Author Topic: Cunnooyinka Lafaha Kabniinkooda Dadajiyo  (Read 39292 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Cunnooyinka Lafaha Kabniinkooda Dadajiyo
« on: February 16, 2016, 05:43:09 PM »


Jabniinku waa wax ku badan caruurta, dhalinyarada iyo dadka da'da ah intaba, waxaa lagu qiyaasaa in qofka noloshiisaba uu hal jabniin soo maro badanaa.

Qofka markuu jabo waa la kabaa oo kabniin ayaa la saaraa, laakiin ma jirto daawo loo qaato in kabniinka ama bogsoshada jabka ka qeyb qaadato ama dadajiso, laakiin nasiib wanaag waxaa jiro cunnooyin eebe ugu tala galay dhisidda lafaha, talo maxay yihiin cunnooyinkaas?

  • Caanaha Geela: Caanaha waxaa ka buuno borotiin aad u badan, waxay kobciyaan difaaca jirka khaasatan kuwa u qaabilsan bogsashada dhaawacyada iyo jabniinka lafaha, waxaa caanaha geela ka buuxo maadada kaalsiyamta iyo fitamiino kale oo muhiimu ah in lafahu adeegsadaan markii ay kabmayaan, hadduu qofka uu ahaa qof caanaha geelaha aad u cabo, badanaa ilaahay wuu ka badbaadiyaa jabniinka ka yimaado waxyaabaha fudud maadaama lafaha qofkaasi ay adag yihiin, haddii aa jabtid, ha hilmaamin caanaha geela.
  • Broccoli: waa nooc kam id ah khudaarta, waxa aad uga buuxa fitamiin "K" kaasoo muhiim u ah kabniinka lafaha, diraasad lagu sameeyay jaamacadda "Oregon State University, waxaa lagu ogaaday in fitamiinka "K" inuu macaadinta iyo dheecaanada muhiimka u ah kabniinka lafta inuu isku hayo ama uu cufnaantooda siyaadiyo, haddii khudaartaan la shiido oo cabitaan laga dhigo, halkii koob waxaa la qiyaasa inay ku jirto "220 mcg oof vitamin K", maadaama khudaartaan aan safiican looga aqoon soomaalida dhaxdeeda, waxaa badalkeeda gali karo khudaarta Koostada iyo kabaajka.
  • Sisinta: sisinta waxay ku jirtaa liiska sadaxaad iyada iyo saliid macsarada, waxaa la arkay sisinta in ay ka qeyb qaadato bogsashada dhakhsada ah ee lafo jajabka, akhriso qoraal aan kaga hadalnay faa'idooyinka saliid macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html
  • Liin macaanta, Liin urunjida, Bambeelmada: waxay ku jirtaa liiska afaraad cunnooyinka lafaha adkeeyo, maadaama ay ka buuxdo fitamiin "C" kanoo muhiim u ah hagaajinta lafaha dildillaacooda, wuxuu kaloo fitamiin "C" jirka u qaabilsan yahay dadajinta bosashada nabraha guud ahaan, waana sababta haddii uu qofka ku yaryahay fitamiin-kaa ay unugyada u dildilaacaan qofkane u dareemaa cirid dhiig iyo wixii la mid ah.


Haddii aadan heli karin cunnooyinkaan aan soo tilmaamay waxaad ku dadaalaysaa cunnooyinka ay ku badan tahay Kaalsiyamka, Vitamin K iyo Vitamin C, sida aad ku ogaatidne akhriso qoraalkaan aan kaga hadlayno cunnooyinka lga helo fitamiinnada kala duwan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html

Waa maxay waxyaabaha lafaha daciifiyo?
Waxaad ka fogaanaysaa shan shay haddii aad rabtid in lafahaaga ay xoog kuu lahaadaan, waxayna kala yihiin:
  • Khamriga: dad caba khamriga waxay la kulmaan lafo burbur, wax eebe reebayna waa amarka ilaahay looga haraa ee caafimaad darro kaliya loogama haro.
  • Cusbada: dadka aad u jecel cusbo cunista, waxaa khatar ku jira lafahooda, maxaa yeelay cusbada waxay ka samaysan tahay maado la dhaho "Sodium" tano oo lafaha ka hoosho ama ka saarto maadadii xoojinaysay ee kalsiyamta "Calcium".
  • Sokorta: khaastan mida la warshadeeyay waxay yaraysaa cufnaanta lafaha, waxayna ka hortagtaa kabniinka iyo sixista dillaaca lafaha.
  • Co-collada: waa la isku waafaqsan yahay in ay lafaha dhamayso, akhriso qoraal aan uga hadalnay caafimaad darrida laga helo cabista Cocacollada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5964.0.html
  • Kaffeyga: dadka aad u cabo kaffeyga waxaa jirkooda ku yar maadada Kalsiyamta, maxaa yeelay wuxuu ka hortagaa in uu cunnada laga soo dhuugo markaa cuntid kadib, taasoo keenayso wixii kaalsiyam ah in ay saxarada raacaan.

Haddiiba aadan heli karin inta aan kor ku soo xusay, jabne aad la kulantid waa muhiim in aad qaadato fitamiinada ka kooban "Kaalsiyamka, Magniisiyamta, Zinc-ga iyo Vitamin D-ga, C iyo K".

Haddii aad wax su'aal ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa keena lafaha garbaha inay laf fiiqan yeeshaan?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7666
Last post September 16, 2015, 01:29:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Lafaha lugaha illaa jilibka ayaa i xanuunayo?

Started by Dagan FarhioBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5942
Last post July 14, 2017, 07:57:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lafaha gaar ahaan calaacusha iyo jilibka?

Started by Qoorgaab120Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 3606
Last post March 17, 2019, 04:21:40 AM
by Qoorgaab120
Su'aal: Dhaxan aan i dayneyn iyo qandho lafaha ah?

Started by HannahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7218
Last post November 10, 2012, 12:18:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena Kansarka Lafaha?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6795
Last post March 04, 2015, 04:32:43 PM
by SomaliDoc