dhinac u janjeeri. Si tartiib ah u dhirbaax ama u tun dhabarkiisa ilaa margashadu ama saxashadu ka joogsanayso ka dibna dib u bilaw quudinta.

Dareenka
Ilmuhu markasta way korayaan oo waxay wax ka baranayaan adduunka ku wareegsan. Ilmuhu waxay jecel yihiin in la hayo, la salaaxo oo la qaado.
Taabasho degan ayaa ka gargaari karta inay dareemaan amaan oo degaan.
Ilmaha yari waxay jecel yihiin inay maqlaan adiga oo la hadlaya waxana ay dhegaysan doonaan codkaaga iyo shanqaraha kale. Ilmaha yari waxay dareen fiican u leeyihiin urta. Waxay urin karaan caanaha naaska ama dhalada. Ilmaha yari waxay isha la raaci karaan shay dhaqaaqaya waxana ay isha ku hayn karaan waxyaabaha 20 sentimitir u jira.

Fal-keenis (Reflexes)
Waxa jira dhawr fal-keenis (reflexes) oo uu leeyahay ilmuhu wakhtiga dhalashada.
# Waxa jirta fal-keenista adimo tuurtuurista (startle reflex) taasoo ah ilmaha oo gacmhiisu tuurtuura lugahana toosiya marka uu maqlo
shanqar weyn ama si dhakhso ah loo dhaqaajiyo.
# Waa in fal-keenista nuugistu (sucking reflex) tahay mid xoog iyo firfircooni leh.
# Fal-keenista raadintu (rooting reflex) waa marka ilmuhu madaxiisu ku duwo xagga naaska ama ibta lagana yaabo inuu furo afkiisa.
# Fal-keenista talaabo-qaadista ah (stepping reflex) waa marka ilmuhu uu sameeyo dhaqaaq talaabo-qaadis ah marka loo qabto hab ah joog.
# Fal-keenista qabsashada ah (grasping reflex) waa marka uu ilmuhu si adag u xejisto shay la galiyay calaacashiisa.

Haddii aad qabtid su'aalo ama walaac ku aaday qoraalkaan halkaan ku waydii.

Mahadsanidiin
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Kasim

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • "Chance Favors Prepared Mind"
Re: Ilmahaaga Cusub
« Reply #1 on: January 09, 2011, 01:00:06 AM »
Well Done SomaliDoc. waxaan hubaa in dadbadani ka faa'iidaysandoonaan maqaalkan
Mahadsaid Sir
"Chance Favors Prepared Mind"

Offline Honestboy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 11
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Re: Ilmahaaga Cusub
« Reply #2 on: May 12, 2011, 09:33:11 AM »
Assalaamu Aleykum dhaqaatirtena qaaliga wad mahadsantihin howsha adag aad isku xilsaarteen inaad noo qabatan inta kadib gabadhey waxey jirtaa 3 bil iyo maalmo week kudhow sida darteed waxan ku arkay mararka qaar ine weershe aad ah u ekaaneyso badanaana wa ay ficantahay ciladaas aya mar mar ku arkaa marka mawax iska ba,ayaa ama wa wax si kordhayo talo wanagsan iga siiya walalayaal

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Ilmahaaga Cusub
« Reply #3 on: May 14, 2011, 10:34:46 PM »
Assalaamu Aleykum dhaqaatirtena qaaliga wad mahadsantihin howsha adag aad isku xilsaarteen inaad noo qabatan inta kadib gabadhey waxey jirtaa 3 bil iyo maalmo week kudhow sida darteed waxan ku arkay mararka qaar ine weershe aad ah u ekaaneyso badanaana wa ay ficantahay ciladaas aya mar mar ku arkaa marka mawax iska ba,ayaa ama wa wax si kordhayo talo wanagsan iga siiya walalayaal
Sida qoraalka ku xusanba in caruurta aad u yaryara ay u keedaan kuwa cawaran ama weershe ah waa wax iska caadi ah wayna ka baaba'aan waxaana keeno murqaha indhaha oo adkaanin oo dabacsan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Qadashada Ardayda Cusub ee Kulliyada Cafimaadka Norman Bethune ee Dalka CHINA

Started by Dr.RashaadBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 15446
Last post April 07, 2011, 11:28:26 PM
by Diagnostic
Frankincense (Xabag): Reer galbeedka oo soomalida ka faaiday daawo cusub!

Started by AdminBoard Health News and Events

Replies: 1
Views: 18146
Last post June 24, 2011, 02:26:05 AM
by Dr.Adnan
Dood Wanaag: Jaamacado Caafimaad ee Cusub (Faaido iyo Dhibaato)?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 10
Views: 20008
Last post March 06, 2011, 05:46:52 PM
by Pharmacist
Su'aal: MAXAAAN SAMEEYAA INTA AANAN ISARAG XAASKAGYA CUSUB?

Started by Khadar CaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13680
Last post January 29, 2012, 02:37:24 PM
by SomaliDoc
(MSF) Casuumaad: xafladda soo bandhigista buuga cusub ee “Out of Somalia” ..

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7227
Last post June 16, 2012, 06:34:41 PM
by Drkheyre