Author Topic: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?  (Read 36241 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« on: February 17, 2016, 10:52:54 PM »
Asc dhamaan Dr yaaasha  aad iyo aad idinki mahad celinaa sida xushmada ku jirto oo suaalaha uga so jawabtan  tnx ok hadan suaashayda u soo daadago waxa waaye
1: ilmaha markay yaryihiiin laga raaco mxay u dhibi kartaa
2: anigu mxaa iga qaldan markan xanaaqo ilmaha waan dilaaa waxaana iigu daran marki la idhaho ilmaha kaleexi iyo wax la mid ah




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« Reply #1 on: February 19, 2016, 05:52:08 PM »


Waa mawduuc muhiim ah, waana ku faraxsanahay in aad i soo waydiisay, waxaana filayaa in waalid kasta uu qoraalkaan wax badan ka faa'idaysan doono.

Marka hore caruurtu waa amaano alle noo dhiibay, in aan xaqooda ilaalino waa waajib rasuulkeena suuban na faray, haddii aad ku xad gudubtid ama u xoog sheegatid ha u malaynin in aan lagu waydiin doonin maalinta la is xisaabinayo.

Intaas ka dib, anaga soomaali haddii aan dhahay wax kasta badanaa waxaan ku xallinaa adadayg iyo qallafsanaan, waxaan aamisannahay marmarka qaar inuusanba xal kale jirin, waxaa laga yaabaa inuu waalidka ku dhaho "haddii aan wiilkeyga garaacin siduu u hagaagayaa"!.
Iskaba daa qolooyin kale oo aaminsan "haddii aan caruurta il-kulul la tusin kaama baqi doonaan ee waa in la garaaco"!!

Garaacista way ka mid tahay dariiqyada loo adeegsado in caruurta looga saxo khaladaadka laakiin waxay leedahayo waqti loogu talagalay, hadaf lagu gudanayo iyo shuruudo ku xiran intaba.

