Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Macquul ma tahay in uu qofka ragga ah dheeraado 18 sano ka dib?

(1/1)

Abdiyare54:
asc waan idiinsalaamay dhamaan taqaatiirta somalidoc waxaan aad idiinkaaga mahad celinayaa howsha wacan oo aad shicibkiina u heysaa intaa kadib waxaan qabaa suaal aha SUURTA GAL MA TAHAY IN UU DHEERAADO QOFKA RAGGA AH OO 19 AMA 20 JIR AH IN LA EG 4-3 INCH HADEEY MACQUULTAHAY SIDEE WAADNA MAHADSAN TIHIIN WAXAAN RAJEYNAA INAAD JWB IGU SOO CELIN DOONTAAN INSHA ALAAH

SomaliDoc:

Inkastoo jirka si aayar ah uu soo deynayo hormoonka korriinka "growth hormone" laakiin waa suura gal in dhirirkaagu uu ku darsamo ugu badnaan ilaa 4 inch, badanaa 2 inch.

Sidee loo dheerayn karaa dhererkaaga markaa ka wayn tahay 18 sano?

* Cun cunno protein leh oo kugu filan, khudaarta iyo fruutka.
* Waa in aad jimicsi joogto ah sameysaa usbuucii labo ilala sadax jeer oo joogto ah.
* Waa in aad heshaa hurdo kugu filan, maadaama hormoonka aan kor ku soo xusay la soo daayo markii la hurdo.
* Iska ilaali waxyaabaha korriinka hoos u dhigo sida: sigaarka iyo khamriga oo si xaqiiqo ah loo arkay in korriinka dhirirka qofka ay saameeyaan.
* Qaab fadhigaaga iyo socodkaaga sax, ha noqon dadka markay fadhiyaan horay u fooraarsado ama markay socdaan goobada isku yeelo, tan waxay keenaysaa in lafdhabartaadu ay qalloocato, kadibna dhirirkaaga uu yaraado.
* Sameey jimicsiga iskala bixinta subaxii 15 daqiiqo, tan waxay dabcinaysaa murqaha lafdhabartaada, si korriinka dhirirkaagu uusan saameyn ugu yeelan.
* Waa in aad qorax heshaa oo aad isku dhigtaa, haddii meesha aad ku nooshahay ay qoraxdu yar tahay, qoraxdu waxay kordhisaa korista lafaha iyadoo sare u qaado fitamiin D-ga, waxaa kaloo fitaminkaan ka heli kartaa caanaha, ukunta iyo kalluunka.Akhriso fitamiinada kala duwan waxa ay jirta u taraan iyo cunnooyinka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html
Akhriso cunnooyinka kabo lafaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.html
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Abdiyare54:
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin somali doc waxaana aad idinkaga mahad celinayaa sida wacan ee aad ii tix geliseen uga soo kwbteen codsigeyga jazaakumulaahu kheyr

Navigation

[0] Message Index

Go to full version