Author Topic: Su'aal: Xanuunka Scoliosio?  (Read 27856 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ina Abdi

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuunka Scoliosio?
« on: February 16, 2016, 12:54:12 AM »
Asc doctor, waxaan marka hore idinkaga mahad celinaa dadaalka aad umadda Soomaaliyeed ugu fa,iideyneysaan. Waxaan idin leeyahay Rabbi ha idinka abaalmariya kheyrkan. Suaasheyda waxay tahay, Xanuunka Scoliosio inaad inoo qeexdo, intaan ogahay waa xanuun laf dhabarta ku dhaco oo sida C iyo sida S middood u wareejiyo lafdhabarta. Qatartiisa intey la eg tahay, xanuunka Polio xiriir ma la leeyahay. Haddii qof laga qalo xanuunka oo laf dhabarta loo toosio, makusoo laaban karaa? Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuunka Scoliosio?
« Reply #1 on: February 18, 2016, 04:48:06 PM »


Qallooca dhinac dhinaca ee lafdhabarta galo ayaa waxaa loo yaqaanaa "Scoliosis", qallooca horay ama gadaal-ka u galane waxaa loo yaqaanaa "Kyphosis" ama tuur, taasoo horay markay gasho, shafka uu soo kuusto, haddii gadaal ahaan u gashane laga arko dhabarka.

Maxaa keeno qallooca lafdhbarta?
Qallooca soliosis waxay ku timaadaa 3 cilladooda oo kala ah:
  • Cillad lagu dhasho: tanoo ka timaado cillad "genese-ka" ah, waxaana la dareemaa markuu cunugu dhahso.
  • Cillada murqaha iyo neerfaha ah: waxaa lagu arkaa dadka leh cilalda neerfaha ee lafdhabarta ku dhacdo iyagoo yar yar, inta ay korayaane lafdhbartu ay qalloocato, waxaa kaloo qeybtaan soo hoos gali karo cudurka dabaysha.
  • Burbur lafdhabarta ah: waa wax ka dhashay dhaawac sida shilalka ama qalliin lafdhbarta lagaga sameeyay qofka.
  • Cillad aan la garanayn: waa qeybta ugu badan, lamana ogo sababta keento, laakiin waxaa la aamisan yahay in ay dhaxalka xiriir la leedahay.

Badanaa cilladaan qallooca lafdhbarta waxaa la arkaa ama la dareemaa ama timaadaa da'da u dhaxayso 10 illaa 16 sano.

Waxaa lagu ogaan karaa cilladaan markii uu dhakhtarka caruurta uu ilmaha uu wiisiteynayo, waxaana lagu dareemaa labada garbood oo kala gaaban, lafta garabka oo soo baxsan markii duudka la eego, miskaha oo aan isla sinneeyn ama qofka oo dhinac u janjeero.

Intaa ka dib waxaa laga yaabaa inuu dhakhtarka kuu diro raajo ama sawir scan si loo helo warbixin dheeraad ah sida qallooca heerka uu gaarsiisan yahay.

Sidee loo daaweeyaa?
Daawayntu waxay ku xiran tahay da'da aad jirto iyo qallooca heerka uu gaarsiisan yahay.
Haddii qalloocu u dhaxeeyo 25 ilaa 40 degree, lafahaaguna ay korayaan weli, waxaa laga yaabaa in lagugu xiro biro ka hortagaya inuu qallooca siyaado, kadibna aayar ayay lafdhabarta isku toosinaysaa, waana in afartii biloodba mar lagula socdo.

Haddii qalloocu uu ka wayn yahay 40 degree, xalku waa qallii sixis ah, waxaana lafdhabarta lagu rakibaa biro toosinayo.

Haddii cilladu ay u muuqato wax billow ah oo ka socdo neerfaha ama murqaha waa in cilladahaas la daaweeyaa si lafdhbarta loo badbaadiyo, waxaa ka mid noqon karo waxyaabaha jimicsi, daaweyn iyo koronto lagu kcinayo murqaha.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16790
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14369
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33620
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39995
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87215
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!