Waa maxay sababta loo garaacayo cunuga?
Tan waa arrin muhiim ah in waalidku uu fahmo, haddii kale hadafka garaacista ayaa ka qaldamayo.
  • Marka ugu horreyso, caruurtaada ha u garaacin xanaaq aad ku xanaaqday dartiis, maxaa yeelay waxaan wada ognahay markuu qofka xanaaqsan yahay inuu qiyaasta ay ka lumayso oo ay dhici kartaba garaaci uu garaacayo cunugiisa ay u ekaato inuu xanaaqa iska goynayo, tan waxay keeni kartaa in cunuga u arko garaacistaada aargoosi ama in aad xanaaqa iskaga dajinaysid, waana arrinta aad tilmaantay oo ah, markastoo xanaaqo ilmaha ayaan garaacaa!!, waa arrin qalad ah.
    Waxay dhakhaatiirta cilmu nafsiga caruurta bartay ay sheegaan in waalidku uusanba sixin khalad isagoo xanaaqsan, haddii kale khaladkii khalad kalaa ka dhalanayo.
  • Caruurta alle isku dabci kama dhigin, qaabka khaladka looga saxane way ku kala duwan yihini, sidaas darteed waa in waalidku uu ogaadaa caruurtiisa farqiga u dhaxeeyo, waxaa jiri kara caruur in aad u muujiso in aad u xanaaqsan tahay oo aadan garaacin ay ku filan tahay inuu dareemo in uu wax halleeyay, waxaa dhici karto inuu u baahan yahay in aad meel fadhiisisid oo ciyaarta ka xannibto muddo kooban inay kaga dhib badan tahay garaacista, waxaa jiri karaba caruur usha aad u neceb oo haddii aad garaacdid dhici karto in ay nafsiyaat ka qaadaan, marka waalidku inuu caruurtiisa barto waa muhiim
  • Waxaa kaloo muhiim ah in waalidku uu fahmo sababta ka dambayso khaladka ay caruurtu galeen, caruurtane ay fahansan yihiin sababta loo garaacyo, haddii aysan labadaas kala caddayn, cunuga wuu wareerayaa, garaacistane wuxuu ka qaadayaa wareer iyo madax adeeg iyo collaytimo, marmarka qaar waxaa dhici karto qaladka uu cunuga sameeyay inay ka tahay wax hagaaji ama qaladkeedaba uu leeyahay waalidka, tusaale: ilmo aad ku soo korisay in aad masaasad wax ku siisid, haddii aad koob wax ugu shubtid oo cunugii koobka isagoo cabayo la seexdo ka waran, khaladkaas haddii aad u garaacdo cunuga ma fahmi karaa?!. Tusaale kale: hooyadu markay guriga xaaqayso haddii ilmihii yaraa, xaaqin soo qaato oo qashinkii aad isku soo aruurisay uu kala firaariyo, khaladkaas ma fahmi karaa cunuga, haddii aad garaacdidne ma ku saxsan tahay?!, Tusaale sadaxaad: haddii adigoo marti la joogo uu kuu soo galo cunugaaga oo qaawan ama wasakhaysan, kadib aad garaacdid markii ay martida kaa tagto ka waran? ma fahmi karaa cunuga sababta loo garaacay?, Tusaale afaraad: Haddii aad cunugaaga u wacday adigoo aamisan inuu ku maqlayo, markii uu kuu imaan waayo ama uu kuu jawabi waayo, haddii aad u timaado oo aad garaacdo ka waran? Ma kugu soo dhacday ama ma ogtahay in caruurta qaar ay qabaan cillad foojignaan la'aan oo loo yaqaano "Attention Deficit" oo ku badan caruurta soomaalida, waana caruurta ku talax tago ciyaarta ama howsha ay hayaan, kuwaan oo ku jiro xaalad maqnaansho ah si dhakhsane uga soo baraarugi karin, waxaa dhici kartaba inuusan ku maqlin ama feejigin, haddii aad garaacis kala dul dhacdo ma fahmi karo sababta aad u garaacday, waxaana dhici karto inuu ka qaado cuqdad nafsi, waa arrin badanaa aysan waalidiinta soomaalida ku baraarugin in ilmahooda ay qabaan "foojignaan la'aan" waxaa dhici karta in hooyadu ay ku tiraahdo "wiilkeyga aad ayuu ciyaarta u jecel yahay, hadduu ciyaar bilaabo kama kaco, marmarka qaar waan raadiyaa markaan waayo, kadib ayaan arkaa isagoo ciyaarayo" waa muhiim in waalidku uu ka fakaraa khaladka dhacay inta uusan cunugiisa garaacin.
  • Waxaa kaloo muhiim ah in ilmaha aanan loo garaacin waxbarashada ayuusan ku fiicnayn, ama wax ma xifdin karo ama faciis ayuu ka haray ama wuu ciyaar badan yahay darteed, tanne waa khalad aad u wayn oo waalidiinta soomaalida ku dhacaan, waxaa dhici karto in karaanka cunuga intaaba uu la egyahay, waxaa dhici karto korriimada maskaxdiisa iyo awooda waxbarashada u leeyahay inay yartahay ama inuu u baahan yahay qaab gooni ah in wax loo baro ama inayba jirto cillad waxbarasho oo cunuga ku dhashay ama in cunuga uu leeyahay xanuun dabeecad sida cudurka loo yaqaano "ADHD" oo lagu garto fudfudeyd iyo ka fiirsasho la'aan, akhriso xanuunkaan waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,987.0.html
  • Waxaa kaloo muhiim ah in ilmaha aadan ku bilaabin garaacis digniin la'aan ama aadan soo marsiin ciqaabyo kale oo ka fudud garaacista ka hor, haddii kale wuu la qabsanayaa garaacista, markuu weynaado oo go'aankiisa gacanta u galo, aargoos iyo caasinnimo ayuu bilaabayaa, waxyaabo badan oo waalidku ku ciqaabi karo caruurtiisa oo ilmuhu ay ka neceb yihiin garaac ayaa jira, sida in loo diido inuu soo ciyaaro, in loo diido daawashada filimaanta caruurta, in hadiyad aan la siinin iyo waxyaabo kale.
  • Waxaa muhiim ah in waalidka uu u fiiriyo garaacista xilligeedii ma joogaa cunuga oo uu ku fahmi karo in ay ka tarjumayso khalad uu sameeyay, rasuulkeena suuban wuxuu noo sheegay markuu ka hadlayay salaad farista caruurta, in ilmaha la amro in ay dukadaan markii ay todobo sano jiraan, laakiin la garaaci karo markii ay 10 sano jiraan, sababtu maxay tahay? sababtu waxa ay tahay in ilmuhu fahmi karaan khaladka salaad ka tagista markii ay da'daas gaaraan sidaas daraadeed haddii aad garaacdo waqtigaas ka hor, faa'ido kama dhaxlaysid garaacistaas aan khasaaro ahayn, waxaaba dhici karto in cunuga uu salaada neceyb u qaado, waxaana tan la mid ah quraanka, haddii aad ilmaha quraanak ku soo bartid garaacis oo aysan u baran alle dartii iyo inuu quraanka wax fiican yahay iyo inuu anfici doono aduunyo iyo aakhiro, markuu waynaado quraankii halkaas ayaa ugu dambaynayso.

