Author Topic: Su'aal: Macquul ma tahay in uu qofka ragga ah dheeraado 18 sano ka dib?  (Read 20444 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdiyare54

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
asc waan idiinsalaamay dhamaan taqaatiirta somalidoc waxaan aad idiinkaaga mahad celinayaa howsha wacan oo aad shicibkiina u heysaa intaa kadib waxaan qabaa suaal aha SUURTA GAL MA TAHAY IN UU DHEERAADO QOFKA RAGGA AH OO 19 AMA 20 JIR AH IN LA EG 4-3 INCH HADEEY MACQUULTAHAY SIDEE WAADNA MAHADSAN TIHIIN WAXAAN RAJEYNAA INAAD JWB IGU SOO CELIN DOONTAAN INSHA ALAAH




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Macquul ma tahay in uu qofka ragga ah dheeraado 18 sano ka dib?
« Reply #1 on: February 19, 2016, 03:35:37 PM »


Inkastoo jirka si aayar ah uu soo deynayo hormoonka korriinka "growth hormone" laakiin waa suura gal in dhirirkaagu uu ku darsamo ugu badnaan ilaa 4 inch, badanaa 2 inch.

Sidee loo dheerayn karaa dhererkaaga markaa ka wayn tahay 18 sano?
  • Cun cunno protein leh oo kugu filan, khudaarta iyo fruutka.
  • Waa in aad jimicsi joogto ah sameysaa usbuucii labo ilala sadax jeer oo joogto ah.
  • Waa in aad heshaa hurdo kugu filan, maadaama hormoonka aan kor ku soo xusay la soo daayo markii la hurdo.
  • Iska ilaali waxyaabaha korriinka hoos u dhigo sida: sigaarka iyo khamriga oo si xaqiiqo ah loo arkay in korriinka dhirirka qofka ay saameeyaan.
  • Qaab fadhigaaga iyo socodkaaga sax, ha noqon dadka markay fadhiyaan horay u fooraarsado ama markay socdaan goobada isku yeelo, tan waxay keenaysaa in lafdhabartaadu ay qalloocato, kadibna dhirirkaaga uu yaraado.
  • Sameey jimicsiga iskala bixinta subaxii 15 daqiiqo, tan waxay dabcinaysaa murqaha lafdhabartaada, si korriinka dhirirkaagu uusan saameyn ugu yeelan.
  • Waa in aad qorax heshaa oo aad isku dhigtaa, haddii meesha aad ku nooshahay ay qoraxdu yar tahay, qoraxdu waxay kordhisaa korista lafaha iyadoo sare u qaado fitamiin D-ga, waxaa kaloo fitaminkaan ka heli kartaa caanaha, ukunta iyo kalluunka.

Akhriso fitamiinada kala duwan waxa ay jirta u taraan iyo cunnooyinka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
Akhriso cunnooyinka kabo lafaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abdiyare54

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Macquul ma tahay in uu qofka ragga ah dheeraado 18 sano ka dib?
« Reply #2 on: February 22, 2016, 06:04:02 PM »
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin somali doc waxaana aad idinkaga mahad celinayaa sida wacan ee aad ii tix geliseen uga soo kwbteen codsigeyga jazaakumulaahu kheyr


 

Su'aal: Xiniintayda midig way ka yar tahay xiniintayda bidix?

Started by Muwadin_QaranBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 7246
Last post November 16, 2018, 01:43:21 PM
by Sadaq10
Su'aal: "SIIGAYSIGA" dhibaatadiisa maxay tahay?

Started by Feysal_44Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8086
Last post October 26, 2016, 06:57:06 PM
by SomaliDoc
Maxay Tahay Qandhada "Rift Valley"?!

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 18415
Last post November 14, 2007, 12:08:44 AM
by Doctoor
Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71690
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu garto qofka maka uu ku yaryahay Vitamin C?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24225
Last post January 16, 2010, 06:58:41 PM
by SomaliDoc