Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Midabka kaadida oo gaduudan?

(1/1)

Nuurka555:
Ascww waakuslamayaa marka hore waxaan sixushmaeh kuuweydiinayaa suaal taasoo ah waxaan maalmahan isku arkey xumad kaadideydana weygaduudantahay malariya ayaa iskabaaray anigoo tagey meelsheybaar caadi ah wuxuu iisheegey malariya inaanqabo kaniiniga malariyada waa iisooqorey wana qaatey marka kaadida gaduudan maxaytahay waad mahadsantahay

SomaliDoc:
Qandhadii ma ku daysay? mise wali way jirtaa?
Malaariyada haddii ay jirtay waxay saamayn ku yeelan kartaa kilyaha, kadibna kaadida gaduud ayay noqotaa, waxaa kaloo keeni karo infekshan kilyaha ama kaadi heysta haddii ay jirto.
Haddii weli qandhadii ku hayso, kaadidiina ay gaduud tahay, fadlan iska baar kaadida.
Haddii qandhadii ku daysay, laakiin kaadida ay weli gaduudan tahay, ku dadaal biyo cabista, si kilyahaagu ay nadiif u noqdaan
Haddii kaadi dhiiga uu la socdo, xanuun kilyaha ama caloosha dhinacyadeeda, waa in lagaa baaro dhagax kaadi mareenka galay.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version