Shuruuda garaacista caruurta:
Waxaa jiro dhowr arrin oo isku waafaqsan yihiin khubarada cilminafsiga oo waalidku inuu sameeyo tahay, hadduuba garaacayo caruurtiisa:
  • In uu cunuga ka wayn yahay 10 sano, waxaan filaa arrintaan in diinta islaamka ay ka qaateen, inkastoo ay sheegaan in markuu cunuga 10 sano jirsado inuu fahmi karo sababta loo garaacyo.
  • In garaacista aysan joogto noqon si aysan u macno beelin oo cunuga ula qabsan.
  • In aysan noqon aargudasho oo waalidku uusan garaacin caruurtiisa isagoo xanaaq la sakhraansan.
  • In garaacista aysan ka badan 3 garaacis.
  • In garaacista aanan loo adeegsan wax keeni kara nabar sida dhaawac iyo wixii la mid ah.
  • In ilmaha aanan laga garaacin hal meel kaliya, lagana fogaado in la garaaco wajiga, madaxa iyo xubnaha taranka.
  • Waa in aad u sharaxdaa cunugaaga sababta loo garaacay, isagane aadan necbayn oo aad jeceshahay, waxa aad neceb tahayne ay tahay waxa uu sameeyay.
  • Qodobkaan ugu dambeeyo waxaa ku daro culimada oo ah, haddu ilmahaagu alle ku xasuusiyo ama ku dhaho: aabow ilaahay ka cabso ama alle dartii igu cafi iyo ilaahay ayaan u tawbad keenay iyo wax la mid ah in aadan usha ku sii wadin.!

Maxaa saamayn ah ayay garaacista caruurta ku reebi kartaa haddii aysan shuruudahaas waafaqsanayn?
  • In cunuga uu ka qaado waalid nacayb
  • In cunuga ay ka dhunto kalsooniada, qancinta, is-xilqaamidda iyo kala saaridda qaladka iyo saxda.
  • In ilmuhu ay noqdaan kuwa ka cabsada in ay hadlaan markii waalidku uu joogo ama ra'yigooda aanan cadaysan karin markii ay bulshada ku dhex jiraan.
  • In ilmuhu ay noqdaan kuwa xanaaq badan oo dagaal badan oo naxariista ku yar tahay.
  • In ilmuhu isku arkaan in aysan qiimo lahayn ama aysan iska fakarin ama is liido.
  • In ilmuhu hor u socod ay yeelan waayaan cabsi dartii hadduu wax qabto amaa hallaysaa oo lagu garaacaa, tan oo saamayn ku yeelato dhinaca waxbarashada, markuu ardayda su'aal la waydiiyo, waxaa dhici karta inuu aamuso isagoo garanayo cabsi uu ka qabo darteed amaa waa khaldan tahay lagu dhahaa ama lagu garaacaa.
  • In ilmuhu ay ku kibraan waalidka ama madax adayga ka qaadaan garaacista am handadaad ay la yimaadaan markii ay waynaadaan.
  • In ilmuhu ay xaasidnimo iyo naxariis darro kula dhaqmaan caruurta ka yaryar iyagoo ka aarsanayo wixii lagu sameeyay maadaama uu aamisan yahay in la dulmiyay oo usuan istaahilin sababta loo garaacay.

Mawduucaan waa mawduuc aad u wayn, wax badane u baahan in laga qoro, lagana wacyi galiyo bulshada soomaaliyeed laakiin way yar tahay waalid intaan kula fahmayo oo diyaar u ah in caruurtiisa uu dilka ka daayo.

Waxaa kaloo muhiim ah in aad ogaataan, haddii ul lagugu soo koriyay, adigane waxaa kaa dhaadhacsan in ul kaliya wax lagu sixi karo ilaa in aad noqoto qof aqoon leh maahinee.

Way yartahay qoys garaacis qaldan ka maran, waana la wada ogyahay shaqada babiska, kabta, iskoobaha, suunka iyo fiilo feerada ay guriga ka hayaan.

Ilaahay hanoo dambi dhaafo wixii khalad ah aan ak galnay caruurteena, waalidkeenan ha u dambi dhaafo.

Haddii aad qabtid su'aal aam faahfaahin dheeraad ah aad u baahan tahay oo la xiriir to qoraalkaan isla boggaan ku soo dir.

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Balqiisahaaji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« Reply #2 on: February 20, 2016, 08:25:41 PM »
thanks alot dr waxaana isku dayaaa  in wax badan iska badalo oon ku waana qaadano hadan waalid nahay

Offline Abu Muxamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« Reply #3 on: February 20, 2016, 09:58:32 PM »
ascw.the doctors.aaad iyo aad ayaaad umahadsantahay ilaahay hakaa jasaaisiiyo .waanan fahmay mawduuca.lkn dector anigu waxan dhalay wiil 4 sanno iyo bar ah .wiilkaygu markuu khalad sameeyo ama ciyaarta daynwaayo ama wax dhibaato ah sameeyo waxaan ku dhahaa waad seexanaysaa hadii kala jooji waxaad samanaysid .markaasuu joojiyaa .hurdada ayuu necebyahay oo wuxuu jecelyahay inuu iskii markuu udaalo inuu seexdo.anna waan ku bajiyaa xilliga hurdadana waan seexiyaa anigoo ka duulaya haddaanu hurdo ku filan aanu helin inuu caafimaad taam ah.sidas awgeed ayuu igu dhahaa aabo wan ku necebahay oo wad iseexisaa.markaaa digtoore arrintaasi ma khaladbaa mar haddii inankaygu iigu cuqdadoonayo anna aan caafimaadkiisa udanaynayo .ascw.thanks somali doctors.

Offline My143ismail

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« Reply #4 on: February 21, 2016, 12:23:10 PM »
Marka hore Docotor aad ayaan kaga mahad celinaa huufnaantada iyo Deeqsimnimada aad Ugu deeqeyso cilimiga u Alle Ku siiyey (SW) Umada Somaliyed meel walba ay joogaan.
Su'ashan Hadaan usii gudo galo Doctor Qodob aad u Muhiim ah ayaad ku hustay Qodobada aad so Qortay Waana Sida:-

-Haddu ilmahaagu alle ku xasuusiyo ama ku dhaho: Aabow ilaahay ka cabso ama alle dartii igu cafi iyo ilaahay ayaan u tawbad keenay iyo wax la mid ah in aadan usha ku sii wadin

Waxan so xasuustay yaraanteydii macalinka dugsiga ii dhigi jirey Kheyr Allaha Siiyee Markaan Qalad Sameeyo O Isagana iskku dayo inuu i garaaco Islama uu usha Igu xanuunjiyo Ayaan Dhihi jirey
"Macalin Illahay Dartiis igu cafu" Asna Wuxuu I dhihi jirey "Illahay Dartiis ayaan kugu Garaacaya" Taa iyadana Kawaran. Mahadsanid

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Ilmaha markay yaryihiiin la garaaco mxay u dhibi kartaa?
« Reply #5 on: February 28, 2016, 02:40:13 PM »
Marka hore Docotor aad ayaan kaga mahad celinaa huufnaantada iyo Deeqsimnimada aad Ugu deeqeyso cilimiga u Alle Ku siiyey (SW) Umada Somaliyed meel walba ay joogaan.
Su'ashan Hadaan usii gudo galo Doctor Qodob aad u Muhiim ah ayaad ku hustay Qodobada aad so Qortay Waana Sida:-

-Haddu ilmahaagu alle ku xasuusiyo ama ku dhaho: Aabow ilaahay ka cabso ama alle dartii igu cafi iyo ilaahay ayaan u tawbad keenay iyo wax la mid ah in aadan usha ku sii wadin

Waxan so xasuustay yaraanteydii macalinka dugsiga ii dhigi jirey Kheyr Allaha Siiyee Markaan Qalad Sameeyo O Isagana iskku dayo inuu i garaaco Islama uu usha Igu xanuunjiyo Ayaan Dhihi jirey
"Macalin Illahay Dartiis igu cafu" Asna Wuxuu I dhihi jirey "Illahay Dartiis ayaan kugu Garaacaya" Taa iyadana Kawaran. Mahadsanid

Haddii aan isla su'aasha adiga kugu soo celiyo, ma alle dartii ayuu laguu garaacayay oo alle miyaa dambi ka gashay?
Barashada quraanka dartii in ilmaha loo garaaco ma ahan, meeqo ayaa dugsiga iyo quraankaba uga carartay garaac dartiis!!.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44015
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14385
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caanaha naaska dhagaha ilmaha malagu shubi karaa?

Started by BalqiisahaajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12468
Last post February 06, 2016, 02:44:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xulbadu maxay u tartaa hooyada uurka leh iyo ilmaha uurjiifka ah?

Started by FarhyaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25808
Last post July 05, 2016, 11:28:25 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada Ciprofloxacin iyo Saameynta ilmaha hooyada jaqaya?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6154
Last post July 10, 2011, 07:30:18 PM
by SomaliDoc